HUBAAL KA DAALACO: Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi-Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya… “Beelaha Barriga Dalka Waxaad Mooddaa In Dadkaasi La Sii Kaxaynayo Oo Somaliland-ba Loo Diidan Yahay Ilaa Shaqaaqadii Kalshaale Dabada Ayuun baa Lagaga Jiray, Arrimahaasi Cidii Ku Haboonayd Wax Ka Qabashadeeda Lagama Talo-galin Markaa…..”
Hargeysa,(Hubaal)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah madaxdhaqmeedka reer Somaliland ayaa luuqad kulul ku naqdiyey habdhaqanka xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, kaas oo ku eedeeyey inay kala-qaybisay bulshadii dalka isagoo ku dooday inaan si siman loogu qaybinin shacbiga khayraadka iyo mashaariicda waddanka oo uu ku dooday in qabyaaladii iyo qaraabo kiilkii uu dalka ku batay mudadii xukuumadda KULMIYE .
Boqor Raabi Yuusuf sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey tabashadii madaxdhaqmeedka gobolka Awdal ay dhawaan hordhigeen madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu waxaan qabanin ku tilmaamay guddidii uu tabashadaasi u magacaabay madaxwaynuhu oo uu ku tilmaamay mid aan lagu qancin karin bulshadda iyo madaxda dhaqanka gobolkaasi, isla markaana waxa uu sabab uga dhigay hadalkiisaasi in dadkii ay ka cabanayeen madaxdhaqmeedkaasi uu madaxwaynuhu guddi soo baadha tabashadooda uu u magacaabay.
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu maanta magaaladda Hargeysa ku siiyey wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan bahda wargeyska xayiran ee Haatuf. waxaanu sidoo kale waxa uu Boqor Raabi ka hadlay xiisada deegaanada barriga dalka, khilaaf ka taagan dhul madaarka Hargeysa ka dhaw oo uu sheegay inay xukuumadu sifo sharciga aan waafaqsanayn uga qaaday dadkii lahaa ayna dhulkaasi ku wareejisay shaqsiyaad gaar ah waa sida uu hadalka u dhigaye. waraysigaasi oo dhamaystiranin waxa uu dhignaa sidan:-
S: Marka Hore waanu kaaga mahad-celinaynaa wakhtigaaga, mar 2-aad waxaan ugu horayn jeclaa inaan ku waydiiyo halkay maraysaa xiisadii ka taagnayd dhulka Masalaha ku dhaw ee dawladda iyo dadka shacabka ah ay isku haysteen ee aad hore uga hadashay?
S: Arrintaasi runtii waa arrin mushkiladiisu wali taagan tahay, laakiin anigu waxaan arrintaasi ku tilmaami karaa arrintii ugu yaabka badnayd ee mudooyinkii u danbeeyey ka dhacay dalka, markaanu dhinac walba ka eegnayna waxay ka wadi wayday in la doonayo uun in dagaal uun laga rido meeshaasi. hadii aanay sidaasi ahayn 15KM oo dherer ah in ummaddii Run-way-ga dhinaca shishe ka xigtay ee Ilaahay ku beeray ee waligeedba degenayd caruurtii meel ay iskuulkii u soo martaa ma jirto, gabadha uurka leh meel dhakhtarka loo soo mariyaa ma jirto, iyadoon bulshadaasi adeeg bulsho loo samaynin oo aanay caafimaad iyo waxbarasho midna haysanin oo waddo ma haystaan dadkaasi oo dhulkoodii laga iibsanayey waataa laga xidhay wadadii loo mari lahaa, markaa adigu xiisadaasi waxa ka dhalankara mushkilad aynaan imika qaadi karaynin. waxaan bulshadda reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan aan usoo jeedinayaa inay cabashadayadaasi nala eegaan oo xaalad baa laga abuurayaa meeshaasi ay ummadda Somaliland indhaha ku wada qabato.
S: Waxaad ka warantaa arrintii Dhulka Karaasharka ee iyadana guuxeedu taagan yahay, halkay ku danbaysay?
J: Dhulka Karasharka waxa looga qaaday ninkii lahaa dan guud, dantii guud ee looga qaaday ninkii lahaa dhulkaasi waxa loogu talo galay in ummadda loogu shaqeeyo isla markaana waxay noqotay markii lagu taagay karasharkii ee la sameeyey waxa laynoo sheegay in meeshaasi ay dawladu leedahay oo lacagtii Kuwait laga soo qaaday la inoogu iibiyey, waxa cadaatay oo dadku wada ogyihiin in rayid ah oo aan xilna dawladda ka haynin in sifo sharciga baalmarsan loogu wareejiyey. waxa kale oo cadaatay oo la ogyahay in qalabkii loo soo iibiyey Madaarka ee la lahaa waxa la soo siiyey $4 malyan in nin Privet ah lagu wareejiyey karasharkii oo uu mashaariic ku qaato oo uu meel walba kaga qaato isagoo dawladiina ku dhex-gabanaya, ayaa waxa haddana dhacday in dhulkii hore loo siiyey afar laabkiina imika loo xidhay oo dadkii danyarta ahaa ee dhulkaasi lahaa inta lagu tunto lacagna aan loo celinin dhulkiina sidaas lagaga qaado oo shaqsiyaad gaar ah oo reernimo lagu naas-nuujinayo in la siiyo.
S: Waxaad carabka ku dhufatay in shaqsiyaad gaar ah oo xukuumaddana xil ka haynin lagu naas-nuujinayo mashaariicdaa, ama dhulkaasba sida aad hadalka u dhigtay, dadkaasi ummadda ma u cadaynkartaa ama ma u magacaabi kartaa?
