“Reer Sanaagoow Maan Diidin In Dad Baahan La Caawiyo, Waxaanse Diiday In Gaadhi Raashin Ah Lagu Dilo Milgihii Warsengali”

0
28

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey oo ku eedeeyey baadhasaabka gobolka Sanaag Md. Maxamed Cabdi Falaay in uu ku fashilmay xilkii qaranku u igmaday ee gobolkaas. Guddooomiye Daadey oo shalay  warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa oo uu safar shaqo ku joogo ayaa sheegay in  Gudoomiyaha gobolka Sanaag uu canaasiir iyo casabiyad ku kala qoqobay beellaha walaalaha ah ee wada dega gobolkaas.daadey

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi “waxaan maanta [shalay] halkan ugu cadaynayaa ummadda reer Somaliland iyo gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag hadallo been abuura oo uu warbaahinta u sheegay  Guddoomiyaha Fashilmay ee Gobolkaasi Sanaag mr. Falaay kaas oo sheegayey inan beesha warsangali caawimo la siinaayey u diiday. Haddaba waxan leeyahay reer Sanaagoow maan diidin in dad baahan la caawiyo ee waxan diiday in magaca Beesha Warsangali oo ah beelaha ugu miisanka iyo milgaha badan Somaliland lagu  lagu adeegto oo lagu dilo gaadhi raashin ah”. Sidaasi ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sanaag ee WADDANi. Waxaanu intaas ku daray “way fududahay in dadka jooga fadhigaab  iyo gar adag la uruuriyo oo gaadhi raashin ah loo geeyo oo la yidhaahdo hadla  balse  badhasaabku haddii uu abaaro wax ka qabanaayo ha tago oo ha geeyey caawimo dhulka bariga fog ee Gobolka Sanaag oo abaaro ba’ani ka jiraan”. Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey ayaa waxa uu ku eedeeyey Badhasaabka Sanaag inuu had iyo jeer ka war hayo uun deegaanada uu kasoo jeed isla markaasina aanu kaba war hayn Deegaanada ay degan yihiin Beelaha kale. Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey waxa uu ku eedeeyey Badhasaabka Sanaag inuu ka gaabsaday Sun dhawaan lagu arkay qaybo kamida G.Sanaag isagoo arintaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi”Badhasaabka Gobolku kamuu hadlin Sunta kazoo caariday degmada Laasa Surad manuu tagin kamanuu warbixin suntaas soo caariday oo gobolka oo dhan khatar ku ah cid uu warbixin kasiiyeyna ma jirto markaa waxan leeyahay  waxba yuu ku leexleexan dad deegaankoodii jooga oo intuu gaadhi raashin ah u geeyo hadla odhanine ha kazoo baxo waajibaadka loo igmaday hadii kale wuu ku fashilmee xilka ha iskaga tago”. Gabagabadiina Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey  waxa uu ka hadlay Cuqaal uu dhawaan soo abaabulay Badhasaab falay oo warbaaahinta xaal kasiiyey Badhasaabka isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”waxaan maqlaayey Cuqaal uu soo uruuriyey badhasaabku oo leh Deegaankaas ayaanu kasoo jeednaa oo sheegayey inay xaal siinayaan Falay ,Odayaashaasna waxan leeyahay  ha dilina magaca iyo karaamada Beesha aad magaceeda sheeganaysaan oo ah Beel karaamo iyo sharaf weyn ku leh guud ahaan Somaliland gaar ahaana Xisbiga WADDANI  hana siisanina gaadhi raashin ah oo beesha magaceeda ha ku dilina”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here