SAAKA Oo Hal Mar Ay Arday 24 Kun ahi U Fadhiisanayaan Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Iyo Talooyinka Mas’uuliyiinta Waxbarashada

0
45

Hargeisa (Hubaal)-Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 ayaa saaka oo Axad ah si rasmi ah uga bilaabmaya guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalkani Somaliland. dugsiyada burcoImtixaankan oo ay u fadhiisan doonaan ku dhawaad afar iyo labaatan kun oo arday   uu socon doonaa muddo shan maalmood ah. Kooxdii   labaad ee hawlwadeennadda ka shaqaynaya  imtixaanka shahaadiga ah kuwaasi  oo ka hawlgeli doona  gobolada Togdheer, Saaxil iyo Awdal ayaa jimcihii u baxey deegaamada ay ka shaqaynayaan, iyadoo kooxaha hawl-wadeenadda imtixaanka qaadaya ee gobolladda fog-fog ay Khamiistii baxeen. Munaasibad  lagu sii dardaraayay laguna dirayay shaqaalahaasi oo Jimcihii   lagu qabtay xafiiska imtixaanka qaranka  ee magaaladda Hargeysa, ,  ayaa masuuliyiinta  xafiiska imtixaanaadka iyo wasaaradda waxbarashada  oo halkaasi ka hadlay  waxay kula dardaarmeen hawlwadeennada imtixaanka shahaadiga ah inay iska xilsaaraan sidii ay u adkayn lahaayeen sirta imtixaanka. Wasiirul dawlaha  waxbarashada   Axmed Nuur Faahiye,  oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014- 2015 ay u fadhiisan doonaan guud ahaan dalka oo dhan arday ay tiradoodu gaadhayso  24 kun oo arday, oo isugu jira fasaladda afraad ee sare iyo Sideedaad ee dhexe. “Imtixaanka loo baxayo oo loo fadhiisan doono bisha toddobaadeeda, oo maalinta Axada ku began, iyadoo  Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan imtixaanka shahaadiga ah ay u fadhiisan doonaan tiro ku dhaw 24 kun oo arday dalka oo dhan.  kuwaasi  oo iskugu jira 14000 kun  iyo dheeraad dugsiyada hoose dhexe  ah iyo 9000 kun oo dugsiyadda sare ah”ayuu yidhi Wasiirul dawlaha  waxbarashada. Axmed Nuur Faahiye, waxa uu tilmaamay in ay tahay arrin qaranka ku weyn   in 24000  oo arday ay imtixaanka u fadhiistaan.  Waxaanu  yidhi  “Maanta  (shalay)  waa maalin qaranka iyo  shacabka reer Somaliland ku weyn,  oo 24000  kun oo arday ay u fadhiisan doonaan imtixaanka,  ayna ku soo biiri doonaan saaxadda  aqoonta arday cusubi”.ayuu yidhi wasiiruldawlaha Waxbarashada Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here