Saado Cali Warsame Oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho

0
30

Muqdisho(Hubaal)-Waxa Maanta Aas qaran Loogu sameeyey Magaalada Muqdisho allah ha u naxariistee Fannaanadii weyneyd ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo maalintii shalay lagu dilay Halkaasi.

Masuuliyiin uu ugu horeeyo R/Wasaaraha Soomaaliya , Wasiiro , Xildhibaano,Fanaaniin iyo Abwaaniin ayaa ka qeyb galay aaska Marxuumada maanta loogu sameeyay Magaalada Muqdisho , dhamaan dadkii ka qeyb galay aaska Xildhibaanada ayaa u muuqday kuwa ka murugeysnaa dilka loo geystay.

aaska saado cali

R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed oo aaska ka hadlay ayaa uga tacsiyeeyay Umada Soomaaliyeed guud ahaan geerida Xildhibaanad Saado, waxana uu tilmaamay R/Wasaaraha in Shabaab ee beegsanayaan dadka waxgalka ah ee indhaha u ah Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Aaska  kadib Warbaahinta lahadlay iyaga oo ilmaynaya Abwaaniin iyo Fanaaniin ay aad isugu dhawaayeen Fanaanad Saado Cali Warsame ,kuwaas oo dhamaantood ilaah uga baryay in janadii Farowsa ka waraabiyo.

Intii uu socday aaska Xildhibaanada ayaa si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw halka uu aasku ka dhacayay , mana jiraan ilaa hada cid ay dowlada usoo qabatay Dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here