“Reer Somaliland-oow Waxaynu U Baahan Nahay Inaynu Qoqobka Iyo Nin Jeclaysiga Ka Baxno, Hadaynaan Qabiilka Halkaas Iska Dhiginna Qarannimo Dhisimayno”

0
101

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Khudbad Farriin Xambaarsan Ku Cabirray wacyiga Dalku Ku Jiro & Himillooyinkiisa

“reer Soomaaliya Madaxda Cusub Ee  Dhalinyarada Ah Ee Maanta Loo Doortay Waxaan Leeyahay Ha Marina Jidkii Ay Kuwii Hore Ku Habaabeen, Hana Isku Daalinina [Midnimo Aan Jirin] Ee Waa Inaad Ixtiraamtaan Go’aanka Ay Ummada Somaliland Qaadatay”

099A8702

Hargaysa(Hubaal):- Munaasibad Casho ah oo lagu xusayey 57-Guurada ka soo wareegtay markii ay Calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato laga taagay Hargeysa ee ay Somaliland oo ahayd Maxmiyad Ingiriisku dhawr iyo siddeetan sano ka talinayey Xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Britain 26 June 1960-kii, ayaa habeen hore  lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa. Qaabkii ay u dhacday Munaasibaddaasi, Madaxda iyo Marti-sharafka ka qaybgalay iyo Hadalladii laga jeediyey-ba, waxaa Warbixinteeda lagu soo koobay War Qoraal ah oo Madaxtooyada ka soo baxay, kaas oo Nuqul ka mid ahi Maanta soo gaadhay wargeyska HUBAAL  waxa uu u dhignaa sidatan:-“Munaasibadaasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa  ka  qayb galay Madaxweyne ku xigeenka, ahna ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, Gudoomiyaha Ahna Murashax Madaxweyne-nimo ee Xisbul xaakimka KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi,  masuuliyiin iyo marti-sharaf door ah oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare Md. Aadan Xaaji Cali, Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, wasiiro badan oo ka tirsan xukuumadda, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo masuuliyiin ka socda hay’adaha Samafalka Caalamiga ah ee dalka jooga, Dublamaasiyiin ka socday Wadamada ay Somaliland Saaxiibka yihiin oo uu ka mid ahaa safiirka Djibouti. Munaasibada oo uu ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka, ahna ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylic, isaga oo khudbad uu jeediyeyna kaga hadlay qiimaha maalinta 26 juun waxa uu yidhi “ Maanta waa maalin weyn, waa maalin aad innoogu qiimo badan, waa maalin mudan inaynu muunayno, waa maalin mudan inaynu xusno, waa maalintii aynu xoriyada ka qaadanynay maxmiyadii Ingiriiska, dhawr iyo todobaatan sanadood markay hoos joognay maxmiyadoodii, waa todoba iyo konton guuradoodii ka soo wareegtay 1960-kii bishii Juun 26-keedii. Maalintaasi qiimaha ay leedahay awgeed waxaan halkan hambalyo ugu dirayaa dhamaan Ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba, waxaan leeyahay hambalyo, sidoo kale ciid mubaarak, cisi ku ciida, caafimaad ku waara meel kasta oo aad joogtaan, Hambalyo Hambalyo.” ku Simaha Madaxweynaha  ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Hambalyadaa ka dib, taariikhda ay lahayd iyo wixii loosoo maray, waxa ka waramay odayaashaa taariikhda ku lahaa, awoowyaasheen iyo aabayaasheen ayaa halgan dheer ka dib waxay ku guulaysteen in 26-kii Juun 1960-kii in gacanta laga saaro qaranimadii, oo Ingiriis calankiisii iska lab-laabto, oo aynu noqono calan Soomaaliyeed kii u horayeeyey in laga taago Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, oo maanta caasimada Somaliland ah, ILAAHAY ayeynu ugu mahad naqaynayaa, hadana qadarka ayaa iska qoran, waxa ILAAHAY qadaray in xoriyadii qiimahaa lahayn ee taariikhdaa loo soo maray ee sidii dadku sugayey laga waramay inaynu si dhib yar uun u dhiibno, jacayl walaalnimo iyo Soomaali-nimo uun, iyadoo Ummaddii Soomaaliyeed oo shan meelood ku kala xidh-xidhnayd inay meel isugu timaado innagu aan ka noqono hormood, iyadoo aan cidna inagu khasbin aan ku tagnay garaadkeena, maskaxdeena iyo ikhtiyaarkeena iyo walaal jacaylnimo aan ula tagnay walaalaheenii koonfurta, dabadeena aan noqonay qaran, ay ku midoobeen laba dal ee jiray, oo midna mustacmaradii Ingiiirks ahaa midna uu Talyaanigu uu gumaysan jiray, taasi waxay dhacday in markiiba saluugu uu soo baxay, intaan laba gaadhinba wakhti dheer oo dagaal dhacay, oo burbur dhacay, oo dulmi dhacay ka hor, Abwaanadeenaa sheegay,oo Timda-cade ka mid ahaa, 1962-kiina dhalintii Somaliland ee ciidamadu waa kuwii isku dayey inay qaranimada soo celiyaan, laakiin wakhtigii Alle qadaray ayey soo noqotay, waxaynu xoriyadii la soo noqonay 1991-kii, 18 May, ayey Ummadda reer Somaliland go’aan-satay inay mar labaad xoriyadoodii dawladoodii kale ee Soomaaliya ay kula midoobeen inay la soo