J: Anigu garan waayey laakiin ninka Cumaani la yidhaahdo ayaa la isku wada saaray waxaas oo dhan waa sida la igu yidhi, waanay muuqataa oo dawladu ma lahaa waxaas, xayndaabkiina waxa lagu soo wareejiyey dhulkii dawladda oo magacii dawladdana waa lagu sheegayaa dad gaar ah ayaana iska leh wixii waa kan mashaariicda dalka wada qaadanaya oo la wada ogyahay.
S: Maadaama oo aad sheegtay cadaalad-daro badan, adna aad ka mid tahay madaxdhaqmeedkii dalka ma jirtaa cid aad wali xidhiidh kala samaysay mushkiladahan aad ka sheegtay?
J: Walaahi xukuumadan talada dalka haysaa waxba dhagaysan mayso oo in badan ayaanu cadaalad-daradan ka qaylinaynay oo aanu ka hadalnay oo in badan baanu indhaha ka qarsanaynay oo aanu moodaynay in meesha dan qaran loo waddo laakiin waxaanu ogaanay inaan dan guud meeshaasi loo wadin oo danno gaar ah laga leeyahay
S: Haddii aynu arrimahaa muranka dhulkas Xayndaabka Madaarka ku yaala aynu ku dhaafno, sidey kuula muuqataa tabashadii madaxda dhaqanka gobolka Awdal ee dhawaan Madaxwaynaha hordhigay tabashadaasi oo Madaxwayne Siilaanyo aakhirkii guddi u saaray?
J: Madaxdhaqmeedka gobolka Awdal waan maqlay inay Hargeysa yimaadeen oo ay tabasho wateen oo ay madaxwaynaha u tageen, run ahaantii xaqbay madaxdhaqmeedkaasi u lahaayeen inay tabashadooda iyo cida ay ka cabanayaan ay ula tagaan cida wax ka qabankarta. mida kale in guddi loo saaro tabashada madaxdhaqmeedkaasi waxaan u arkaa waxaan haboonayn oo aan loo baahnayn, markii guddida la saaray ee cidii aad ka cabanaysay guddi lagaaga dhigo waxay noqonaysaa uun kii iilka dhigay u dacwootooy. waxaanan arrintaasi kaga baxayaa inay xaq u leeyihiin madaxdhaqmeedkaasi tabashadoodaasi iyo inay xaqooda raadsadaan oo beel walba sidaasay xaqeeda u raadsanaysaa imika iyadoo waliba ay beelihii dhexe ee dalkuna iyagii dhexdoodii ay isku dhex dulman yihiin.
S: Arrinta labada Diwaangalinood ee Madaniga iyo ta codbixiyayaasha ee muranku ka taagan yahay adigu sideed u aragtaa?
J: Run ahaantii way fiican tahay in dadka la diwaangaliyo oo waynu u baahanahay in dadkeena la diwaangaliyo oo xuquuqda muwaadinka ayey ka mid tahay taasi, laakiin shaxda la soo dhigay ee loo qaybinayo goobaha la iska diwaangalinayo sida ay beeshaydu u qaadacday ayaan ku raacsanahay oo cadaalad-daro ayaan u arkaa oo waanu qaadacaynaa mana aqbalayno diwaangalintaas aan saxda ahayn ilaa inta wax laga badalo shaxda goobaha ee cadaalad-daradu ka muuqato oo cid walba xuquuqdeena aan la siinin.
S: Ma jirtaa wax talo ama baaq ah oo aad u aragto in lagaga bixi karro mushkiladaha dalka ka taagan iyo khilaafyada soo noqnoqonaya?
J: Horta shacbiga reer Somaliland aad bay u dhago adagyihiin oo iyadoon xukuumadda KULMIYE ee Madaxwayne Siilaanyo hogaaminayo 30 cisho aan talada dalka haynin ayaan anigu soo saaray baaq shir aan iskugu yeedhayo guud ahaan bulshadda reer Somaliland ee dalka wada samaysatay oo taas horena dhago looma yeelanin, hadii la is maqli waayo-na taas iyo tu ka daran ayuun baa ina hurran dhamaanteen ayaan leeyahay shacbiga dalkan oo runtii u baahan inay talo iskugu yimaadaan si loo saxo khaladaadka xad-dhaafka ah ee taagan, isla markaana wixii aynu wada samaysanay si aynu u wada ilaashano.
S: Waxaynu wada ognahay xaqiiqatan in tabashooyinku dalka ku soo badanayaan oo barri ilaa galbeed ay beelihii wada cabanayaan oo xaaladihii gobolada barri-ga waxa ku soo biiray tabashada madaxdhaqmeedka Awdal, dhawaana waxa deegaano Somaliland ka mid ah lagaga dhawaaqay maamul goboleed la yidhaahdo Khaatumo oo Cali Khaliif madax ka yahay, arrintaas maxaad ka odhan lahayd?
J: Beelaha barrigu waa beelo reer Somaliland ah laakiin waxaad moodaa dadkaasi in la sii kaxaynayo oo Somaliland-ba loo diidan yahay oo laga sii eryeyo, waayo marka aad ka soo bilawdo ilaa shaqaaqadii Kalshaale waxaad moodaa in dabada uun lagaga jirro oo wax kale lagu khasbayo. run ahaantii beelahaasi waa beelo reer Somaliland ah oo aan la rabin in la soo dhaweeyo
oo cidii ku haboonayd tabashooyinka beelaha aan arrintii laga talo-galinin, markaa waxaan leeyahay waar aynu dib iskugu noqonoo sidii dadkaas walaalaheen ah ee dalka inala leh loo heli lahaa ee loo kasban lahaa falawgeed ha la galo.
Haatuf