“Maxamed Biixi & Samaale Waxaan Leeyahay Colaada Sokeeyaha Laguma Dheeraado’e Tii Saleebaan Oo Kale Yaanay Idinku Noqon Oo Taas Maanta Siilaanyo Haysata Yaanay Idink Dhicin”
“Annagu GAR ADAG Waanu Kusoo Kala Reebnay, Waxaanse Qabaa In Qoladan Xil Laga Furtay, Haddiise Uu Sacad Muuse Maanta Bilaabo Dagaal Dhexdiisa ah…..”
Cismaan Buurmadow Oo Xalay Ka Hadlay Doorashadii Xisbiga KULMIYE Ku Caleemo-saaray Musharraxiintiisa
Dubai (Hubaal)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo kamid ah madax dhaqameedka reer Somaliland ee kasoo jeeda Bariga Burco ayaa isaga oo ku sugan wadanka isku tagga imaaraadka carabta waxaa uu xalay ka hadlay sida uu u arko doorashadii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE toddobaadkii ina dhaafay uu musharraxa madaxweynaha ugu doortay guddoomiyaha xisbiga KULMIYe halka uu ku xigeenna ka dhigtay Madaxweyne ku xigeenka hadda ee Cabdiraxmaan Saylici. Sida xalay lagu baahiyey barta internetka ee Caynaba News oo waraysi cod ah khadka telefoonka ee UAE kula yeelatay Boqor Buur Madaw ayaa waxyaabihii uu ka hadlay waxaa kamid ahaa xiisadda ka oogan ceerigaabo iyo shaqaaqada ka soo cusboonaatay, taas oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado, isaga oo ku baaqay in madax iyo minjoba loo wada guntado deminteed. Sidoo kale Boqor Buur madow waxaa uu ka hadlay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE oo uu tilmaamay in wax lagu faano ay tahay in madaxweynuhu go’aan uu shakhsi ahaan ku diirsaday qaatay, kaasi oo uu sheegay in uu marka hore wadnaha farta ku hayay go’aanka madaxweynaha hase yeeshee uu dariiq sax ah ku bedbaaday jiritaankiix isbiga. Haddaba waraysiga Buurmadaw oo waslado [clips] kamid ah uu Wargeyska HUBAAL halkan idiinku soo bandhigayo ayaa waxaa uu ku bilaabay sidan: “Anigu waxaan qabaa in wadadii aanu ku burbureen xisbigiisu dimuqraadiyaduna ay jidaynaysay in uu qaaday, Waxaan Ka Baqayay In [Madaxweynuhu] go’aan yeelan waayo oo xisbiga uu bedbaadin waayo, laakiin waan ugu hambalyaynayaa in uu go’aan adag. Anigu xaglo toosiye oo kale waan taageerayey in kastoo aan madasha ka maqnaa, laakiin wadadii uu maray ma saxbaa ma khalad baa?, in uu codkiisa meel mariyo wuu ku hagaagsanaa waanan ugu hambalyeynayaa” sidaa ayuu yidhi cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo khadka telefoonka xalay ugu warramay degelka wararka ee Caynabanews.com, waxaanu intaa ku daray “maanta anigu waxaan qabaa in [aayaha] xisbigii KULMIYE uu Siilaanyo iyo saaxiibbadii u yaallo, haddii siyaasaddii la isku muquuniyey iyaga ayay u taallaa in ay [hoggaanku] raggii soo ceshadaan. Talo ahaanna waxaan odhan lahaa, annagu gar adag ragga waanu kusoo kala reebnay, qoladanse [Sacad Muuse] waxaan qabaa in xil maanta laga furtay oo raga soo kala reeba in aan maanta la lahayn, haddii maanta uu Sacad Muuse bilaabo dagaal dhexdiisa ah oo uu ku joogi waayo dadkaa loo doortay in aanay cidina u rahmanaan doonine waxaan leeyahay iyagu waa in ay dib isugu noqdaan. Waxaanan odhan lahaa Maxamed Biixi Yoonis iyo Samaale, waar ciyaarta dagaalka sokeeyaha laguma dheeraado’e tii Saleebaan oo kale yaanay idinku noqonin oo mar aad tolkii kala dhimateen in [riiqdeedu] ay sidaa ku hadhi kari waydo oo taas Siilaanyo haysta maanta oo kalena yaanay idinku dhicin….waar anigu waan idinla talinayaa ee annagaa taasna maalintaa iyo rag kala cadhooda oo tol ah u soo taagnayn, ee waxaan idin odhan lahaa maanta u tanaasula [Muuse Biixi] idinkoo sidaas ah. Mida kale shalay haddaan maqlayay oo lagu hadlayay [magaca] Habar Magaado, waxaan idin leeyahay Waar Saddex Habar Magaado ah baa sharraxane bal hadaba maanta raggiinii is urursanayoow saddexdiina xisbiba tonimadu ha idinka muuqato oo habar magaadadii aad isu sheeganayseen ha idinka muuqato