Rejada Jamaal Waxay Ku Xidhan Tahay Aadan Oo Abtirsada!!!!.  W/Q : Maxamed Rashiid

0
56

Sida aynu la wada socono waxaa bishan gudaheedi la dhageestay Dacwaddii Xisbiga UCID, ee u dhaxaysay Gudoomiye Faysal Iyo Murashax Jamaal, iyadoo labada garab ay ku kala tageen dhinaca sharciga, oo uu Gudoomiye Faysal uu sharci ahaan uu ku gacan sareeyay, halka Jamaal Iyo garabkiisa, ay doodoodi ay ku biyo shubatay, Af-xumo, Aflagaado, manay jirin mar qudha oo ay qodobo sharci ah cuskadeen, kuna doodeen .

Jamaal Cali Xuseen waxaa uu cadeeyay  in uu xisbiga ka shakiyay, oo hadii la qabto shirwayne aan caadi ahayn oo ah ka lagu dhameestirayo heshiiska in aanu ku kalsooneen ansixinta heshiiskii uu la galay Xisbiga UCID .

Sidoo kale waxaa uu miciin-biday in uu indho adkaan ku waajaho Dacwaddan, iyadoo bulshaduna ku wareerty in ay fahmaan dooda Jamaal Cali Xuseen, maadaa ay tahay dood ka madhan sharciga, khilaafkuna yahay sharci ku tacaluqa .

rajo

Bulshada ayaa si wayn u hadal haysa kulan la sheegay in uu si qarsoodi ah u dhex maray Jamaal Cali Xuseen iyo Aadan Xaaji oo ay weheliyaan madax dhaqmeed iyo ganacsato, kaas oo la isla gartay in geed iyo ku gaaban-ba loo fuulo badbaadinta Murashaxnimada Jamaal .

Go’aanka la isla qaatay haduu fuliyo Gudoomiye Aadan Xaji Cali, waxay si toos ah uu dar jiidhaysaa, Xeerkii Xisbiga, Kan Doorashada lagu maamulo ee No:14, sidoo kale wuxuu burinayaaa hadalkiisii ahaa in ay natiijada Dacwadan ku saleen doonaan Xeerka Xisbiga iyo Kan Doorashada, waxaa ay sidoo kale sumcad xumo ku noqonaysa xilka culus ee uu qaranka  u hayo, isagoo iskiisad marin doona taariikhda wanaagsan ee uu ilaa hadda leeyahay, laguna majeerto .

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Jamaal Cali Xuseen Waa laba Nin oo isku hayb ah, waxaanu Gudoomiye Aadan Noqon doonaa sida hadda la saadaalinayo ee ah in uu abtirsado oo uu u xagliyo Jamaal, ama wuxuu qaadi talaabo nooleesa rajada bulshada Reer Somaliland ee u hanka u wayn, oo sharci ayuu ku saleeen doonaa natiijada dacwadda Xisbiga  UCID .

Ugu danbeen sidaa muuqata rajada Jamaal Cali Xuseen waa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo abtir-sada oo soo saara natiijo uu ugu xaglinyo Jamaal, taas oo aanay muuqan fulinteeda maaadama ay sharci darro tahay .

W/Q: Maxamed Rashiid

Rashka222@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here