W/Q: Axmed Maxamed Diiiye (Toorno), Hargeysa; ahmedmdiriye@yahoo.com
Waxaan soo bandhigayaa talo ku salaysan qaabka aynu hadda adeegsano oo ah in fursad siman loo siiyo saddexda xisbi dhamaan goboladda dalka, halkaas oo ay xisbiyaddu helaan tiro musharaxiin oo is-le’eg gobol kasta. Ka dibna, xisbi kastaa helo xubno wakiilo ah oo u dhigma saamiga uu xisbi waliba ka helay gobol kasta (Proportional representation); isla markaana xisbi walba musharaxiinta ugu codka badani ay soo baxaan.
Haddaba, inaggo raacayna qaaciidadaas, waxaan soo jeedinayaa in 6da gobol laga soo sharaxo tiro musharaxiin oo is-le’eg; ka dibna, gobol kastaa uu helo tiro wakiilo ah oo u dhiganta saamiga codka gobol ee wadarta codadka guud ee dalka.
Bal aynu tusaale u qaadano in la isku raacay in 72 mudane la doorto; isla markaana 10 kursi loo dhigo deegaamadda aanay doorasho buuxdaa ka dhicin. Haddaba, si furrsad siman loo siiyo 6da gobol iyo 3da xisbi qaranba; waxay suuro gelinaysaa inuu xisbi waliba 12 musharax ku yeesho gobol kasta oo ka mid ah 6da gobol doorasho, sida ku cad shaxda hoose.
Saamiga Is-le’eg ee musharaxiinta ee goboladda iyo xisbiyada
Gobol Kulmiye UCID Wadani Wadarta
Awdal 12 12 12 36
Maroodi Jeex 12 12 12 36
Saaxil 12 12 12 36
Togdheer (Burco iyo Oodweyne)12 12 12 36
Sool (Degmada Caynabo) 12 12 12 36
Sanaag (C/gaabo, Ceel Afweyn, iyo Garadag) 12 12 12 36
Wadarta Guud
72
72
72
216