Rukummada Dublamaasiyadda W/Q: Cabdalle Daahir Aadan

0
97

Bulsho wada dhisatay qaran, waxa hubaal ah in ay u baahan tahay cid si dhaba ugu istaagta dhawrida danaha ay leeyihiin, kana celisa cid kasta oo u soo holata in ay danahaas dhaawacdo ama meeshaba ka saarto, waxana dhaba in danta ugu weyn ee bulsho u dhisato qaran ay tahay dhawrida danaha wadarnimo, danahaas oo aan ku dhawrmayn kalinimo. nIyada oo taasi tahay ta bulshadeena u dhisatay qaranka aan maanta wada mahadinay Eebe madixiisa ha waariyee, hadaba waxa haboon in aan hab aqooneed ku darno, dhawrida danahaas, iyada oo maanta dunidu u xuub siibatay in ay danaheeda ku dhawrato hab aqooneed.

cabdalle dahirQormadan oo aan si yar oo kooban aan ugu lafa-guri doono, tubta ugu haboon ee aan danteena wadarnimo aan ku dhawran lahayn, iyada oo dantaas uu u taagan yahay Madaxaweynaha Somaliland oo ah gadh-wadeenka Qarankeena, waxa ay se qormadani si toosa u abaaraysaa dhawrida danaha dibada, waxa loo yaqaan hada marka ay timaado afka dan-dhawrida (diplomacy), oo ah xidhiidhada dan-dhawriseed (diplomatic relations), waxan hawshaas u taagan Wasaarada Arimaha Dibada, waxana ay qormadani si qeexi doontaa habka loo dhawraayo danahaas, waxan ay ka duuli doontaa qodobadan.

1-            In aad joogto goobta go’aanada lagu gaadhayo (ability to access).

2-            In aad qayb ka tahay samaynta go’aanada (ability to participate making decision).

3-            In aad leedahay awooda aad ku odhan karto maya (ability to section).

Rukunadani waa kuwa dhabar u noqonaaya qormadan, iyada oo aan mid kasta aan ku dhererin doono Siyaasada Arimaha Dibada Qarankeena.

FIIRO GAARA

Qodobadani waa kuwa ay ku wada dhaqmaan, Qaramada la aqoonsan yahay, ee ka midka ah Bulshada Aduunka (international community), waana mida qarankeenu u halgamaayo in uu helo furaha lagu galo oo ah Aqoonsi (recognition).

  1. In aad joogto goobta go’aanada lagu gaadhayo (ability to access).

Qodobkani waa mid gabi ahaanba ka maqan Qarankeena, waxana uu marag cad u yahay in aan Qaranakeena la Aqoonsan (staterecognition), taas oo qaran kasta ka garab gasha in uu awood uu ku joogo goobta go’aamada lagu goynayo u yeesho, taasina waa rukun aad u mudan, oo maqnaanshaha uu ka maqan yahay qarankeena uu halis weyn ugu jito jiritaankeena bulshonimo iyo jiritaankeena dhuleed, oo waxa kaliya oo ay bulsho ku jiri karto ah.

Aan in yar dib idinku celiyo bal waxan Qaran (state) la yidhaa uu yahay, ama uu ku taagan yahay.

1-            in qaranku lee yahay dhul soohdimihiisa la wada yaqaan (territorial border)

2-            in uu lee yahay bulsho dada ku nool (community)

3-            in uu lee yahay hanaan maamul oo shaqaynaaya (effective political administration)

4-            in lagu aqoon san yahay (international recognition)

afartaas tiir buu qaran ku taagan yahay, iyada oo wixii intaas ka sii hooseeya lagu kala aragti gadisan yahay, marka ay timaado Qeexida Qaranku, waxa se dhaba in qarankeenu in sadexda tiir ee ugu horeeya oo qabtay iyada oo ay jiraan waxyaabo ka dhiman, se hawsha badankeedii waa ku wada guulaysanay, waxa kaliya ee inoo hadhsani waa xaalxaal uun, waana wax aan dhamayn karno, oo maaha wax wax u dhimaaya Qaranimadeena.

