Qalinka: Mustafe Suleymaan Cilmi,
Hal-qabsi:
Waxba Yaanu Xeerkey I Marin, Xoolana I Siin eh,
Xaashee Nin Libin Kaa Xistiyey, Xumihii Waa Yaabe,
Tixo ka mid Gabayadii Salaan Carabey-AHUN-
Toddobaadka dambe maalinta taariikhdu tahey 18ka May 2016, waxa ay ku beegan tahey shan iyo labaatan guurada DABAAL-DEGA DIB-ULA-SOO NOQOSHADA XORNIMADA JSL. Dabaal-degan waxaa uu ku saleysan yahey go’aankii Ummada ee 18kii Maay 1991kii oo ay ku gaadheen Shirweynahii ka qabsoomey magaalada Burco isla wakhtigan 18kii Maay 1991kii. Shirweynahaas oo ay ku kulmeen beelaha Somaliland si ay u hirgeliyaan balanta kulankoodii AAYO-KA-TALINTA UMMADA SOMALILAND! Shirweynahan waxaa uu ku xidhiidhsanaa balanta ay beeluhu isla gaadheen markii kulanka loogu magac-darey WACADKII NABADA BEELAHA SOMALILAND oo qabsoomey 27kii bisha Feberweri sannadkii 1991kii uu ka qabsoomey Magaalada Berbera! Waa markan xilliga ay reer Somaliland caf iyo saamax uu dhexmarey ka dib colaad weyn iyo hadimo naf iyo maal ah oo ay kala kulmeen inta iyo inta uu nidaamkii keli-taliska ahaa hogaanka hayey iyo wakhtiga dagaalka lagula jirey ee u dhexeeyey 1981kii-1991kii-waa muddo toban sanno ah-!
Ma duugowdo taariikhdu eh, beelaha Somaliland waxay si wadajir ugu suteen diiwaanka taariikhda “in ay go’aansadeen dib-u-soo noqoshada gobanimadii galbatey oo kula midoobeen si aan ka fiirsi aheyn Soomaalida Talyaanigu gumeysan jirey 1dkii Julaay 1960 oo ku beegneyd 5 casho ka dib markii ay gobanimadooda ka qaateen gumeysiga Boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Airland ee 26kii Juun 1960kii”.
Haddaba, go’aankaas shirweynaha Aayo-ka-talinka ka soo baxey oo si gaar ah ay reer Somaliland ugu saleeyeen danta dadkooda, iyo nabad ku noolaanshaha ummadooda, waxaa uu rubuc qarni ka dib u muuqdaa, mid qiimo ugu fadhiya qof walba oo Soomaali ah; fursad nololeed, nabadgelyo uu ku naaloodo, iyo rajo wanaagsan oo si togan oo la taaban karo waxtar iyo hiil ugu ah gaar ahaan qowmiyada Soomaalida midka guud ee mandaqada Geeska Afrika oo ah gobol-qaaradeed inta badan cakiran oo xiisadba ay mid hor leh bedesho!
Sidaa darteed, si aynu fahamka isula qaadano oo isugu qanacno gudbinta togan oo maqaalkan kooban xambaarsan yahey, waxaa isweydiin leh daliilka dooda iyo filashada in akhristayaashu marag-fur oo markhaati aaney kala masuugin marnaba?
Aan ku horeeye eh, Reer Somaliland maxaa rubuc qarnigan geediga shan iyo labaatan jirsadey ay ahaan faa’iido uga dheefeen si kooban: Waa ay badan yihiin arrimaha daliil looga dhigi karo balse haddiiba aan soo koobno:
- 1dii bisha Feeberweri 1991kii, Urrurkii Dhaqdhaqaaq Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM waxaa uu si buuxda ugu dhawaaqey in uu guul dhameystiran ka gaadhey kuna fashiliyey awooda maamul oo nidaamka naxariista darnaa ee ay sida weyn isugu jilib dhigeen kaas oo uu hogaamihaya ka ahaa Marxuum Max’ed Siyaad Barre waxaaney si buuxda gacanta ugu dhigeen gobolada waqooyi oo Jamhuuriyadda Soomaliya.
