Runtu Ma Fantaa: Guurtida Iyo Xallinta Khilaafaadka

0
38

Afar iyo labaatan sano (oo u dhigma rubuc qarnigi) ayaa ka soo wareegtay ku dhawaaqii Gooni isu taaggii Jumhuriyada Somaliland. Halkaas oo ay ka bilaabantay dhismaha nabadda iyo yagleelka Qaab-Dowladeedka Somaliland. Dhacdadani waxay ka dambaysey toban sano oo halggan qadhaadh oo dimoqoraadiyada doon ahaa. aadan muuse jibriilKaas oo naf, maal iyo maskaxba loo huray, loona adeegsaday si loo gaadho ujeeddadan iyada ah. Somaliland-se keli kuma ahayn waayo-aragtidan kor ku xusan ee waxaa la wadaagey dalal kale oo qaarrddan Africa ka tirsan. Dagaalladii sokeeye ee Africa ka dib waxaa bilaambay isku-day iyo dedaallo lagu dhisayo tijaabooyin dib loogu soo yagleelayo nabadda iyo qaab-dawladeed ka duwan kii hore ee gumaysiga laga dhaxlay iyo keli-taliyayaashii ka dambeeyey oo ahaa sababihii dagaallada iyo masiibooyinkii ka dhashay. In kasta oo qaabka dhismaha iyo dhabbaha Somaliland u raacday xasilinta nabadda iyo dibu-dhiska dawladnimadu yahay mid ka duwan kuwa dalalka Africa ee ka soo doogey dagaallada sokeeye, sida Burundi iyo South Sudan, oo hadda ay ka muuqato dibu-gurasho, kana oogmeen is-qabadyo hor leh iyo qulqulatooiyn aan la saadaalin karayn aayahooda. Kuwaas oo tilmaamaha ay bixinayaan sheegayaan soo laba-kaclaynta khataraha ay keeni karaan damaca siyaasiyiinta iyo kuwa ku xeeran ee ku foogan maal urursiga iyo bililiqaysiga hantida ummada. Haddaba, waxa iswaydiin mudan, sidee iyo qaabkee bay Somaliland uga badbaadi kartaa dibu-gurasho noocan oo kale ah?. Jawaabta waxaa laga baadi dooni karaya in marka hoerba aan loo daymo la’aan inay Somaliland wax weyn kaga duwan tahay dalalka kale ee Africa ee sideeda oo kale ka soo doogey dagaallada, ka dibna belaabay tijaabada dibu-dhiska nabadda iyo dawladnimada. Somaliland waxay adeegsatey qaabab iyo farsamooyin lagu tilmaami karo ”Barroosin culus” oo loo dhigay geeddi-socodkeeda si aanay biyaha badweynta damaca siyaasaddu u qarqin una majara habaabin.

Hirgelinta iyo korinta tijaabadan waxa xukumaya sida hadaba madaxdu u ixtiraamto ujeeddada fog (isteratejiyada), sharciga la kala qortay sida Distoorka iyo xeerarka kale, iyo in loo fuliyo qaab u dhigma una qalma, oo la jaanqaadi kara rajada dadweynaha iyo filitaankooda waxqabadka dawladooda. Sidoo kale, hirgelinta mabaada’adan guud ama tiirarka aasaasiga ah ee Somaliland ku dhisantahay waxay ku suura geli kartaa xoojinta ujeeddada ah kala madax-bannaanaanta saddexda udub-dhexaad ee dawladda; Xukuumadda, golayaasha sharci dejinta, iyo Garrsoorka, oo ay tahay in la isweydiiyo intee tallabo hore loo qaaday. Waxaa kale oo in hoosta laga xarriiqo u baahan in shaqaalaha dawlladu ka madax-bannaan yahay siyaasadda iyo in lagu dhaqo sharciga Civil servant law. Taas la’aanteed oo aany dimoqoraadiyadi hirgelin karayn.