Se marka ay tahay in la qeexo waxa la yidhaa Qaran guul-daraystay (failed state) waxa iyadana loo taagaa tiirar kuwaas oo ah.

1-            In hanaanka maamul ku fidsan yahay dhamaan dhulka uu lee yahay qaranku.

2-            In xooga kaliya ee ka jira qaranka dhexdiisu yahay kan dawlada.

3-            In qaranku awood buuxda u leedahay fulinta go’aamada.

4-            In qaranku daboolo baahiyaha lagama-maarmaanka u ah nosha bulshada.

5-            In qaranku xubin firfircoon ka yahay beesha aduunka.

Waa runkuno aad u waaweyn, oo leh culayskooda, waana tiirar qofku si fudud uga dheehan karo, heerka uu qarankeena Somaliland ka taagan yahay, se sida ay iigu muuqato waa jiraan qodobo uu ku guulaystay iyo qodobo kaliya u hadhsan yihiin xaalxaal aan sidaas u buurnayn iyo kuwo gabi ahaanba ka maqan, waana waxa lagu kala qadisan yahay marka hoos loogu sii daadago, se duuduub ahaan waa la isku wada raacsan yahay, waxa kale oo hadaba jira rukuno kale oo halbeeg u ah marka qaranka laga eegayo hanaankiisa maamul in uu yahay mid guulaystay iyo in kale (political failure ), waxan ugu mudan qodobadaan.

1-            ku tumashada milgaha qofnimo.

2-            Xeerka dagdaga ah oo qaranka lagu maamulo iyada oo aan loo baahnayn.

3-            Xadhiga siyaasiyiinta, rabitaan la’aan siyaasadeed oo baahsan.

4-            Seetaynta war-baahinta.

5-            Hoos u dhaca baahiyaha nolosha.

6-            Hanaan ciidan oo lagu maamulo qaranka.

7-            in qaranka la wada yeelan waayo.

Intan baan ugu mudan in hanaanka maamul ee qaran leeyahay noqdo mid guul daraystay, waana wax lagu garan karo in qarankaasi yahay mid ku guul-daraystay in uu isku wada wado dhamaan xubnaha bulshadiisa, waxa se dhaba in iga laftigooda marka hoos loogu sii daadago lagu kala aragti gadisan yahay, waxana keenaya hadba dhanka uu iska taago qofka eegayaa, iyada oo uu duuduub ahaan ku wareegayo rukunadan aan kor ku sheegay.

Waxa aan in yar aan idinka saaray qormadii aniga oo u yara baxay bal waxan qaran la yidhaa waxa uu yahay, iyadoo qodobkii aan qalinka u qaatay u baahday in aan bal aqoon guud ka siiyo qofka aan aqoon, waana dhab oo waa wax haboon in qofka raba in uu hanaan maamul oo qaran leeyahay ka qayb qaato in uu si gun dheer u yaqaan qaran iyo waxa uu gudo iyo waxa uu galo.

Waxana inala galay tiirkan koobaad ee ah in qaranku goob jog ka yahay madasha lagu gaadhayo go’aamada, oo ah mid ka mida rukunada lagu ilaaliyo danta qaran leeyahay, waxana ay qarankeena uga maqan tahay, waa aqoonsi la’aanta, waase dhacdaa in uu meelaha qaar goob-joog kaliya ka yahay, waxana xusid mudan in 23/2/2012 shirii London, oo ahaa mid qarankeenu si buuxda uu uga qayb galay midho wacanaa inooga soo go’eena, waxan uu yahay marka lagu eegeo halbeega dhawrida danaha Somaliland in uu yahay shirka kaliya ee ilaa hada Somaliland wada buuxisay rukunadan aan ka hadlayno. Waana abaal aan ugu hayno Boqortooyada Uk, waxana haboon oo aad u mudan in hadii qarankeenu yahay mid halkaas taagan in la badiyo qaramada ku garab gali kara in uu meesha go’aanka lagu gaadhayo bal ugu yaraan soo dhex galo, haba dambayso talada oo aan qayb ku yeelanaaye.