- Dhawaaqa guusha ka dib, SNM waxay si aan kala go’ iyo gaabis midna laheyn si weyn u suurto-gelisey in ay soo afmeerto colaadaha sokeeye oo ku lamaanaa dagaalka ay nidaamka keli-talis la galeen gaar ahaan beelaha Somaliland dhexdooda. Kuwaas oo nidaamka daaquudka ah uu si weyn oo tudhaalo aan laheyn arrimi u dhex dhigey! Hogaanka SNM isaga oo si waafaqsan dastuurka urrur halgameedka SNM, qorshaha maamul, siyaasadeed, diblamaasiyadeed, iyo kan ciidanba hirgeliyey in si dhab loo afjaro colaadahaas, SNM waxay ka howl-gashey hirgelinta nabada beelaha Somaliland.
- Sidaa darteed, bilowga bisha Feebarweri waxa hogaamadii ciidan iyo maamul oo SNM si xowli ah uga howl galeen labada darif ee Somaliland si nabad hor leh loo hirgeliyo, waxaa wufuud isla toddobaadkii ugu horeeyey bisha Feeberweri loo kala direy caasimadaha gobolada Awdal, Boorama, iyo Sool ee Laas-caanood. Wufuudan waxaa horkacaayey si khaas ah taliyayaasha labada Aag dagaal oo cudduda ciidamada SNM. Waaney suurto-gashey himiladaasi oo BILOWGIIBA WAXAA LA ISLA GAADHEY XABAD JOOJIN IYO NABAD-KU-WADA NOOLAANSHO.
- Isla bisha Feebarweri ayaa kulanka ugu horeeyey oo beelaha Somaliland dhexmarey iyaga oo dhameystiran uu ka qabsoomey magaalo xeebeedka Berbera waana halkakan meesha go’oomadii ugu horeeyey oo horseedka himilada cusub ay SNM ka hirgelisey. Waxaa qabsoomey kulankii meeqaamka sareeyey oo walaaleeyey beelaha Somaliland. Waa goobta la isu saamaxey isla markaa WACADKA NABADA OO ABID AH LA ISLA QAATEY. Waxaa kale oo la isla qaatey balanta shirweynaha AAYO-KA-TALINTA oo Burco bar-kulan loogu asteeyey bisha May oo iman doonta ee isla sannadka 1991kii.
- Bilowga bisha May 1991kii ayaa wufuud aan ka yareyn 1500 ERGEY oo ka koobnaa dhamaan beelaha Somaliland, waxay isugu yimaadeen shirweynaha AAYO-KA-TALINTA iyo madasha Burco oo qabsoomey inta u dhexeysey 5-10kii May 1991kii. Markan weeyi marka go’aanka dib-ula-soo noqoshadii GOBANIMADA galbatey ee 26kii dhalatey oo isla maalmo ka dib si aan ka fiirsi laheyn loola midoobey Soomaalida Talyaanigu gumeystey 1dii Julaay 1960kii.
- Intaa ka dib, ayaa hay’adaha sharci ee Urrurka SNM u fadhiisteen kal-fadhi aan caadi aheyn si ay u xalaaleeyaan GO’AANKA BEELAHA SOMALILAND GAADHEEN si loo dabakho. Sidaas waxaa qabsoomey kal-fadhiga golaha dhexe aan caadi inta u dhexeysey11-17ka May, 1991kii. Markaas ayaa lagu dhawaaqey go’aanka “in beelaha Somaliland go’aansadeen in ay DIB-ULA SOO NOQDAAN XORIYADOODA AY KULA MIDOOBEEN SOOMALIYA maanta oo taariikhdu tahey 18ka May, 1991kii”.
- Waxaa kale oo la isla qaatey in SNM heyso hogaanka dowladnimada muddo labo sanno oo ku-meelgaadh ah iyada oo beelaha cidhifyada Somaliland ka mid noqonayaan oo ay diyaariso, dastuur, doorashooyin, iyo talada oo ummada dib ugu celiso ka dib muddo xilloodkeeda. Ma wada qabsoomin arrimahaas oo khilaafyo SNM dhexdeeda ah ayaa keeney rakaadis sida shaqaaqadii Berbera Feb. 1992-Oct. 1991kii. Dhaxalka hogaanka SNM waxaa ahaa; burbuur baahsan, arrimi in bada oon dalka lagu aasey, jidad go’an, hubka oo si aan xad laheyn gacanta ugu galey shacabka, dhaqaale la’aan, qaxooti ceydha, iyo ka badan oo mushkilado ah balse QALBI FURAN OO KALSOONI ALLAH WATA LAGU QAABILEY.
