Maalintu waa Arbaca 06/08/2014, ammintu waa casar abbaaro 3:00 galabnimo (pm), waxay ahayd wakhtigii shaqada, ka hor intaanan shaqada tegin waxaaan go’aansaday inaan sii booqdo saaxiibkay oo cusbitaalka u yaalay xaalad caafimaad.
Cusbitaalku waa cusbitaalka New Hargeysa ee galbeedka magaalada Hargeysa, isla markii aan gaadhay cusbitaalka ee aanan gudihiisa gelin, waxaan afaafka hore ee cusbitaalka kula kulmay laba nin oo mid ka mid ahi yahay ragii la joogay saaxiibkayga cusbitaalka u yaalay xaaladda caafimaad.
Salaan kadib, waydiiyay xaaladda bukaanka,laakiin hore iiguma jawaabin ragii aan afaafka hore ee Cusbitaalka aan kula kulmay. Muddo daqiiqado gudahood mid ka mid ah raggii ayaa yidhi “Wuu go’ay”. Inaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi Raajicuun!!!
Ma dareemi karo dareenkayga wakhtigaas, laakiin waxaan ahaa mid dhegihiisu maqleen wax aanay ku farxin. Waa qaddar alle oo naf waliba wuu dhimayaa ayaa niyadda igaga soo dhacday.
Balse, Akhriste,qofka aan ka sheekaynayaa ee bukaan jiifka ahi waa Maareeyihii Wargeyska Ogaal Cabdiweli Faarax Jaambiir oo geeriyooday taariikhu markay ahayd 06/08 2014-kii.
Alle haw naxariistee marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir waxaanu is-baranay sannadkii 2010, wakhtigaas oo aan ahaa arday dhigta dugsiga sare ee Noradin.
Alle haw naxariistee wakhtigii aanu is baranayba marxuunku wuxuu I weydiiyay dhawr su’aalood oo ilaa imika maskaxdayda ka sii guuxaya kuwaas oo kala ahaa, Maxaad barataa?,
Maxaad alaabaaba jeceshahay inaad qabato?
Maxaad doonaysaa inaad ku takhasusuto haddii aad noolaato?
Sideed isku tihiin Warbaahinta, balse ma xiisaysaa?
Alle haw naxariistee Cabdiweli wakhtigaas wuxuu ii sheegay inuu yahay Maareeyaha Wargeysak Ogaal, waxaanu ii raaciyay inuu doonayo inaan ka mid noqdo hawlwadeenada Wargeyska. Laakiinse waxaan u sheegay inaan ku jiro sannadkaygii ugu dambeeyay dugsiga sare, isla markaana inkasta oo aan xiiseeyo Warbaahinta, hadana, aanan lahayn aqoon warbaahineed.Balse wuxuu si dhib yar iigu yidhi “Maadaama oo aad xiisayso waa muhiim inaad noo timaadid, barashada saxaafadduna ma aha wax adag. Hadii aad tan ku mashquulsan tahayna soo dhamayso waxbarashaada dugsiga sare, markaad rabtana noo kaalay”.
Wakhtigu wuu socdaa oo maalinba maalin ayay riixaysaa Cabdiwelina noqoy mid ka mid ah asxaabtayda weliba kuwa aan ugu jecelahay dhigaysiga sheekooyinkooda.
Waxaan ahaa mid raadiya halka uu ku sugan yahay Cabdiweli, wuxuuna ahaa mid iiga sheekeeya waayihiisa nololeed iyo halkii uu ku soo qaatay.
Balse aniga dugsigii sare ii dhamaa, fasaxna galay, mana noqon mid taga xarunta wargeyska oo waxaan tagay dalka Ethiopia, gaar ahaan Magaalada Dirir dhaba oo aan fasaxaygii ku soo qaatay, fasixii iga dhamaa soona laabtay sannadkii 2011 una fadhiistay imtixaankii jaamacadda gaar ahaan kulliyadda Engineering siiba (Civil Engineering) ee jaamacadda Hargeysa.
Muddo yar kadib, kulannay alle haw naxariistee Marxuum Cabdiweli i waydii waxaan xareeyay jaamacadda una sheegay inaan galay kulliyadda Engineering ee jaamacadda Hargeysa Balse si niyad sami ku dheehan tahay ayuu iigu yidhi “Hadaba noo kaalay”. Isla maalintaas laga bilaabo waxaan go’aansaday inaan ka faa’idaysto jaaniskaa, waxaanan tagay xarunta Wargeyska Ogaal.
Alle haw naxariistee Cabdiweli wuxuu ii noqday macallin wuxuuna ii bilaabay tababar ku saabsan warbaahinta iyo hababka wax loo qoro. Wuxuu ahaa mid had iyo goor I garab taagan, wuxuu ahaa mid aan laga ag waayin Computer-ka aan wax ku qorayo. Muu ahayn mid ka daala wax u sheegistayda laga bilaabo ilaa maalintii iyo imika oo uu saaxiibkay ka god-galay aniguga aan noqday mid taaba gala.
Alle haw naxariistee Cabdi-weli wuxuu ahaa nin naxariis badan oo aalaaba jecel waydiinta waxaad u baahan tahay, wuxuu ahaa nin kaftan badan, sheeko badan oo ku tusaya inaad tihiin laba qof oo siman.
Wuxuu ahaa nin alaaba isticmaala erayga Wewe oo ka mid ah erayada Luuqadda Kisiwaaxiliga micnihiisuna yahay Waryaa.
Alle marxuun Cabdiweli jannada hawgu deeqee, wuxuu soo noqday macallin wax ka dhiga Iskuulada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahba, sidoo kale wuxuu Turjumay Buugaagtii sida taxana ahaa uga bixi jiray Wargeyska Ogaal ee kala ahaa: Socdaalkii Dheeraa ee Xorriyadda: Oo ah Buug ka hadlayay taariikh nololeedkii Nelson Mandella. Dhaxalka Aabayaashayo Nooga tageen: Oo isaguna ahaa Buug ka hadlayay qaxoontiga iyo dhibaatooyinkay la kulmeen Soomaalidu kadib dagaalladii dalka ka dhacay. Waxa kale oo uu qoray Sheekadii dheerayd ee uu isagu naftiisa iyo qoyskooda kaga hadlay lana magac baxday Hayaankii Hilawga Arwaaxda.
Balse akhriste qoraallada aan kor ku soo sheegay waa kuwa aan imika kaykooda gacanta ku hayo, laakiinse waxa jira keydad kale oo uu ka tagay Ilaahay jannada haka waraabiyee.
Marxuun Cabdiweli wuxuu soo guursaday labada dumar ah oo ay mid kala tageen midna imika oo uu geeriyooday ay wada joogeen, Balse labada dumar ahi midna wax carruur ah marxuunka umay dhalin.
Alle haw naxariisto Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir, Shakhsiyad Qiimayn inaga mudan, ILAAHAY qabriga haw nuuro. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi Raajicuun!
Email: samiir042@gmail.com
Mid ka mid ah hawl wadeennada Wargeyska Ogaal.
SI-ARAG © Weedhsan Corporation