“Riyo-raac waxaan u Arkaa Miino loo soo Xambaariyey Madaxweynaha”

0
13

Siyaasi Cali-guray Oo Sheegay In Aanay Somaliland Ka Dhacayn Doorasho Ay Qabashadeeda Masuul Ka Yihiin Komiishanka Lagu Muransan Yahay Ee Cabdirashiid Riyo-Raac U Doortay

Hargeysa (Hubaal) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa ka hadlay Komiishanka cusub ee lagu muransan yahay oo maanta Guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo-raac oo ka mid ah laba xubnood oo Xisbiga WADDANI diiddan yahay inay Komiishanka ka mid noqdaan. Mujaahid Cali-guray oo shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in aanay Somaliland ka dhacayn doorasho ay qabashadeeda masuul ka yihiin Komiishanka lagu muransan yahay ee Cabdirashiid Riyo-raac u doortay Guddoomiyaha. Cali oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shalay waxa is doortay Shan nin oo Komiishankii cusbaa ka mid ah, waxayna Guddoomiye  u doorteen Cabdirashiid Riyo-raac oo ah Siyaasi caan ah oo Xisbi gaar ah ku suntan.”

Cali-guray wuxuu sheegay oo kale “Cabdirashiid Riyo-raac waxaan u arkaa Miino loo soo Xambaariyey Madaxweynaha, ka u soo xambaariyeyna ma ahayn Nin ka talinayey Sharafta iyo Karaamada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo ka jawaabay hadal uu Boqor Buur-madow Warbaahinta mariyey “Buur-madow ayaa ka hadlay, Maalintii hore waad i waydiiseen (Saxaafadda), jawaabtiisana waan ka muquurtay, laakiin Maanta la muquuran maayo, Buur-madow wuxuu yidhi, Sankaa idiin daloola in Cabdirashiid Riyo-raac la aqbalo, waanu ogaa inuu Guddoomiyahana uu noqonayo, waxaan  u sheegayaa (Buur-madow) ma dhacayso komiishan uu hoggaaminayo Cabdirashiid Riyo-raac  oo Dalkan doorasho ka qabanayaa..”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here