- 1993kii ayaa mar labaad beelaha Somaliland shirweyne labaad ku qabsadeen caasimada gobolka Awdal ee Boorama si loo xaqiijiyo go’aanadii laba sanno la gaadhey isla markaa jidka himilada hore looga wado. Waxaa cajiib aheyd, in SNM si aan leex leexasho laheyn talada ugu celisey Ummada Somaliland. Billo dhowr ah oo shirweynuhu socdey ka dib, ayaa Marxuum Moxamed X. Ibraahim Cigaal loo doortey madaxeynaha labaad ee Somaliland iyada oo ergooyinka codka dhiibtey ahaayeen kuwa beeluhu soo wakiisheen. AHUN Marxuum Moxamed X. Ibraahim Cigaal waxaa uu hogaanka hayey muddo sagaal sanno ah illa AJASHA ALLE KU LAHAA uu la kulmey 3da May 2002da isaga oo hirgeliyey nidaam dowladnimo oo shaqeynaya oo u diyaarsan HABKA TALO-WADAAGA AH.
- Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo M/weyne xigeen u ahaa Marxuum Cigaal ayaa saacado ka dib geeridiisa loo dhaariyey Madax-weynaha Jamhuuriyada Somaliland sida dastuurku dhigaayey. Mudane Daahir Rayaale Kaahin kama soo jeedo Beelaha SNM taageeri jirey. Muddo sannad ah ka dib, ayaa cod dadweyne loo doortey Mudane Daahir Rayaale Kaahin Madaxwene ka dib doorasho ka qabsoontey dalka bisha Abriil 2003da.
- 26ka Juun 2010kii, ayaa M/weyne Mudane Daahir Rayaale Kaahin si salmi ah ugu xil-wareejiyey si dastuuri ah oo ugu haneeyey M/weyne Mudane Axmed Max’med Max’uud-Siilaanyo- oo doorshada helay. Madaxweyne A.M.M-Siilaanyo- waa hogaamiyaha afraad oo reer Somaliland idmadaan oo ka dhigan rajo hano-qaadey oo si xasiloon oo aan dibin-daabyo laheyn horumar looga gaadhey dhinaca himilada ay hilaadiyeen reer Somaliland sannadka 1991kii.
- Waayo kasta oo jira misna ay reer Somaliland deris la ah, waxaa ka uu dhigan yahey mid waafaqsan habda marxalada horumarineed oo ka gaadhayeen dhinaca dib-u-dhiska qaranka, xasilinta saaxada siyaasada, adkeynta nabad-ku-wada noolaanshaha shucuubta mandaqada, iyo kan ummadooda, iyo abuurista nidaam dowladnimo oo dadweynuhu leeyihiin oo Iraadada kama dambeysta ah ay dadweynuhu heystaan. Waa xaqiiq aan qarsooneyn in arrimahaas oo dhami jiraan oo ay muujineyso sida kalsoonida leh, oo cabsi ka xor ah, isla markaa talo-waadaga ku sifeysan oo muwaadiniinta reer Somaliland uga qeyb qaataan arrimaha danahooda siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, aqoon ahaan, diblamaasi ahaan, iyo dhinaca xidhiidhka iyo nabad-ku-wada noolaanshaha shucuubta manadaqada oo ay horseedka kaga jiraan, waana mid midho-dhal ah oo najaxdey inta xilliga ah oo RUBUC QARNIGA DABAALDEGIISU AYNU KU JIRNO waa 18ka Maay, 2016!
La soco qeybta labaad iyo sida Soomaalida fursad ugu tahey……..
Qalinka: Mustafe Suleymaan Cilmi,
Hargeysa, Somaliland.
Tel: 00252 (0)634157470.
Email: mustafe72@gmail.com