Laascaanood (Hubaal) Dhowr meelood oo ka mid ah Gobolka Sool ayaa roobab ka curteen xili lagu jirey abaar aad u adag oo kumanaan qoys dhamaysay xoolihii ay haysteen halka qaar kalena ay u guureen degaano ku teedsan badweynta Hindiya ee gobolada Barri iyo Nugaal. Degmada Xuddun ayaa ugu horeysey halkii dhibic roob ee ugu horeysey ay ku tiixday gabal dhacii Shalay sida uu HOL oonu kasoo xiganay u sheegay Maxamed Jaamac Mahad.
“Dhawr meelood oo ay ka mid yihiin Duska, Darayo-Hayaag, Kulaal iyo Buuraha barri kaga aadan magaalada ayaa hoglo khafiif ahi ka curteen, laakiin maaha roob wax lagu sheego waxaase farxad ah dhibicda biyood ee cirka ka soo dhacday iyadoo lagu jiro Jiilaal ubucdii” ayuu yiri Maxamed.
Magaalada Laascaanood ayaa maata daruuro biyaysan duljoogeen kuwaas oo inay da’ayaan u muuqda, inta badana ma jirto wax qorax ah oo la arkayaa.
Xidhiidh aan la samaynay degaano badan oo gobolka ka tirsan oo Taleex, Boocame, Qoriley ka mid yihiin ayaa waxay noo sheegeen in nayaayiro wacan ay qabaan jawiguna uu isbedeley dadkuna ay sugayaan naxariista Rabbi.
Si kastaba ha ahaatee quus xoog badan oo haysata bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Dooxada Nugaaleed ku nool oo dhawr sano roobab wacan aan helin ayaa maanta Farxad ka muuqataa iyagoo aad maqlayso su’aalo ay is weydiinayaan ku saabsan curashada cirka iyo isbedelka cimilada.