Guddoomiye Cali Guray Oo Xilka Qaadista Gudoomiyaha Maxakamadda Sare La Xidhiidhiyay Arrimo Siyaasadeed Oo U Dhexeeya Xukumadda iyo Beesha Gudoomiyaha
Hargeysa(Hubaal) -Gudoomiyaha Saddexaad, ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa sheegay inaan xilka qaadista Gudoomiyihii Maxakamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, oo xalay Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday jawaab u ahayn dib u haybayn lagu sameeyo hanaanka garsoorka Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyay Bulshadu kalsooni darro ka muujinaysay. Mudane Cali Guray ayaa xilka qaadista Gudoomiyaha ku xidhiidhiyay arrimo Siyaasadeed oo beesha Gudoomiyaha iyo Xukumadda u dhexeeya.
Mudane Cali Guray oo saxaafadda Hargeysa kula hadlay Axadda maanta, ayaa iftiimiyay aragtidiisa isbedelka Madaxweynuhu sheegay in Garsoorka lagu samaynayo “Nidaamka Garsoorka oo dhan in wax laga bedelo ayay ahayd laakiin, ma qabo in sababta ku dhigan Digreetada Madaxweynaha ee ah in la hagaajinayo tabashadii garsoorka aanay ahayn dib u haybayn lagu sameeyo garsoorka balse ay tahay sababo kale tahay ujeedada Gudoomiyaha Maxakamadda Kursiga looga kaxeeyay,” ayuu yidhi Cali Guray.
Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay “Sababta Lagu bedelay Gudoomiyuhu maaha dib u habayn lagu sameeyo Garsoorka ee waa arrimo siyaasadeed. Anigu markii horeba uma arkayn inuu ahaa qofkii ku haboonaa Garsoorka waayo? Ma lahayn aqoonteedii, Kartideedii iyo daacadnimadeedii midna ma lahayn laakiin, waa lagu jeclaa, oo waxaa loogu jeclaa, wixii laga fushanayo ayaa laga fushan karayay. Maanta markii ay timid arrimo dhinaca siyaasadda ah oo waliba reerkiisa ah,ilaa ay gaadhay in Madaxweynaha la is hor fadhiisto, in Reer Xaaji Ayuub Ciqaab looga dhigo in la bedelay Gudoomiyihii may ahayn, In Ciqaab looga dhigo waxaanu idinka Erinay Gudoomiyihii dee taasi waa ceeb..markaas wax alle waxay ka bedelayso nidaamkii garsoorka ee Somaliland ma jirto” ayuu yidhi Cali Guray.
Madaxweynaha Somaliland oo digreeto uu xalay soo saaray xilka kaga qaaday Gudoomiyihii Maxakamadda sare, ayaa ku sababeeyay xilka qaadista in loo baahan yahay isbedel lagu sameeyo garsoorka oo bulshadu ka cabatay iyo in Guddida Caddaaladdu soo jeedisay inaanay gudoomiyaha la shaqayn karayn.