Waxana biyo-dhiciisu yahay Gabayga uu Faarax Nuur ku yidhi.

Ingiriis axmaar iyo talyaan way ekeekamiye

  Arligaa lakala boobayaa nin u itaal-roone

  Aanse ila ah aakhiru sabaan idibilkiisiiye

  Waa duni lakala iibsadoon lana ogaysiine

  Aanse ila ah aakhiru sabaan idibilkiisiiye

Waxana uu Faarax Nuur Gabaygan tiriyay waagii la dhigaayay soodimaha maanta dhex yaala badi qaramada Geeska Afrika.

  1. In aad qayb ka tahay samaynta go’aanada (ability to participate making decision)

Tiirkani waa ka ugu mudan marka aad madasha talada iyo go’aamada lagu gorfaynaayo la soo hareero fadhiisto, waxana taas ka midho guran kara qaranka leh tabooyinkan.

1-            Yaqaan waxa uu miiska u soo fadhiistay?

Goobta lagu lafaguraayo go’aamada, marka dan-jiruhu soo galo, waa in uu si qoto dheer uga dharagsan yahay, uguna biniixsan tahay waxa uu goobtan u soo galay, ee ay tahay in uu kala huleelo fadhigan, waxana taas ugu mudan in uu lee yahay aqoon dhaba oo gun dheer, oo uu ku dhugto waxa uu ka rabo iyo waxa aanu ka rabin, taas oo rukun adag u ah fadhigiisa meesha, iyo ta soo raacda oo ah in uu ogaado in meesha uu fadhiyaa tahay goobo siro qaran lagu wadaagi karo, raga ka soo hor-jeedaana raadinayaan waxa uu qarinaayo, waxa markaas aad iyo laxaad u mudan in uu xogtiisa ilaashado, toodana ka xog-ogaado, hawshaasina maaha mid fudud ee waxa gali kara nin aad iyo laxaad ugu dhug leh habka iyo hanaanka loo dhawro danaha qaran leeyahay.

Iyada oo aan taas ka duulaayo waxan halkan si aan gabasho lahayn aan ugu soo jeedinayaa Wasaarada Arimaha Dibada in ay qaranka u samyso Rugta Barashada Dan-jiranimada, oo noqota rug lagu baro dadka qarankeena u dhawraaya danahooda, kana soo baxaan dan-jirayaasha Somaliland u fadhinaaya qaramada kale ama goobaha kalee loobaahan yahay in lagu dhawro danta guud iyo tan gaar ahaaneed ee bulshadeena.

Waxana mudan oo aan halkan hoosta kaga xariiqayaa si aan farta ugu fiiqo, danaha ugu mudan ee ay tahay in aan la taaban, waxana ugu mudan.

1-            Jiritaanka Somaliland dhul ahaan iyo dhawrida dadka Somaliland gude iyo dibadba.

2-            Dhawrida hab-nololeedka soo jireenka ah ee bulshada Somaliland gaarka u leedahay, ee ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale, dhaqankeeda iyo diinteeduna kaw ka yihiin.

3-            in arimaha gudaha Somaliland yihiin khad cas, oo aanay sinaba aanay cid kale aanay u soo faro-galin Karin.

Waxa kale oo aan halkan ku soo jeedin lahaa in Gudida Nabad-galyada Qaranku, ee uu Madaxweynuhu gudoomiyaha u yahay ka koobnaato, xubnahan.

1-            Madaxweynaha

2-            Sadexda Taliye Ciidan

@ Taliyaha Cidanka Qaranka

@ Taliyaha Ciidanka Bada

@ Taliyaha Ciidanka Boliska

3-            Wasiirka Arimaha Dibada

4-            Wasiirka Arimaha Gudaha

5-            Wasiirka Gaashaan Dhiga

6-            Madaxaha Hayada Sir-doonka Qaranka

Waxa kale oo iyaduna mudan in hogaamiyaha qaranka oo ah Madaxweynaha aroor kasta la soo hor-dhigo heerka dhawrsanaanta danaha qaranka, oo inta aanu aroortii shaqada bilaabin la soo hor-dhigo, waxa yaabaha ugu mudan ee qaranka hor-yaal gude iyo dibadba, waxana hawshaas u xil-saaran Hayada Sir-doonka Qaranka.

