Warbixin Sawir Ka Bixinaysa Sidii Uu U Dhacay Guda-galkii Burco…..Waxa Soo Ururiyey H. H. Keefkeef
“Maalintaas Si Aan Niyadda Ugu Dhiso Dadkii Halganka Ku Jiray Waxaan Ka Hadlay BBC-Da Oo Waxaan Idhi….” – Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka warramay Saamayntii Uu Gudagalkii Burco Ku Yeeshay Heshiiskii Ay Wada Gaadheen Talisyadii Addis-ababa & Muqdisho
27 May 1988 oo ay maanta ku beegnayd 29 guuradeedii, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Reer-somaliland, gaar ahaanna dadka Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo ka tirsan ciidamadii dagaalyahanka ururka SNM ee muddada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Barre salaad hore guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM, waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed cusub iyo xaalado millateri oo hor leh oo ka aloos-may mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya. Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo kale oo ciidamadii SNM ahi weerarro millateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale. Sida taariikhdu xusayso Weerarradaa millateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii soomaaliyeed iyo Itoobiya ay isla gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii Mingistu Haile Mariam-na taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaalihii ay labada talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii milateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u adag iyo mawqif xaraj ah, taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi keentay inuu ururka SNM qaato go’aansaday mawqif lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya. Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa.
Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii milateri ee gaaskii ciimadii taliskii Siyad Barre ee fadhiyey jiidaha gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco,ee gaaskii Qaybdiid la odhan jiray, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah.
Ciidamadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj: Axmed Mire Maxamed, waxaa sidii wax u dhaceen iyo jewigii maalintaasiba xog warran ka bixiyey guddoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM haatanna ah madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaga marla weydiiyey sababta ku keliftay go’aanka is-miidaaminta ah ee gudaha loogu galay Burco kaga jawaabay “Markii ay heshiiska gaadheen dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre waxaanu u aragnay inuu halgankii oo waqtigaa meel fiican marayey sidaa ku baaba’ayo haddii aanaan go’aan adag qaadan, dabadeedna waxaanu go’aansanay in sidaa la yeelo’.
Axmed-siilaanyo mar la waydiiyey sidii uu ururka SNM u saameeyey go’aankii ay isla gaadheen talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre iyo sidii ay markii dambe urur ahaan u go’aan qaateen waxa uu ku jawaabay “Runtii markii hore waxa uu heshiiskaasi nagu keenay niyad-jab weyn, waxaase lagama maarmaan noqotay inaanu go’aan adag qaadano, ka dibna waxa uu markii hore hagaankii sare ee ururku ku tashaday magaalada Dirir-dhabe, markii dambena waxaanu isugu nimi magaalada Dhoobo-guduud, halkaas oo aanu ku tashanay, kuna samaynay guddigii dagaalka, wuxuuna hawlgalkii u horeeyay 27may ka bilaabmay magaalada Burco ,maalintaana si aan niyadda ugu dhiso dadkii halganka ku jiray waxaan ka hadlay BBC-da oo waxaan idhi dawladuhu hadi ay doonaan ha heshiyeen, laakiin anagu waanu wadaynaa halgankayaga ilaa inta ay jiraan wixii aanu ka dagaalamaynay”. Axmed-Siilaanyo, isaga oo tilmaamaya natiijadii ka soo baxday Go’aankii xarajka ahaa ee ay qaateen waxa uu yidhi “ Waxaan odhan karaa maalintaasi waxay ahayd maalintii uu nidaamkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre dhabarka ka jabay, SNM-na waxay hawlgalkaa ka gaadhay guul-weyn, waxayna ka heshay taqo iyo awood ballaadhan”.
Marka laga hadlayo go’aankii ururka SNM ee gudogalkii dabayaaqadii bishii may 1988 waxa mararka qaarkood la sheegaa in ay arintaa isku khilaaafeen hogaankii milateri iyo hogaankii Siyaasadda ee SNM , taas oo la yidhaahdo hogaankii siyaasaddu kama raali ahayn in sidaa la yeelo, laakiin Axmed Siilaanyo oo arrintaasi wax laga weydiiyey waxa uu ku jawaabay “Waxa jirtay farsamo Siyaasadeed oo aad u heer saraysay oo aanu talada ku darsanay, taas oo ahayd inaanu nidhaahno hogaankayagu ma ogayn arintaa ee ciimadaa sameeyey, taas ayaa mararka qaarkood loo turjumaa in la isku khilaafsanaa hawlgalka, taasina may jirin ee hogaanka ururku arinta wuu isku raacsanaa, aniga oo gudoomiyhii ururka ahaana waxaan imi labada aag-ba waana saxeexay go’aanka dagaalka, waxaana la isku raacsanaa oo la lahaa ma jiro jaanis kale oo inoo furani”.
La soco qeybo kale oo ku saabsan guda-galkii SNM ee Burco, iyo dhacdooyinkii la xidhiidhay ee ay Hargeysa gudagalkeedii kamid ahaa