Saadaasha Ciyaarta Galabta Ee HAWD Vs DAAD-MADHEEDH Oo Xiiso Gaar Ah Leh + GABILEY & AWDAL Oo Isa Sii Xaadiriyey

0
96

ciyaaraha-gobollada

Hargeysa (Hubaal) – Ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa wali si habsami ah uga socda garoonka Hargaysa Stadium, waxaana kulankii shalay isku haleelay xulalka bogolada Gabiley iyo Sool oo ka wada tirsan Group B, waxayna Gabiley kulankan ciyaaraysay iyada oo guul u baahan si ay Awdal iyo Saaxil ugula biirto wareega afar dhamaadka, laakiin Sool ayaa ciyaaraysay iyada oo doonaysay kaliya in ay sharafteeda difaacdo isla markaana ay hesho dhibcihii ugu horeeyay ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland. Gabiley ayaa hore guul uga soo gaadhay xulka gobolka Daad-Madheedh ka hor intii ayna barbaro la galin xulka gobolka Hawd ee ay sida wayn ugu xifiltamayaan Groupkan. Sidaa daraadeed Gabiley ayaa lahayd 4 dhibcood oo ay ka soo heshay labadii kulan ee hore halka Sool ay laba guuldaro kala soo kulantay Hawd iyo Daad-Madheedh waxayna sii ogayd in ay ka hadhay ciyaaraha gobolada Somaliland balse waxay doonayeen in ay dhibco kala hoydaan tartanka oo ayna eber la noqon. Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahaa mid si adag ay labada kooxood ugu dagaalameen balse xulka gobolka Gabiley oo ay ka go’nayd in ay guul gaadhaan ayaa goolka furitaanka helay kadib markii xiddiga khadka dhexe ee Mubarik daawo uu darbo xoogan ku tuuray goolka Sool iyada gool haye Xasan Da’ud Cumar uu awoodi waayay inuu sameeyo wax badbaadin ah waxayna ciyaartu noqotay 1:0 uu xulka gobolka Gabiley hogaanka ciyaarta kula wareegay. Xulka Gobolka Gabiley ayaa iska lumiyay fursado badan oo fiican halka sidoo kale Sool ay abuurtay fursado fiican iyada oo fursadii ugu fiicnayd uu helay Khaalid, laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Gabiley hogaanka ciyaarta ku haysay. Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta xulka Gabiley ayaa markale sii watay in ay ciyaarta inteeda badan gacanta ku hayaan waxayna raadinayeen goolka laabad halka xulka gobolka Sool uu raadinayay goolka barbaraha ee ay ciyaarta ugu soo laaban kareen. Gabiley ayaa heshay fursado fiican iyada oo Mukhtar Messi uu lumiyay fursad cajiib ah laakiin tababaraha xulka gobolka Gabiley Awga ayaa shaxdiisa wax ka badalay isaga oo weerarka kooxdiisa soo xoojiyay halka sidoo kale shaxda Sool isbadla lagu sameeyay waxayna ciyaartu noqotay mid sii adkaatay basle Gabiley ay natiijada fiican ku haysatay. Xulka Gobolka Gabiley ayaa ugu danbayn helay goolka labaad ee ay natiijada ciyaarta ku xaqiijisateen kadib markii weeraryanka khibrada gaamurtay leh ee Cabdiriyad ayaa darbo layaableh ka soo tuuray meel aad uga baxsan xerada ganaaxa Sool wuxuuna si fiican u garaacay goolhaye Xasan Da’ud Cumar oo ku war helay kubbada shabiqiisa galaysay wuxuuna Cabdiriyad ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Gabiley hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.  Cabdiriyad sidaa ku dhaliyay goolkiisii afraad ee ciyaaraha gobolada Somaliland wuxuunala goolal noqday Mustafe Saleebaan (Mustafe Messi) oo Saaxil ka tirsan oo ilaa hadda afar gool dhaliyay iyo Maxamed Maxamud Jamac Engineerka oo isna 4 gool u dhaliyay xulka gobolka Xaysimo waxayna saddexda ciyaartoy markale gool dhalintooda ku sii tartami doonaan wareega afar dhammaadka maadaama oo ay xulalka goboladooda soo saareen. Ugu danbayn ciyaarta ku dhamaatay 2-0 uu xulka Gabiley ku garaacay dhigiisa Sool oo ciyaaraha gobolada Somaliland kala noqday isaga oo wada guuldaraystay saddexdii kulan ee sideed dhamadka uu ka ciyaaray, waxayna Gabiley afar dhamaadka kula biirtay Awdal iyo Saaxil. Waxaan rajaynaynaa in xulka Gobolka Sool uu wax ka baran doono dhibata sanadkan soo gaadhay isla markaana ay u soo diyaar garoobi doonaan tartamada danbe balse qaabka fiican ee ay u ciyaareen iyo akhlaaq wanaagii ay sameeyeen ayaa ah waxaan la ilaawi karin. Waxaana si wayn ugu hambalyaynaynaa xulka gobolka Gabiley oo si qurux badan ugu baxay afar dhamaadka iyaga oo aan wax guuldaro ah arkin saddexdii kulan ee ay soo ciyaareen. Waxaa la sugi doonaa kulanka la wada sugayo ee Hawd iyo Daad-Madheedh ku dhex mari doona Hargaysa Stadium kulankaas oo noqon doona kulanka ugu danbeeya sideed dhamaadka ciyaaraha Gobolada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here