“Reer Somaliland-now gambooyin baa la ina siistay Oo maanta Maxamuud Xaashi iyo ninka yar ee Baashe la yidhaahdo oo aynaan dooranin baa ina xukuma…..”

0
38

“Maxamuud Xaashi waxa uu yidhi annagaa soo dagaallanay, waar xaguu kasoo dagaallamay sawkii is dhiibay ma aha, ragga uu caayayaa waa nimankii mujaahidiinta ahaa ee dalka qabtay…..”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Luuqaddii Ugu Adkayd Kula Hadlay Shakhsiyaad Madaxtooyadu Awoodo Dheeraad ah Siisay, Shacabkana Ugu Baaqay Inay Muujiyaan Dareenkooda Ka Dhanka ah Saldhigga Militeri Ee Berbera Laga Hirgelinayo

siciid cilmi rooble

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo katirsan aqalka golaha wakiillada Somaliland, lagana soo doorto gobolka Saaxil, ayaa digniintii ugu cuslayd ka diray rabitaanka dawladda Imaaraadka carabta ee saldhigga Berbera iyo weliba durbaanadda ay xukuumaddu u tumayso sidii loo meel marin lahaa saldhigaas,  waxana uu su’aal geliyey awoodaha ay yeesheen shakhsiyaad xubno ka ah xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaan Siciid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa eedo culus u jeediyey dalalka Carabta oo uu Imaaraadku kaw ka yahay, waxana uu taxay hagar-daamooyin taxane ahaa oo ay weligoodba shacabka reer Somaliland kula soo jireen, waxana uu yidhi,“Carabta cidda u gacan gashaa way eeddaa, shalayna carabi tii ina garaacaysay bay ahayd nin kasta oo SNM lagu sheegona way soo mustaafurin jirtey, xukuumaddeenuna adhiga la xidhay qayb  bay ka tahay, waayo way ka hadli lahayd haddii aanay taasi jirin, hadafkeeduna waa Soomaaliya ayaa la inagu darayaa.”

Xildhibaanku waxa shaaca ka qaaday in dalkii lagu beddelayo dhaqaale kooban, waxana uu xusay inay xukunka dalka la wareegeen shakhsiyaad uu wasiirka madaxtooyadu kamid yahay,“Reer Somaliland-now gambooyin baa la ina siistay, idinkuna dad jilicsan baad tihiin oo maato ayaad tihiin, maantana Maxamuud Xaashi iyo ninka yar ee Baashe la yidhaahdo oo aynaan dooranin baa ina xukuma, waxana aynu nahay dad liita oo aan odhan karaynin waar dadkii aynu dooranay meesha ma joogaan, annagana Baashe iyo Maxamuud Xaashi na  xukumi maayaan”ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay inaanu wasiir Maxamuud Xaashi qayb ka ahayn halgankii dalka lagu xoreeyey, waxana uu diiday eedo uu hore wasiirku ugu jeedyey xubno uu  xildhibaanku tilmaamay halgamayaal taariikhda dalka baal dahab ah kaga jira, waxana uu yidhi,“Maxamuud Xaashi waxa uu yidhi annagaa soo dagaallanay, waar xaguu kasoo dagaallamay sawkii is dhiibay ma aha, ragga uu caayayaa waa nimankii mujaahidiinta ahaa ee dalka qabtay, madaxtooyadaa uu imika Maxamuud Xaashi fadhiyo maalintii SNM dalka qabatay ninkii ka hadlay ee sheegay inay dalkii SNM qabsatay Ibraahim dhego-weyne ayuu ahaaye ma Baashe ayaa maalintaas fadhiyey maba uu dhalane.”

Xildhibaan Siciid waxa uu golaha wakiillada ee uu ka tirsan yahay ku eedeeyey inay dalka gaadhsiiyeen in sidii la doono loogu takri falo,“golaha lagu jabay ee waddanka dilay ee baabi’iyey ee hungurigooda uun ka shaqaynayaa waa golaha wakiillada, in yar baana ka nool, laakiin maanta marka saldhigga la horkeeno ayaa la eegi doonaa”ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

Ugu dambayntii waxa uu xildhibaanku farriin u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqay inay dareenkooda ka muujiyeen saldhigga imaaraadka Berbera ka doonayo oo ay xukuumadduna si weyn dabada uga riixayso,“shacabow maalinta 12-ka bishan ee arrinta saldhigga la horkeenayo golaha isu soo baxa oo maalin hadla, maxaad Siilaanyo maalin qudha ugu soo bixi weyeen shalayba waydin kii Daahir Rayaale sida shinnida ugu ururayee”ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here