Tirkanina kama soo hadhaayo aqoon gun-dheer oo waayo aragnimo dhabi caynaanka u hayso, taasna waxa lagu gaadhi karaa in dhamaan la soo uruuriyo ragii ka soo shaqeeyay arimaha dibada iyo hayadaha adunka lagana faaiideeyo aqoontooda, waxana hayshaas u xil-saaran Wasaarada Arimaha Dibada.

Waxana aan si gaara farta ugu godayaa, in uu Madaxweynuhu yeesho lataliyaha Nabad Galyada Qaranka, oo Gudida Nabad-galyada QarankaXog-hayn u noqonaaya.

  1. In aad leedahay awooda aad ku odhan karto maya (ability to section).

Waxa dhaba iyada oo aan been la isku sheegayn in qaranku (state) yahay ciidan dhaba oo si buuxda u sugi kara dhamaan soohdimaha qaranku leeyahay, dhabarkana u rita in uu qaranka ka ilaaliyo wax kasta oo soo food-saara, taasina suurto galo maaha hadii aanu ciidanka lagu naas-nuujin awood dhaqaale, oo korisa garbahana qabata, si uu u guto hawsha iyo waxa u yaala, oo ay gun iyo gunaanad u tahay dhawrida iyo sugida jiritaanka qaranka.

Hadaba waxa ugu mudan ee qaran hadii uu u arko go’aamada ka soo baxay miiska wada hadalka uu isku hor-taagi karaa waa.

1-            Awood ciidan oo dhaba

Waxa jiritaanka qaran ku xidhan yahay ee ugu weyni waa inta ay tahay cududiisa ciidan, taasina waxa ay u baahan tahay in garaadka ciidanka kor loo qaado, iyo wax kasta oo u fududaynaaya gudashada haawsha dhabarka u saran, waana in tayadooda iyo tiradooda kor loo qaada oo ay noqdaan kuwo leh tiro iyo tayo dhaba.

Awoodaasna waxa ay hanti u tahay dhamaan bulshada Somaliland ee wada dhisatay si ay ugu sii dheereeyaan jiritaankooda bulshanimo, ugana gaashaantaan dhin kasta oo soo food-saari karta, ha dhawaato ama ha dheeraatee, waxa kale oo aan si cad aan farta ugu fiiqayaa, iyada oo aan ka duulaayo dhibta uga iman karya qarankeena hadii awoodaas si ka baxsan sidii loo dhisay loo adeegsado, waxan marag cad inoogu ah wixii inga soo gaadhay, ciidankii Somaliya ee ay bulshadeenu qaybta ugu weyn ka dhistay, taas oo markii uu gacanta u galay laga habaabiyay tubtii loo unkay, waana halka uu Abwaan Hadraawi ka yidhi,

Hubka mudug ku talax tagay

Alaylee hubsiimiyo

Haki buu u baahnaa.

Taasna waxa looga badbaadi karaa waa in gaaraadka iyo kasmada ciidanka iyo raga hawshaas hogaaminayaa ay noqdaan kuwo sidhaba ugu damqanaaya dadkooda oo ay ogyihiin in ay bulshadan u yihiin gaashaan bira, maamuuska iyo milgaha ciidan ee ay huwan yihiina uu yahay kan ay saareen bulshadoodu, ta ugu mudana waa in dhaqaalaha galay uu yahay kii dadkooda, oo aanay noqon xooga cida ay u leeyihiin bulshadooda ee ay tahay cida nabad galin weyda bulshada.

Waxan hada ugu mudan in ciidankeenu si buuxda u wada sugo dhamaan iridaha laga soo galo lagana baxo qarankeena, waxan ugu mudan iridaha baiga, oo iska furan, waxa kale oo aan u baahanay in sida qaramada dhigeen ah, lagu soo galo lagagana baxo hab la yaqaan oo kan aduunka u yaala ah, taasi waxa ay fududaynaysaa in nabada iyo xasiloonida qarankeenu noqoto mid si dhaba gacanta loogu hayo.

