Hargeysa:(Hubaal)-Riig-biyoodkii dhawaan xukuumaddu ka hirgelisay deegaanka Coodanle ee hawdka gobolka Buuhoodle, ayaa markale waxa ku timi cillad biyo yaraan ah, waxana labadii maalmood ee ugu dambeeyey aan wax biyo ah laga helin riiggaan oo dadweyne iyo xoolo aad u tiro badani manaafacaad sanayeen.
Riigan oo muddo bilo ka hor ah ay xukuumaddu halkaas ka hirgelisay, ayaa markii labaad oo xidhiidh ah waxa ku timi cillad, waxana cilladdiisu kusoo beegantay xilli xoolo iyo dadweyne tiro badan oo harraadani ay halkaas si joogto ah uga cabi jireen.
Dadka deegaanka Coodanle, ayaa warbaahinta u sheegay inuu Riiggaasi joojiyey biyihii ay dadka iyo xooluhu cabi jireen, isla-markaana booyadihii ka dhaamin jirey la faray inay ka dareeraan oo ay biyo u doontaan goobaha dhinaca waqooyiga ka xiga oo iyagu ka biyo biyo badan.
Mida kamid ah dadka deegaanka oo aan magaciisa sheegin, ayaa sheegay inuu wiilka Riiggaas gacanta ku haya ee mishiinka biyaha lagaga soo tuuro ku shaqada lihi shaaciyey inay yaraadeen biyihii halkaas laga cabi jirey, isla-markaana uu damiyey mishiinkii,“biyihii way yaraadeen oo ilaa shalay(dorraad)sida ay u joogaan baa la waayayaa, siddeedii subaxnimo ayuu wiilkii ijiinka hayey damiyey oo uu yidhi biyihii baa yaraaday oo mishiinku biyo soo qaadi maayo, biyuhuna markii hore way badnaayeen oo habeen walba ilaa toban booyadood baa la dhaaminayey, laakiin imika booyadihii dhinaca Cayn baa loo duway oo ay u arooreen, cilladda meesha jirta inay wiilka mishiinka riigga haya tahay iyo inay biyaha tahay in khubaro naloo diro oo la eego ayaanu codsanaynaa”sidaa waxa warbaahinta u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka Coodanle.
Biyaha laga helo riiggaas ayaa dadweynaha halkaas degen lacag la’aan u ahaa, waxana lacago kooban laga qaadi jirey gaadiidka Booyadleyda oo iyagu u dhaammiya goobaha baadiyaha ah, balse tan iyo intii la fasaxay booyadaha waxa soo baxayey walaac ka imanayey masuuliyiinta gacanta ku haysa oo markii dambe ku dhawaaqay inay joogsadeen biyihii kasoo burqan jirey isha ceelkaasi ku yaalla, waxana halkaas tuban xoolo tiro badan oo harraadan, kuwaas oo u baahan biyo ay cabbaan.
Wasiirka maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu riiggan gacanta ku haysay, ayaa muddo toddobaadyo laga joogo halkaas tagtay, waxana ay riiggaas gelisay dedaal xad-dhaaf ahaa, balse xilligan, ayaa looga fadhiyaa inay u daymo lahaato sidii loo baadhi lahaa cilladda haysata biyihii riiggaas laga cabi jirey.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Riig-biyoodkii Coodanle Laga Hirgeliyey Oo Biyo Yaraani Soo Foodsaartay