Tijaabadan dhismaha nabadda iyo dawladnimada oo isku lammaan (hybrid political and security order) oo Somaliland ku dhaqantaa waa mid loogu tala galay isu-dheeli tirka iyo isku miisaanka danaha kala duwan iyo is-dheelli tirrka labada dhaqan, kan casriga ah iyo kan Somaliyeed (Traditional and Modern value systems). Haddaba, joogtaynta hergelinteeda ayaa ah arrin aad u adag oo sida looga geyoodaa u baahan tahy bisayl gaara iyo dedaal aan xad layhayn, iyo aragti dheeraan hoggamineed. Nidaamka xisbiyada badani waxuu ku fadhiyaa waxa loo yaqaan (Majority Rule) oo ah in xisbiga doorashada hela xukuumaddu ka soo baxdo, halka nidaamka dhaqanka uu saldhig u yahay waxa loo yaqaan go’aan-wadareed (consensus based traditional mechanism of conflict resolution and conflict management) waana laba mabd’a oo u baahan in la heshiisiiyo si loo hirgeliyo. Sidaas darteed, Golaha Guurtigu waxuu u taagan yahay go’aan wadareed ku dhisan maaraynta khilaafaadka, iyo dibu-heshiisiinta ummadda. Waxaanu huwan yahay laba awoodood, mid distoori ah iyo mid Mooral ah (macnawi) oo ku aaddan xallinta khilaafaadka iyo Maarayntooda. Go’aankan ay Guurtidu ka gaadhay arrinkan isqabadka doorashada iyo muddo kordhintu waa g’aan ku salaysan awoodda distooriga ah, laakiin baalmarsan xilka guurtitda ee dhibu-heshiisiinta ummadda iyo xallinta khilaafaadka. Haddaba, xaggee ba xagal-daacu ka jiraa, ma Guurtida mise dhammaan qaab-dhismeedka ha’adaha dawlladaa oo dhan?

Waxaan u arkaa in tijaabada dhismaha nabadda iyo dawlad yagleeka Somaliland ay khatar geli karto haddii aan dibu hagaajin lagu samayn (reform) dhammaan nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Taas oo ka dhigan in dib loogu noqdo qodobada saldhigga u ah nabadda, dibu-heshiisiinta iyo dimoqoraaddiyada, oo lagu soo koobi karo:

1)Aasaaska dhismaha nabadda oo saldhig looga dhigay dibu-heshiin iyo isa-saamax (Shirarkii Burco, Borama, Ceerigaabo iyo kuwii kale ee badnaa.

2) Isku dhafka labada nidaam, kan dimoqoraadiyada axsaabta badan iyo kan dhaqanka ee garr-naqsiga iyo heshiisiinta. Labadaas qaab oo ay kala metelaan labada Aqal ee Barlamaanka iyo Xukuumadd Somaliland; Guurtida iyo Golaha Wakiillada iyo Xukuumadu.

3) Guddiga Dorashooyinka oo ah mid ay soo magacaabaan xisbiyada mucaaradka, Guurtida iyo Madaxweynahu, sidaas darteedna ah guddi madaxbannaan oo metela qaranka oo dhan, taas oo ah arrin ugub ku ah dimoqraadiyada Africa. Halka dalalka kale ee Africa ay tahay mid hoos timaadda wasaaradaha Arrimaha gudaha ee dalalkaas.

4) Tiirka ugu adag ee geeddi socodka Somaliland ku tiirasn yahay waa kan siyaasadda Iska-wax-u-qabso oo u taagan siyaasad isku tashi iyo Shisheeye ha isku hallayn ku dhisan. Kaasoo ah mabd’a aasaas u ah tijaabada dibu-dhiska Somaliland. Intaas oo dhan oo hal-abuur iyo dedaal ah, kana dhashay doonis dhab ah iyo mintitnimo dheeraada ayaa saldhig u ah tajaabadan Somaliland.

Arrimaha, soo noq noqoshada Dhibu dhaca doorashooynka iyo Muddo Kordhintu waa daahirida tusaysa baahida loo qabo in dib loogu noqdo si dibu hagaajin loogu sameeyo nidaamka siyaasadda (reform) dalka oo dhan. Taasina waxay u baahan tahay dood cilmiyeed daacadnimo iyo xilkasnimo ku dheehan tahay.

Arrinka dib ugu noqoshadu waxay keenaysaa in distoorka dib loogu noqdo oo la waafajiyo baahida maanta jirta.

Metaal ahaan, distoorka maraynkanka waxaa la isku deyey in wax laga beddelo 11,000 jeer waxaana si dhab ah wax looga beddeley 27 jeer.

Adam Muse Jibriil

adamjibril@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here