Reysal-wasaaraha Itoobiya Oo Ka Degay Caasimada Eritrea Ee Asmara

0
12

Addis ababa (Hubaal) Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa gaadhay magaalo madaxda dalka Eritrea ee Asmara. Booqashadan Ra’isal Wasaaruhu waxay jawaab u tahay kulan ay hore u yeesheen isaga iyo wafti heer sare ah oo ka tagey Eritrea oo ka wada xaajooday sidii loo debcin lahaa xiisadda ka taagan soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal u dhexaysa.

Dr Abiy waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, waxaanay labada dalba ku tilmaameen booqashadaas iyo shir madaxeedkaas ba kuwo lagu soo af jari doono colaaddii mudada dheer taagnayd.

 

 

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa.

 

Bishan horaanteedii, ayaa Ra’isal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey dhulka la isku haystay.

 

Heshiiskaa oo ay gaadheen gudidii loo saaray khilaafka xadku sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya hore ugu aqbalin.

 

Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa oo waxa ku dhintay kumanaan qof.

 

Ilaa iyo markii uu awoodda la wareegay bishii Abriil, Abiy waxa uu ku tallaabsaday isbedello waawayn oo ay ka mid yihiin in uu oodda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah, waxa uu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarrayd waxaanu sidoo kale shaaciyey in dhaqaalaha waddanka uu furfuri doono

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here