Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Ku Doodday In Ku-simaha Madaxweynuhu Uu Meel Kaga Dhacay Xasaannadiisii Iyo Ash-kato Uu Sheegay In Uu Madaxweynaha La Sugayo
“Markuu ila soo hadlay wuxuu yidhi; ‘Jooji Xafladdaas’, markaan ku idhi Madaxweyne Ku-xigeen maxaa dhacay? Wuxuu igu yidhi; ‘Waa Amar’e Joojiya Dalku Xaallad Adag Buu Ku Jiraaye’ Taleefankana wuu igu dhigay”
++++++++++++++
“Waxaan u arkayaa inuu (Madaxweyne Ku-xigeenku) Aniga si Shaqsiyan ah iigu soo xad-gudbay laba Jeer, Wixii uu igu sameeyeyna Madaxweynaha Ayaan la sugayaa, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu Madaxweynaha nabad-keeno”
Hargeysa(Hubaal):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse Guray), ayaa sheegay in dhibaato Shaqsiyan ah uu ka tirsanayo Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan-Saylici, isla markaana uu ka ashkatayn doono Madaxweyne Siilaanyo marka uu dalka ku soo laabto. Arrintan ayaa timi ka dib markii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) amar ku joojiyey Xaflad ay xilka kula kala wareegi lahaayeen Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Kayse Guray, sidoo kalena xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda ee uu hayey ku wareejin lahaa dhiggiisa loo soo magacaabay Ku-xigeenka arrimaha dibedda Kaysar Cabdillaahi, Xafladdaas oo Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ka qabsoomi lahayd Isniintii toddobaadkan, sida uu sheegay Wasiir Ku-xigeen Kayse. “Shantii June 2017 markii magacaabistan dambe (isku-shaandhaynta laygu beddelay) dhacday Fasax ayaan ku maqnaa oo Ingiriiska ayaan joogay, markii dambana Aniga iyo Reerkayga (Qoyska), ayaa Cimrada tagnay. Markaa, Anoon weli soo noqon oo Cimrada aannu joogno oo la iiday, ayaa warar iiga yimaaddeen xaggan la I leeyahay Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa culays saaray in xil-wareejintii la dedejiyo, markaa cadaadiskaa ka dib Tigidhkaygii ku noqoshada London iyo kii Dubai aan ku iman lahaaba waan ka kacnay, Tigdh tegis ah baan soo goostay oo aan Hargeysa ku imi Sabtidii, Qoyskaygii aan Murximka u ahaana aan kaga imi Jidda, waxaan u dedaalay markaa go’aanka Madaxweyne Ku-xigeenka.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Kayse oo shalay Waraysi Hargeysa ku siiyey Star TV. Wasiir Ku-xigeenka Qorshayntu waxa uu sheegay in Wasaaradaha uu mid xilkeeda la wareegayey midna xilkeeda wareejinayey Guddiyo ay sameeyeen diyaariyeen Munaasibadda xil-wareejinta, balse uu Madaxweyne Kux-igeenku amray in la joojiyo Xafladdaas Maansoor ka qabsoomi lahayd, laguna beddelo inay Xarunta Wasaaradda ku qabsadaan, amarkaas oo uu sheegay inay fuliyeen oo Xaruntii Wasaaradda ee Madaxweyne Ku-xigeenku amray kula kala wareegeen Xilka. “Annagu Cabashadayada iyo waxa uu noo geystay (Madaxweyne Ku-xigeenku) ee Qoyskaygii aan Muxrimka u ahaa Jidda kaga imi ee uu isoo dedejiyey, ee uu Xafladdii Guddigayaga qaban-qaabadu noo samaysay ee fursaddaa aannu uga faa’iidaysan lahayn inaannu wax-qabadkayaga ku soo bandhigno oo Boqol Qof oo Sharaab cabbi lahaa oo Shan Boqol oo Doollar ahi bixi lahayd, wuxuu nooga joojiyey Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la weydiin wuxuu u soo faro-gashaday, isaga oo dalka xil badani ka saaran yahay. Waxa nalagu yidhi, ‘Wuxuu idiinka joojiyey Madaxweyne Ku-xigeenku Xafladda umaydaan sheegin’, waxaan idhi maxaa looga sheegi laba Wasiir ku-xigeen oo xilka la kala wareegaya?” “Anigu ma Ribaynayo ee markuu ila soo hadlay Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu yidhi; ‘Jooji Xafladdaas’, markaan ku idhi Madaxweyne Ku-xigeen maxaa dhacay? Wuxuu igu yidhi; ‘Dalka xaalad adag baa ka taagan, markaa Kharashka ayeynu yaraynaynaa ee joojiya iyadoo xaaladdan lagu jiro la odhan maayo Nimanki Xaflado ayey samaysanayaane,’ markaan ku idhi Madaxweyne Ku-xigeen Xafladda wax-qabadkayagii inaannu ku soo bandhigno ayaannu uga faa’iidaysanaynaa, kharashkuna waa wax kooban, igamuu dhegaysan ee wuxuu igu yidhi; ‘Waa Amar’ Taleefankana wuu igu dhigay.” “Anigu wixii cabasho ah iyo wixii dhibaato ah ee uu igu sameeyey Shaqsi ahaan iyo Wasaarad ahaanba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaan la sugayaa, Cabashadana halkan (Warbaahinta) u marin maayo ee Madaxweynaha ayaan ka hor-cabanaynaa oo la sugayaa, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu Madaxweynaha nabad-keeno. Waxaan u arkayaa inuu (Madaxweyne Ku-xigeenku) nagu soo xad-gudbay oo Aniga igu soo xad-gudbay laba Jeer si Shaqsiyan ah.”