Sababta Rasmiga Ah Ee Dawladda SUDAN Ay Xabsiga U Dhigtay Fanaanka Da’da Yar Ee Nimcan-hillaac Oo Dalkeeda Ku Sugan

0
197

Xadhiga Nimcaan-hilaac Oo Ku Soo Beegmay Xilli Isaga Iyo Laba Fanaan Oo Kale Laga Caydhiyey Kooxdiii Uu Ku Soo Caan-baxay Ee XIDDIGAHA GEESKA

nimcaan_halaac

Khartuum (Hubaal) Maxakamadda ku taalla xaafada Deeym ee magaalada Khartuum ayaa sii daysay fanaanka dhallinyarada ah ee Nimcaan Hillaac ka dib markii uu bixiyey lacag ilaa 1100 dollar ah oo lagu ganaaxay. Nimcaan Hilaac oo lagu eedeeyey inuu baal maray cashuur bixinta dowladdu xaq ugu leedahay dadka munaasabadaha ku qabsada Sudan ayey ciidamo Boolis ahi habeen hore ka soo qabteen hoolka Jafaani oo ka ag dhaw jaamacadda Mustaqbal halkaasi oo uu ka dhigaayey Bandhig faneed. Xafladda ayaa dowladda markii hore loogu sheegay inay tahay aroos Soomaali balse waxay soo ogaadeen inuu yahay fanaan. Nimcaan qorshihiisa Suudaan waxa u hadhsanaa laba bandhig oo mid uu kala qaybgalaayey telefishanka fanka ururiya ee Blue Nile. Xidhiga Fanaan Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan ayaa ku soo beegmay 24 saacadood kadib markii ay kooxda uu ka tirsanaa ee Xiddigaha Geesku ka saareen magaciisa kooxdooda kadib shir ay dhawaan ku yeesheen magaallada Hargeysa, kaasi oo hoggaan cusub lagu doortay isla markaana isaga iyo laba fanaan oo kale ay sheegeen in ay ka caydhiyeen kooxdooda, halka ay xubno cusubna ku soo dareen liiska, hase yeeshee Nimcaan wali arrintasi kama uu hadal sida uu arko.  Suudaan ayaa Soomaalida iyo fankoodaba aad u tixgeliya waxayna sidoo kale ilaaliyaan shuruucda in lagu dhawro siday ku soo baxaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here