Saddex Meeloodow Meel, Dadka Afrika Waxay Ka Baaraan Dagayaan In Ay Haajiraan

0
12

Cilmibaadhis cusub oo laga sameeyay 34 dal oo Afrikaa ah ayaa tilmaamaysa in in kabadan saddex meeloodow meel dadka Afrika ku nool ay ka baaraan dagayaan in ay isaga tagaan dalkooda, dadkaas intooda badan waxaa fikirkaas ku dhalinaya gaajada, in ay shaqo heleen iyo in ay ka firxadaan saboolnimada. Cilmibaadhistan uu sameeyay ururka Afrobarometer ayaa lagu ogaaday in da’yarta iyo dadka si fiican wax u bartay ay yihiin kuwa u badan ee laga yaabo in ay isaga tagaan dalkooda. Balse meelaha ugu badan ee ay ku hamiyayaan in ay aadan ma aha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ee waa dal kale oo Afrikaan ah. Dadka cilmi baadhistan soo saaray ayaa sheegay in haddii dalalka Afrikaanka ah aysan sare u qaadin shaqo abuurka ay waayi doonaan dadkooda sida fiican wax u bartay, kuwooda niyadda haya iyo dhallinyaradooda hal abuurka leh.

Xigasho: BBC

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here