Runtaan cidna baajinayn! – W/Q. Sakariye Cismaan Axmed “Awguure”

0
47

Waxaan ku bilaabay qormadan magaca Ilaaha weyn SWT. Ilaaha xaqqa lagu caabbudo wixii kale ee ka soo hadhayna baaddilka lagu caabbudo. Ilaaha ay u sugnaatay

naxariista gaar ahaaneed iyo naxariista guud ba. Ilaaha abuuray Ina Aadan dhammaantii, kana abuuray naf keli ah. Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato suubbanaheennii Muxammed SCW iyo ehelkiisiiba.

Waa hubaaal ina Aadam gabi ahaantii, noocuu doono ha ahaado: caddaan ha ahaado, madow ha ahaado, lab iyo dheddig kuu doono ha ahaado, waxaa uu jecel yahay inuu maamuusnaado, magac iyo milgo sare yeesho; waxa uu jecel yahay in bulshada uu ku dhex nool yahay ka dhex soocnaado oo wanaag iyo sifo qurux badan ku caan baxo. Haba ahaatee, dhib waa loo mutaa, oon iyo harraad baa loo maraa, habeenno ayaa loo soo jeedaa, loo dhafraa, loo dhaxaa. Qaar baa buuro dhaadheer iska soo tuura si ay magac u helaan, qaar ayaa biro, mindiyo iyo dhagxaan liqliqa si ay magac u helaan, qaar kale ayaa soo bandhiga waxyaabo adduunka ka yaabiya waxyaabahaas oo ka yimid ka faa’iidaynta hibooyinkooda iyo wakhtigooda kadibna, mutaysta in magacooda lagu xuso buugga World Genius Record.

Dhinaca kale haddaan ka jaleecno, inaad Engineer, Doctor ama Professor noqotaa, iyada laftigeedu maaha wax fudud. Aqoon badan, khibrad badan iyo gankaagoo fogaaday ayay ku xidhan tahay ee maaha wax layska yeesho; waa hanti qaali ah, waa hanti aan dhayal lagu hanan karin. Isku soo wada xoori; ruux kasta oo adduunkan maanta ku uumman waa jecel yahay inuu magac iyo milgo adduunkan kaga tago oo uu cutub ku yeesho buugga adduunka.

Waxaa iyaduna habboon in aan isla yara fahanno in adduunka oo lagaa maamuusaa ama ay bulshashaadu ku maamuusto, ku ixtiraanto ay ku xidhan tahay dedaal fara badan, soo jeed habeennimo, wakhtigaaga oo aad u fahanto hantida kaliya ee aad leedahay; taasna, waxaa marag iyo marqaati ka ah odhaahda xikmadda badan xanbaarsan ee Carbeed ee tidhaahda “Kii doonaya ina uu sarreeyo oo la maamuuso, habeenno ayuu soo jeedaa”.

Laakiin, nasiib xumo iyo nasiib wanaag, kay tahay ba garan maaye, qoomiyadda wayn ee aan ka dhashay Soomaali; waa ummad ilduuftay oo garab martay, milhigii iyo maamuskiina ka xayuubisay maamuus-derajeedyada faraha badan sida: “Dr. Eng. Prof.” oo ruux kastaa iska qaatay magaciisana ka horraysiiyo derajo aan ciyaar lagu hanan karin; hanti iyo xoolo aan dhayal lagu dhaqan karin. Waxyaabaha qayaayada leh ee xilligan aad arkayso waxa ka mid ah, wiil ama gabadh 20-jir ah oo magaciisa/magaceeda xagga hore kaga qoraya ama odhanaya iigu yeedha “Professor Hebel/heblaayo”. Taas waxaa ka yaab iyo amakaag badan; oday waayeel ah oo caaqil ama Suldaan sheeganaya oo aan waligiiba dugsi xaadirin oo haddana loogu yeedhaayo Doctor hebel ama Engineer hebel. Yaab iyo amakaag badanaa! Soomaali ayaa laga helaa ruux aan aqoon dugsi sare dhammaysan oo haddana Doctor ah!

“Aqoon-yahanka wayn”, “Abwaanka weyn ama Abwaanka qarniga”, “Qoraaga weyn ama Qoraaga qarniga”,  “Mufakkirka wayn” … waa weedhaha buux dhaafiyay degellada iyo bar bulsheedyada ay bulshadu ku kulanto. Waa shay qayaayo leh markaad aragto wiil yar oo aan jaamacaddiisii dhammaysan, loogu yeedhayo “Aqoonyahanka weyn”… Daahir yaa shamis! Jaamacaddiiba ma dhammayn ee goormuu noqday aqoonyahanka wayn.

Ta kale; labo qormo ama maqaal ayuu qoray ee goormuu noqday Qoraaga weyn! Gari Alley taqaannaayee, qoraayadii waawaynaa ee tobonnaanka buug qoray ee gankooduna 60jir iyo wax ka weyn madax la galay, maxaa loogu yeedhayaa? Marka wiilkii 20jirka ahaa ee halka buug qoray ama aan ba qorin ee dhowrka qormo ama maqaal qoray, aynnu ugu yeedhaynno qoraaga weyn.

