Riyadh (Hubaal) Warbaahinta Waddanka Sucuudigu waxa ay maalmihii ugu dambeysay warinaysay qiso layaab leh oo Mucjiso taasi ku saabsan Muwaadin Sucuudiyaan ah oo ku nool deegaanka Baaxa kadib markii la xaqiijiyey in Ninkaasi aanu 30-kii sannadood ee ugu dambeeyey Hurdo seexan. Ninkan Odayga ah oo lagu magacaabo Maxamed Al-qaamidi ayaa dhakhaatiirti mudada intaasi le’eg la tacaalaysaa bal in ay ka caawiyaan in uu mar uun hurdo seexdo balse wali laguma guulaysan mudada intaasi le’egna waxa uu yahay mid saamalayn dilay oo jiifka uun ku galgalanaya.
sida ku cad warbixintan oo shabakadda Tusmo24 idiin soo turjuntay, Wariye iyo sawir qaadayaal ka tirsan Telefishanka Al-mirqaab oo dhawaan booqday Magaalada Baaxa ayaa waxa ay ka war heleen in uu deegaankan ku nool yahay nin lagu magacaabo Maxamed Muxsin Al Qaamidi kaasi oo uu markii ugu horraysay wariyaha u sheegay amiirka mandaqadda Waaxa isaga oo ku war geliyey in ay waraysi la yeeshaan oo booqdaan ninkaasi oo xaalad aan hore loo arag ku sugan. Amiirka Mandaqadda Waaxa waxa uu sheegay in ninkani u yimid maalin maalmaha ka mid ah ugana warramay sida ay xaaladdiisu tahay kadiba uu jeclaystay in uu warbaahinta tuso. Ninkan odayga ah ayaa telefishanka u sheegay: “Muddo dheer xaaladdaydu sidan ayay ahayd. waxa la i tusay dhakhaatiir dhawr dal ka socota oo dalkan ka hawl gala. baadhitaan kasta oo la i mariyay waa la waayay cudur ah oo weyn oo i haya. waxa ay kaliya arrinkayga ku sheegeen xaalad nafsi ah oo ah qulub iyo walbahaar. waxa ay i siin jireen mudadaasi kiniino iyo daawooyin nafta dejiya balse mar kali ah hurdo maan helin waxaanan soo jeedaa habeen iyo maalinba”. Guddida Cilmi baadhista waddanka Sucuudiga ayaa arrinka ninkan muddoba baadhitaan ku wada waxaanay sheegeen in hurdo la’aanta muddoda intaasi le’egi ninkan ku keentay xaalad adag oo uu ku sugan yahay.