Riyo Dhalanteed ah Oo Uu Dhagar-qabe MORGAN Ku Raadinayo Midnimo Soomaaliyeed

0
65

Garoowe (Hubaal) – Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ka mid ahaa Saraakiishii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee Xasuuqa u geystay Shacabka Reer Somaliland, ayaa khudbad uu ka jeediyay Magaalada Garoowe kaga hadlay waxa uu ugu yeedhay Midnimada Soomaaliyeed. Warka-MorganMorgan oo Hayb ahaan ka soo jeeda Puntland isla-markaana dhawaan safar kaga yimid Dalalka Reer Galbeedka oo uu deggan yahay, ayaa sheegay in Puntland looga baahan yahay inay ka shaqeyso  Midnimada Soomaaliya oo uu ku sheegay inay tahay Muqadas. Mr. Morgan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waa Inaad Midnimo Soomaaliyeed ka shaqeysaan, Haka Tanaasulina Midnimada Soomaaliyeed haddaad Tihiin Reer Puntland.” Waxa kale oo uu sheegay, “Waa inaad raadisaan Midnimo Soomaaliyeed, waayo? Midnimada Soomaaliyeed ee Muqadas.” Ayuu yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here