Deegannadan oo Abaar Baahsani Ka Jirtay ayaa La Sheegay In Uu Xalay Raxmaadka Eebe Ka Curtay Iyo Magacyada Deegaanada
Hargeysa(Hubaal)-Wararka imanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in raxmaadka eebe uu ka hoorey deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ka jirtay abaar baahsan oo dad iyo duunyaba saamaysay.
Wararka ayaa tibaaxaya in raxmaadka eebe uu ka da’ay deegaano ka tirsan dhanka xeebta gobolka Sanaag iyo waliba deegaan hoos yimaada degmada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag.
Deegaanada lagu soo waramayo inuu raxmaadka Eebe ka curtay xalay ayaa waxa kamid ah deegaanada Dararwayne Iyo Kal-Shiikh oo kamida degmada Ceel-afwayn halkaas oo ay ka jirtay abaar baahsan oo dad iyo duunyaba saamaysay.
Sidoo kalena wararka ayaa waxa intaa ku darayaan in uu raxmaadka eebe ka curtay deegaano ka tirsan dhanka xeebta gobolka Sanaag oo ay ka mid yihiin deegaanada Madal-Mugge iyo Raqas.
Bulshada deegaanadaasi ku dhaqan oo ay wehel u ahayd diifta iyo macaluusha ka dhalatay abaarta ayaa iyagu aad ugu riyaaqay raxmaadkan eebe ee u hoorey madaama uu roobku ka raagay isla markaana aanay muddo arag.
Gabagabadiina deegaanada gobolada bariga Somaliland ayaa waxa ka jirta abaar baahsan oo dad iyo duunyada saamaysay,iyaga oo ay wakhti xaadirkana ay dadku qarka u saaran yihiin inay gaajo iyo haraadd darteed u dhintaan,waxaana ay u baahan yihiin gurmad iyo taakulo dag dag ah.