“Laba xaraf midkii bawsadee buug akhriya maanta

Idaylkeen inaan badaw nuhuu badi u haystaa

Inuu naga buruud weyn yuhuu faan budhbudhiyaa

Si aan looga kala boodinoo tiisa loo baran

Dhaqan bile inuu yahay ayuu marar bildhaan shaa

Suufigaa bunaystuu yidhaa waan la ahay baab

Beenaalihii soo diraa doodda soo baray”– W/C. Cabdifataax Awdali.

Suugaantiisu waa suugaan ku sheeg oo u dhadhan eg’ tiraab oo kale ah, waa tix ilduuf iyo laaxin badani ku jiro; haddana, waxaaa amarka Ilaahay loogu yeedhay abwaanka Qarnigan ama abwaanka wayn. Bal waayahaye, walaalayaal, Soomaaliyeey, idinkaan idiin dhiibee ka gar naqa? Bal idin kaan idin dhiibee maxaynu ugu yeedhnaa? Abwaannadeenna waaweyn ee aad wada garanaysaan? Wiil kan yaree ee 20- jirka ah iyo Abwaanadeennii waawaynaa keebaannu nidhaahnaa Abwaanka weyn? Idinkaan idiin dhaafay warcelinta weydiintaa, jaallayaal.

In aad derejo aanad lahayn isa siisaa, ama isugu yeedhaa ama aad raalli ka noqoto in laguugu yeedhaa, waa shaashad laga daawan karo in aanad cilmi iyo aqoon lahayn iyo inaad tahay jaahil. Adiga oo aan waxba ahayn haddii aad naftaada been iyo khiyaali ugu sheekayso, waxaad ogaataa in aan runta cidina baajinayn oo iyada oo aan lagu qasbin aad dan u cantoogi doontid boodhka.

“Haddaad nafta been u sheegto

Haddaad is tidhaa belaad tay

Wax weyn is biddood is mooddo

 Runtaan cidi baajinayne

Dan baad u cantuugi boodhka!”– W/C. Xasan Daahir “Weedhsame”.

Dadka aqoonta leh, dadka hibadooda iyo wakhtigooda ka faa’iideeyey ee wax wayn qabtey, una qabtey naftooda iyo ummaddooda, caqli garashada leh, isma mahadiyaan, isumana yaqaaniin inay wax qabteen, ismana faananiyaan;  Waxa yar ee ay qabateen lama wayna oo buuro lama noqon, Waxa wayn ee ay qabteen ayaa la yaraada, iskuma bogaan ismana cajabiyaan. iskaba dhaafee, haddii aad ku sheegto darajo uu leeyahay waabu kaa xanaaqayaa; Tusaale ahaan: waa buuni ilaahay caqli garasho iyo cilmiba siiyey ka faa’iidaystey cimirigiisii, wax soo kordhiyey,  haddana, kaama oggolaanayo in aad ku tidhaahdo “Shiikh hebel”. Wax badan baad aragtaa iyagoo ka cudur daaranaya in loogu yeedho darajadooda, hadaa ogow wayba yihiin, haddana, ma ogolaanayaan in loogu yeedho. Waa mid ka mid ah tilmaamaha aqoonyahanka.

Gebogebada: Weydiin yar aan kula wadaago: haddii aad qaadato xoolo aanad lahayn soo kugu ceeb iyo dhag xumo maaha??? Haa, hubaal waxaad noqonaysaa qof aan sharfaneyn oo tuug lagu sheego oo la dhaleeceeyo oo aan la soo dhawaynsan. Sidaas ayey ka dhigan tahay derejada aad isa siineyso ee aad leedahay iigu yeedha. Engineer, Doctor, Professor, Abwaan, Qoraa hebel/heblaayo. Waana tilmaan marag ka ah in aad madhantahay oo aanad waxba aqoon waxna ahayn.

Si laguu sharfo si aad u maamuusnaato oo bulshadaada dhexdeeda magac ugu yeelato, ka dheerow biliqaysiga hantida aadan lahayn; ka dheerow in aad naftaata been u sheegto; ka dheero inaad naftaata khiyaali ugu sheekayso ee naftaada run u sheeg; naftaada intaad bannaanka ula baxdo u sheeg inay wax noqoto. Noloshu waa halganee,  walaalyaalow, naftiina khiyaaliga ka ilaaliya inaad ugu sheekaysaan, kala dagaalama inay waxyaabo hoose oggolaato oo ay ku qanacsanaato, inaad wax aanad ahayn isku tilmaamtaa waa hoosayn; kala dagaalan oo dagaal adag kala gal, ogow naftu waa nacas waxyaabaha xun ee hooseeya ayey jeceshay ee adigu damiirkaagu ha diido wax yar e’ hoose.

Sakariye Cismaan Axmed “Awguure”

Darbiga Faysbuugga:https://www.facebook.com/zzoam

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here