“Saaxiibaday Waxay Ka Cabanayaan Liiskii La Doonayey in Daaqada Nalagaga Tuuro, Kii Haddaad Cid Ka Weydeen…..”

0
114

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka Hadlay Buuq uu sheegay in kooxo dano gaar ah lihi ku furayaan Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbigaas oo Bisha soo socota Qorshaysan, waxana uu tilmaamay in awoodda Maamulkaas uu iska leeyahay Guddoomiyaha xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in Distoorka Xisbiga ay ku caddahay cidda sharciga u leh inay shirweynaha qaban qaabiso amaba abaabusho,  “Distoorka Xisbigu waxa uu leeyahay xilka hoggaaminta shirka Golaha dhexe ee ku xiga Shirweynaha xisbiga waxa hoggaaminaya Guddoomiyaha Xisbiga, Anigoo oo Ku-xigeenkiisa koowaad ahi lama guddoomin karo, hoggaankayaga kalena xilkaas lama laha lihin, laakiin nin qudha oo aanu distoorku tilmaamin baa leh, laakiin curfiga iyo nidaamka iyo xilka uu hayo ayaa tilmaamaya oo qofkaasi waa Madaxweynaha xisbiga laga doortay, ahna Odayga Xisbigan.Xeerka Madaxweynihi xisbigan Aasaasay halkaas fadhiisiyey ninka ka xoog roonaanayaa isagaa iman doona” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in aanay jirin cid awood u leh inay liiska Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ay wax ka beddeshaa, waxana uu intaas ku daray inuu liiskaasi yaallo Goobo badan oo ay maxkamadda Sare kamid tahay, waxana uu yidhi,“waxan dadka u sheegayaa liiska maanta Golaha dhexe ee Kulmiye shirguddoonkii uu wasiir Cadami Guddoomiyaha ka ahaa baa saxeexay Muuse Biixi iska dhaafe Siilaanyo hal qof kama beddeli karo. Liiskaasina waxa uu yaalla Maxkamadda Sare, Xeer ilaalinta iyo Guddida Diiwaangelinta Ururada,” kaahin
Waxa uu intaas ku daray Inay jirto Kalsooni darro soo wajahday Kooxda ay Musharraxnimada isku Hayaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu tilmaamay in Liiska Golaha dhexe ee ay shakiga ka qabaan yahay mid ay hore u sameeyeen si loogu shirqoolo Guddoomiye Muuse iyo Maxamed Kaahin Laftiisa xilli xisbiga dhexdiisa uu buuq  badani ka taagnaa,“Kalsooni-darrada ka muuqata saaxiibadayo waxa ay u muuqdaan inay raadinayaan meeshii ay Muran ka bilaabi lahaayeen, Liiskani ma aha mid Muuse Biixi ku dad badsanayo oo liiskooda qoranayo iyo mid madaxweyne Siilaanyo qoranayo toonna, waliba saaxiibadayada maanta leh liis baa la samaystay waa kii annaga naloo samaystay ee la doonayey in daaqadaha nalagaga tuuro, markaa kii haddaad cid ka weyday in daaqadda lagaa tuurayo xamil baanu leenahay.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin.  Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu intaas ku daray inaanu buuqa iyo Haddidaada kooxdaasi waxba ka tari doonin, isagoo xusay inuu  u dulqaatay Banjoognimo siyaasadeed xilli uu dalka wax badan usoo qabtay, waxana uu yidhi, “Afartii Nin ee SNM Aasaasay Baan ka noolahay, Haddana xil la’aantan baan ku dhex joogaa oo camayska yare e Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ah baan ahay,”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here