“Reer Somaliland Waxaan Leeyahay; Qofka Ku Naca Haddaad Nici Waydo, Dullinimo Ayay Kuu Horseedaysaa”

0
38

Ka Bogo Dulucda Waraysi Laba Qoddob xambaarsan Oo Uu Xildhibaan  M. M. Dheeg Uu Bixiyey

 “Haddii  Ay Reer Somaliland Leeyihiin Dhoobadii Ingiriiskii & Ruushkii Mid Ka Dembeysa La Saari Maayo, Dee Dundumadaas Ha Iska Daawadeen, Haddii Kale Miyaa…”xildhibaan dheeg

Hargeysa (Hubaal)- Xildhibaan Maxamuud Maamed Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin heshiiskii ay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed siilaanyo la soo gashay shirkadda horumarinta iyo maalgashiga dekedaha ee Dubai Port World oo saldhigeedu yahay magaaladda Dubai ee wadanka isu tagga imaaraadka carabta. Xildhibaan Dheeg oo magaallada Hargeysa dorraad ugu warramay degelka wararka ee X Xogsoormedia.com, waxaa kale oo uu ka hadlay dhacdadii hadal haynteedu toddobaadkan ku badnayd saaxadda siyaasadda dalka ee qaabilaadii Madaxweynaha Jabuuti uu ku qaabilay weftigii madaxweyne Siilaanyo ee ka qayb galay xafladdii dhaarinta madaxweyne Geelle, kadib markii uu  mar afraad ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday sideedii bishii hore ee April ee sanadkan.

Ugu horrayn Xildhibaan Dheeg oo ka jawaabayay su’aal nuxureeku ahaa   sida uu u arko heshiiska ay Xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda DP world, waxaa uu yidhi  “Horta heshiiskaasi waa kuwii la arki jiray ee caalamiga ahaa ee ay dawladi cid la gali jirtay,  waana guul Somaliland u soo korodhay, laakiin umaddu hadday tidhaahdo waxna qabsan kari mayno oo waanu u baahanay dadka kale gacantiisa, wixii naloo qabanayona dooni mayno oo waxaanu moodaynaa in dalkayagii la iibinayo; dee  labadaasi wax is qaban karaya maaha”.  Sidaasi ayuu yidhi Xil. Dheeg, waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Hadday reer Somaliland leeyihiin dhoobadii Ingiriiskii iyo Ruushkii meesha saareen mid ka dembaysa la saari maayo oo waxba laga qaban maayo dee Dundumada ha iska daawadaan, haddii la doonayo in loo wanaajiyo oo la hagaajiyana ha sugaan oo ha taageeraan. Laakiin waa la iibiyay, waa la iibiyay haddii dawladdii kasta ee timaadaba  la yidhaahdo waxbay iibisay iyadoo aan waxba la iibin waa nasiib darro.  Daahir Rayaale ayaa la lahaa dalkii ayuu iibiyay immika ayaynu leennahay waa la iibiyay; waar waa la iibiyay af maahee wax kale ku beddela oo waxaad tidhaahdaan lacagtii halkaa dawladdu ku kiraysay ama ku iibisay maxay ku qabatay laakiin maxaa wax loo qabanayaa af maaha.”

Geesta kale mar uu xildhibaanku ka hadlayay dheefta uu heshiiskani u leeyahay bulshada Somaliland waxaa uu yidhi “ Waxaynu ka faa’iidaynaa Dekeda Berbera oo caalami noqota oo Marso wayn oo cid waliba wax kala soo degi karto laga dhigo oo la ballaadhiyo. Waxaynu ka faa’iideynaa qalabayn dhanka wiishahka iyo gaadiidka Dekeda ah oo Maraakiibta ugu waawayn caalamka wax ka dejin kara oo dekedu yeelato. Waxaynu ka faa’iidaynaa shaqo abuur oo markay dekedu balaadhato shaqaale kordhin ayaa la samaynayaa…..Markaa waa horumar Somaliland u soo kordhay midda kale shirkadda  heshiiska lala galay maaha mid aan jirin ee waa shirkadda Jabuuti shanta dekedood u dhistay ee Ingiriis uga maarmi waayay dekedihiisa ee gacanta ku haysa.”

Mudane Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg, arrimaha kale ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah in nus qarni ay jamhuuriyadda Somaliland madax banaannan tahay ay wax aqoonsi ah ka heli la’ dahay beesha caalamka, waxaana isaga oo su’aal amuurtaas ku saabsan ka jawaabaya uu yidhi “Somaliland waa mucjiso waxaana dhistay dadkeeda oo aan gacan kale cidna ka helin waana qaran ka soo dhex baxay duni aan  dalna kaligii istaagi karayn,caalamkana waxay ku tahay caddaalad xumo in ay  yidhaahdaan Xamarna  waa Dawlad Hargaysina dawlad maaha iyagoo arkaya taana waxa ka socda tanna waxa ka socda, taasi waxay marag ka tahay oo ay ina tusaysaa caddaalad darada caalamka, Somaliland waa Dawlad, ka-dawlad-san kana ammaan wanaagsan dawladaha ku xeeran oo dhan, wax la ilaaliyona amniga ayaa ugu wayn oo ugu mudan, Somaliland-na sidan ahaan mayso ee waxay noqon doontaa meel la arko waxay qabsatay oo wax lala qabto oo horumartay”/.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Mid qudha ayaan ku dardaarayaa reer Somaliland waxaanan leeyahay waar cidda idin neceb idinkuna naca, Jabuuti inooma qarsato xumaanteeda iyo nacaybkeeda, inaguna waynu daba soconaa uun qofka ku naca haddaad nici waydo, dullinimo ayay kuu horseedaysaa, Dawladda Itoobiyana mahad ayay mudan tahay oo markii uu arkay halka uu taagan yahay Madaxweynaha Somaliland, ayuu Raysal-wasaaraha Itoobiya toos ugu yimi  madaxweynaha oo uu salaamay”. ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here