”Reerku KULMIYE Maaha, KULMIYE-Na Reerka Maaha” Muj Cali Guray Oo Ka Waramay Waxa Kala Haysta Beesha Uu Ka Soo Jeedo Iyo Musharaxnimada Xisbiga Kumliye

0
46

Hargeysa-(Hubaal)- Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Mujaahid Cali Gurey ayaa faah-faahin ka bixiyay xaalada hirdanka siyaasadeed ah ee beesha uu ka soo jeedo ku dhex maraya musharaxnimada Madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE, dhexdiisa, waxaanu arrimahan kaga xog-waramay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Shabakada Facebook-ga, Qoraalkaas oo dhamaystiraninna waxa uu u dhignnaa sidatan,

”Inta weli ku sii hadhsan KULMIYE filimka ay daawanayaan waxa soo baxay dhamaadkii(The end). Filimka hadii dhamaadku soo baxo waxad kursiga ugu sii fadhidaa waa doqoniimo iyo dabayshoo afka kaa gasha ood daamanka meermeeriso.

cali gurayHa jiro Guddoomiye xisbi laakiin hadana weli hogaamiyaha xisbigu waa madaxwaynaha oo isagu ah ka sedexda nin ee ilma adeerka hadba mid mar dhabarka soo taabanaya. Markii ugu dambaysay wuxu soo taabtay baa la lee…yahay Muuse Bixi, ka hor wuxu isagana soo taabtay Maxamed Biixi, Cabdicaziz laftiisa taabasho dayoo isaga waabu ka soo tantoomay ka hor intii aan Maxamed Biixiba dalka iman muddo dheerna wuxu ahaa shakhsiga ugu mudan reerka xaga odayga

Madaxwaynaha kolba mid dhabarka taabanaya lagama yaabo in uu cidna is leeyahay ku xumee ee waa ka bes oo hogaamintiisa ayaa sidaas ah. KULMIYE isaga ayaa leh aniga ayaa ka musharax ah hadana awood uma laha in uu Muuse Biixi joog yidhaa iyo in uu uga tanaasulo oo isaga dhiso midna. Waxa kuligeedba qalad ah in arinka KULMIYE u gaarka ah la yidhaa cid magac reer sidata ayaa go’aaminaysa waayo reerku KULMIYE MAAHA KULMIYENA REERKA MAAHA. Marka uu arinku KULMIYE yahay wuxu khuseeyaa oo keliya in reerka kaga jirta KULMIYE ee hadaba gudidii Agabar lagu doortay awel ma guddi KULMIYE ah bay ahayd mise guddi hiorumarineed oo Sacad Muuse ah bay ahayd. Waxan ay isku cayn iyo bayd gooynayaan ilaahay baa ina lehe wax is qabanaya maaha. Wax aan xumaan reerka dhexdiisa ah ahayn oo ay keenaysaana ma jirto. Anigu KULMIYE ma ihi laakiin reerka waan ahay in siyaasi qaradle ah dantiisa ay u burburto tolnimadii reerku waan ka soo horjeedaa. Tan kale waar ninka siyaasiga ihi hadii uu reernimo wax ku doonayaba ma in uu fidno reerka dhexdiisa dhigo ayay ugu badinaysaa mise in uu ka taliyo midnimada iyo wada jirkooda oo weliba uu ka horaysiiyo dantiisa gaarka ah?

Dhibaatada reer ahaan haysata Sacad Muuse waxay tahay waxa maqan kaalintii odayaasha kuwa sheegta inay odayaasha reerka yihiina waa qaar aan iyagu ka talin dan reer ee kooxo iyo shakhsiyaad ay kala adeegsadaan hadba kii faro dufan leh ku duugtana xagiisa mara oo u yidhaa wixii yidhaa ii dheha. Waxa taa u raaca siyaasiyiin siyaasadda ku fashilantay oo aan iyaguna meel gaadhayn cid kale oo siyaasadda ku qoodisa oo reerka ahna aan ogolayn balse in ka badan sodon sanadood iyagii uuni soo hor taagan cid ku odhan karta bal dhan uga baydhana aanay jirin.

Rejeda keliya reerku waxay tahay wuxu leeyahay aqoon yahay aad u tiro badan si fiicana u garanaya waxa socda iyo qaladka jira oo aanay jirin cid qaldi kartaa kuwaas oo dhalinyaro iyo waayeelba isugu jira waana iyaga kuwa ugu dambaysta dhinac isaga riixi doona siyaasiyiinta fashilantay iyo odayaasha ay ku shaqays taanba iyaga ayaana laga yaabaa inay xal u noqdaan asqada iyo jaha wareerka dhinaca siyaasadda ee reerka la geliyay” ayuu Mujaahid Cali Guray ku soo gabagabeeyay Qoraalkiisan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here