2-            Awood dhaqaale oo rukuno adag ku taagan

Waxa qaran maanta maamuus ku leh gayigan aan joogno waa mid dhabarka ku haya dhaqaale dhaba loona huray mood iyo noolba si uu u noqdo ciidan dhaba oo bulshadiisu ku dhaadato, qaramada kalena ay ka haybaystaan, kana edabsadaa.

Si taas loo helo oo aan dhigeen uga dhex muuqano waa in aan kor u qaadno awoodeena dhaqaale, waxan aan ku kobcin karnaa in garashada iyo dhaqaalaha aan isku xidhno, oo dhaqaaleheenu noqdo mid ay aqooni hagayso, si kobiciisu u noqdo mud caga adag ku taagan, dhakhsana u kobca oo u naas-nuujiya awoodaha badan uu ku koraaya dhaqaalha oo ay ugu mudan yihiin awooda ciidan, oo ah waxa kaliya ee qaran ku waarin karo jiitaankiisa, bulshadiisuna ku noqon karto mid laga edabsado.

Hadaba si aan u kobcino awoodaas dhaqaale waxa ay u baahan tahay

1-            In laga faaiideeyo awooda xoog ee ciidanku leeyahay.

Waxa qodobkani yahay in xooga ciidan lagu sugo dhamaan kadimada laga soo galo qarankeena, lagana gurto canshuura lagu qabanaayo adeega bulshada.

Waxa kale oo iyaduna aad u mudan in ciidanku yeesho waaxda dhismaha, oo bulshada u qabatada adeegyada ay ka midka yihiin ceel u qodis iyo samaynta jidadka iyo beer qodosta iyo xoola dhaqqashada, waxan ay taasi bulshada ka caawinaysaa in xooga ciidan noqdo mid qaranka difaaca isla markaan noqdo awood wax soo saar oo dhaqqaalihii bulshada iyo noloshoodaba kocinaaya, intii uu noqon lahaa xoog meel iska fadhiya, oo sugayaa in amaro la siiyo.

2-            In dib u habayn dhaba laga sameeyo ilaha ay qarankeena wax ka soo galaan.

waxan dhaba in qaranku canshuul ku leeyahay dhamaan adeegyadda laga dhex qabto gudaha qaranka, ha yaraado adeegu ama ha badnaade, waana in aan sida hada jirta cidana la naas-nuujin cidana laga qaadin canshuurta, waxan aynu guranaa hada oo canshuur ah 25% waxana inag macan 75% waana mid laga xumaado in qaran raba in uu dhismo uu hantida uu hawsha ku wado sanadkii tahay waxa aan gaadhay 217 $ milyan , marka loo eego qaramada dhinacyada inaga xiga waxan ay tahay in ay gaadho ugu yaraan 1 bilyan $, waana aan gaadhsiin karnaa inaga oo aan canshur kordhin ee kaliya gurana inta inaga maqan, oo kaba fog kala badhkii, taasina waxa ay u baahan tahay in aqoonta iyo dhaqaalaha la isku xidho si kobiciisu u dheereeyo, rukunada uu ku taaagan yahayna u noqdaan kuwo ka adag hada.

3-            In xididada loo siibo lunsiga hantida bulshada.

Oo ah kan lugta haya in si dhaba uu u kobco dhaqaaleheenu, waxana looga baahan yahay in raga hogaanka ahayaa ka bilaaban lafahooda oo ay iyagu ka sareeyaan tuhunka iyo madmadawga, taas baana ugu mudan, hadii se uu gadh-wadeenkii yahay rati heeryo-cuna dee aarankuna waa durdurin, taasna qaran ku dhismi maayo, waa tuug uun baa la korinayaa hadhaw bulshada cuni doona.

Xogta qormadani waxa ay u dhawrsan tahay qoraaga kaliya xigasho ayuu ogol yahay

    Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

     Bartay Aqoontaka Xeerarka

      15/5/2015

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here