W/Q: Cali Cabdi Coomay
Abwaan Hadraawi iyo koox fanaaniin ah oo jooga guriga Xaliimo Khaliif Magool AUN ayaa waraaq loo keenay Xaliimo, ka dib way la kacday, waxa ay la gashay qolkeedii Hurdada, ka dibna waxa ay u yeedhay Abwaan Hadraawi. Waraaqan loo soo diray Magool waxa ay ku qoran tahay Af-carabi, Xaliimana waxa ay ogayd inuu Hadraawi reer Cadmeed ahaa oo uu Af-carabiga si fiican u akhriyi karo. Magool waxa ay Hadraawi ka codsatay inuu waraaqda u micneeyo.
Waraaqaddu waxa ay ku qoran tahay Khad cas oo aad moodo midabka dhiiga. Abwaan Hadraawi oo ka hadlaya arrintaasi ayaa yidhi” Xaliimo waxa ay ii dhiibtay waraaqadaasi oo furan iyada (Magool) lama hadlin, waxna umaan sheegin, waxaanan ku keliyeystay akhriskii waraaddam aniga oo doonaya in aan ka bogto ilaa dhammaadkeeda. Magool way I dul taagan tahay, I eegaysaa, waanay I sugaysaa” Abwaan Hadraawi wuxuu waraaqdii kala kulmay arrin aanu filanayn. Waxa ka soo baxay erayo xambaarsan halis jacayl oo xeel-dheer.
Abwaan Hadraawi oo sii wada sharaxaada waraaqdda ayaa yidhi” markii aan ka gudbay sharraxaadddii uu iska bixinaayey ninka waraaqdda soo diray, ujeedadii iyo halka uu ka soo diray, ayaan gaadhay saddarro uu kaga warramayo waraaqddiisa, kuna leeyahay’Khadka cas ee waraaqdda ku qorani maaha qalin cas’, waxaan soo qaaday qalabka seriijka loo yaqaan ee dadka dhiigga lagaga soo qaado. Xididdadayda ayaan mid dalooliyey, dhiiga ayaan ka soo qaaday. Qalinka lagu magacaabo ABU SAKAABA, ayaan ku shubay.
Waan xidhay, waxaanan kuugu soo qoray waraaqadan”. Abwaan Hadraawi waxa ku cuslaatay arrintaasi, waxaana ku adkaatay wixii uu Magool u sheegi lahaa. Aakhirkii Abwaan Hadraawi wuu u sheegay Xaliimo wixii uu kala kulmay waraaqdda, waraaqdiina wuu u dhiibay, waanay qaadatay”. Abwaan Hadraawi wuxuu ugu dambayntii sheegay oo yidhi “ Ma garanayo sidii ay ka yeeshay Xaliimo waraaqdaasi iyo in ay rumaysatay wixii ku qornaa”. Waraaqdaasi waxay ay abwaan Hadraawi ku reebtay saamayn balaadhan. Isagoo ka hadlaya raadka weyn ee ay maskaxdiisa ku reebtay wuxuu yidhi” waxa aan dareemay in jacaylka oo aniga dheel dheel iigu muuqan jiray, uu yeelan karo helista intaasi leeg, gaadhina karo heerkan sidaasi u sii sarreeya.
Waxaan sii dhadhansaday in jacaylku wax dulleyn karo, looguna badheedhi karo in nafta loo huro amma uu keeni karo wareer, walbahaar iyo waalasho.” Abwaan Hadraawi muddo dheer ayey hor taallay sidii uu ka yeeli lahaa qisadaasi, aakhirkiina waxa ay talo kaga soo ururtay inuu ka yaabiyo, ninkaasi isaga ka yaabiyey. Ka dib Abwaan Hadraawi wuxuu curiyey heesta caanka ah ee la yidhaa” JACAYL DHIIG MA LAGU QORAY”, oo ka hadlaysa in jacaylka dartii lafta loo jebinayo oo dhuuxa laga soo saarayo.
Heestu waxa ay tusaale cad ka bixinaysaa laba qof oo is-jecel oo muddo dheer kala maqnaa, oo si kedis ah isaga soo horbaxay meel cidlo ah. Ka dibna isku naxa, iskuna farxa oo is-hortaagnaada ilaa uu aboor ka baxo jidhkooda, kana dhameeyo dhiigii iyo dheecaankii ku jiray jidhkooda. Aakhirkana uu aboorku ka dhiayo dundumo weyn, oo dadku ka dhadhsadaan cadeeda, iyagoo dadkuna aanay ogayn in halkani ay tahay goob laba qof isku sugayaan. Heestan waxa codkeeda ku qaaday Xaliimo Khaliif Magool lafteeda. Beyd ka mid ah heesu waa: jacayl dhiig ma lagu qoray, weli dhuux ma loo shubay, qofna saanta dhabarkiyo, ma u dheegay feedhaha, dhabannada cad ma laga jray, hadalkii ma lagu dhigay…………………..
Cali Cabdi Coomay
Tix-Raac: Hal-Ka-Haleel