noqdaan, taasina waa mid ku timid rabitaan shacab, mid laga noqonaya maanta maaha, cid u fadhidaana aaney jirin.” Madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa geesta kale ka hadlay midha ay Somaliland ka heshay qaranimadeeda ay la soo nqortay waxaanu yidhi “ Qaranimadaa aynu la soo noqonay kuma aynu khasaarin, iyagiina waa kuwaa ilaa maanta dhibaatada haysata aynu ognahay, waanaynu uga ducaynaynaa, waa dad muslim ah oo walaalaheen ah, mar walba waxaynu innagu diyaar u nahay in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya uu socdo innaga oo ujeedadeenu mar walba tahay inaynu laba dal, oo Soomaaliyeed oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Jamhuuriyadda Soomaaliya la yidhaa aynu ku heshiino, walaaladeen iyaguna ay danahooda ka tashadaan, innaguna aynu kuweena ka tashano, mar walba diyaar ayaanu u nahay wada-hadalkaasi, laakiin walaaladeen waxaad mooday in dad ina qabsaday ay ahaayeen oo dad walaalnimo isugu tagay sideedii oo kale uma dhaqmaan, waxay u dhaqmaan sidii dad ina qabsaday, oo hadalo laaxin leh ay yidhaahaan oo  iyaga oo aan magaaladii caasimadii Muqdisho iyagoo aan ka taglin ay ku hadaaqayaan ilaayo Lawyo-cado ayaanu ka talinaa, waa nasiib darro, madaxda cusub ee dhalinyarada ah ee maanta Soomaaliya loo doortay waxaan leeyahay jidkii kuwii hore ay ku habaabeen ha marina, duniduna horumar ayey gaadhay qof walbana waa lagu ixtiraamaa ra’igiisa, Umadda reer Somaliland go’aanka ay qaateen waa inay ku ixtiraamaan oo aanay isku daalin.” Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa fariin u diray shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “ Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay dawladnimo waynu haysanaa maanta reer Somaliland-now, intaynu qabiil ixtiraamayno, ee qabiil iyo nin jecelaysi aynu wadno qaran dhisi mayno, qaranimo waxaynu ku dhismaynaa inagoo qabiilka haylkaa iska dhigna, hadaynaan qabiilka halkaas iska dhigayn qarannimo dhisi mayno, waxa aynu u baahan nahay inaynu ka baxno, qo-qobka, iyo nin jeclaysiga, dhamaanteen waa masuuliyad ina wada saaran.” Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Oday Cismaan Axmed Xasan (Cismaan indhoole) oo ahaa badhasaabkii 26/Juun/1960-kii Dawladii Ingiirska kala wareegay calankii Somaliland oo ka hadlay Qiimaha maalintaasi, waxaanu yidhi “ 57 Sanno horteed ayey ahayd markii Ingiriisku dalka ka baxay, nasiibna waxaan u yeeshay in maalintaa aan noqdo ninkii ugu horeeyey ee Calan Soomaali leedahay oo xor ah  loo dhiibay ninkii loo dhiibay inaan noqday ayaan Ilaahay ugu mahad naqayaa, waxaan xasuusnahay maalintaa dadka joogay ee reer Somaliland qof waliba wuxuu islahaa adigaa xornimada helay qofna qofka kale hawsha kuma halaynayn, wadada maalintii la marayey qofka meel qaloociya lama sugayn nimanka Booliska ah ee qof waliba dhankiisuu ka waday, intiinan maanta halkan fadhidaa iyo inta I dhegaysanaysaaba waad la socotaan waxay ahayd iyo meelaha halkii wax laga filayey la waayey Soomaalidu waxay Wadaantu haday qaloocato wuxuunbaa ku hadha. Wadaantii qaloocatay laakiin ka gaadhay oo ILAAHAY baa looga mahad naqaa, Inagana maxaa inala gudboon? maxaa laynaga doonayaa? maxaa laynaga filayaa? Da’awaliba da’ada kasii danbaysa ayey usii tirinaysaa waxaa laynaga doonayaa amma inala gudboon ba  inanaynu dhaqaalayno Calanka halkaa inoo taagan.” Oday Cismaan Indhoole ayaa sidoo kalena dadka reer Somaliand la dardaarmay waxaanu yidhi “ Waxaynu ku dhaqaalaynayanaa dhammaan inanaynu meel uga soo wada jeesano qof waliba  uu dhankiisa ka ilaaliyo oo ka kale aanu ku halaynin wada jirku kaasuu ku imanayaa [ Soomaalidu waxay tidhaahdaa nada adaa ku noole iyadu kuguma noola] ta u horaysa waar horta aan nabada ilaalino ta labaad banii aadam baynu nahay waynu is qardoofaynaynaa waa is qaloocinaynaa aan isu dul qaadano aanu  isasaamaxno, anigu Muslimka oo dhan waan saamaxay mid I xumeeyey iyo mid kaleba waxaanan u yeelayaa wax ka weyn baan filayaa, Ilaahayna aan la cuskano waxa ina soo maray iyo dhibaatadeeda si aan uga baxno si aan u gaadhno himiladeena oo aan filayo inay dad badani iiga danbayn doonaan inaynu Adduunka meesheenii ka muuqano oo aan cidina inoo noqonin turjumaan ee aynu halkeenii ka muuqano aynu Ilaahay ka barino una dedaalno Wasaalamu wa raxmatulaahi wa barakaatu”. Kooxda fanaaniinta qaranka ayaa halkaasi iyaguna ku soo bandhigay Suugaan ka turjumaysa qiimaha ay leedahay Maalintani 26-juun.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxtooyada naga soo gaadhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here