“Saddexda Murrashax Waxa Ka Weyn Qaranka Somaliland” Madasha Wada-Tashiga Iyo Toosinta Oo Baaq Culus U Diray

0
270

Hargeysa(Hubaal)-Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo ay ku bahoobeen Odayaal Siyaasaddeed iyo Aqoonyahano u dhashay Somaliland, fadhigooduna uu yahay Magaalada Hargeysa oo goor-dhaweyd Warbaahinta la hadlay, ayaa ugu baaqay Murrashaxiinta Madaxweyne iyo Taageerayaashooda inay ixtiraamaan midnimada iyo Qarannimada Somaliland, kana waantoobaan wax kasta oo tashuush ku ah nabad-gelyada iyo natiijada Doorashada.

Cabdisalaan Yaasiin Gaba-xadi oo kamid ah Odayaasha ku bahoobay Madashan, ayaa sheegay in mustaqbalka iyo mustawaha Somaliland ku jiro  saddexda Murrashax iyo Guddida Doorashada maamulayaa gacantooda, sidaas darteed loo baahan yahay in dhinac waliba ka taxadiro wax dhibaato u geysanaya Qaranka.

Xasan Guure Jaamac oo ah guddoomiyaha Madasha wada-tashiga iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo xubin ka ah, ayaa iyaguna sheegay in Somaliland ku caano maashay nabad-gelyada iyo sida dimuquraadiyada ah ee Doorashooyinku uga dhacaan.

Natiijada Doorashadii dhacday Isniintii ayaan wali soo bixin, iyadoo mid kamida Xisbiyada Mucaaridku uu cabasho ka muujiyey qaar kamida Sanaaduuqda codbixinta oo ay sheegeen in khaladaad uga muuqday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here