Qoddob Ka Mid Ah Go’aammada Oo Lagu Madax Buuxiyey Golaha Guurtida
Hargeysa (Hubaal) – Saddexda Xisbi Qaran iyo xukuumadda Somaliland ayaa xalay cawayskii si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis afar qoddob ka kooban oo ay sheegeen in lagu soo af jaray khilaafkii siyaasiga ahaa ee ka curtay muddo kordhintii Guurtidu samaysay.
Saddexda Xisbi oo xalay Hotelka Maansoor isugu yimi oo ku saxeexay heshiiskan ayaa markii ay qalinka ku duugeen ka dib waxa ay u kaceen dhinaca madaxtooyada oo ay ku sugnaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha guurtida kuwaas oo ka war sugayay waxa lagu heshiiyo. Markii Madaxtooyada laysugu yimi oo saxaafadduna heegan ku ahayd afaafka hore ee Madaxtooyada ayaa intii aan saxaafadda lala hadlin waxa shirka dibada uga soo baxay shirgudoonka guurtida iyo xubno ka mid ah golahaas, kuwaas oo si toos ah afaafka uga baxay iyaga oo aan wax faahfaahin ah siinin warbaahinta. Cabbaar dabadeed guddoomiyeyaasha saddexda xisbi iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa dibeda uga soo baxay aqalka madaxtooyada iyaga oo daarada hore kula hadlay warbaahinta, halkaas oo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE u akhriyey weriyeyaasha, waxaanay u dhignayd sidan;
“Sidaad la socotaan gogoshii wada tashiga asxaabta qaranka ee uu madaxweynuhu fidiyay isla markaana uu madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayay ee bilaabmay 20/05/2015, waxaanu yeelanay saddex kulan oo aanu ku gorfaynaynay kuna falanqaynaynay sidii mawqif midaysan looga yeelan lahaa aragtiyihii kala duwanaa ee ka dhashay go’aankii muddo kordhinta doorashooyinka ee golaha guurtida, dood dheer iyo falanqayn kadib, waxa ay asxaabta qaranku ku heshiiyeen oo ay isla waafaqeen in doorashooyinku ay qabsoomaan dabayaaqada sanadka 2016 haddii Alle yodhaahdo, intaas kadib waxa la soo jeediyay go’aankaas la isla qaatay inay fuliyeen hay’addaha dastuuriga ah ee ay khusayso arrintu si ay u noqoto go’aan qaran ahaan loo wada dhan yahay, sidaas daraadeed waxay saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMKIYE ay wada qaateen go’aamadan:
- Waxaanu ixtiraamaynaa go’aankii golaha guurtida ee kordhinta muddo xileedka Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wakiillada, maadaama oo goluhu yahay gole dastuuriya.
- In doorashooyinka Madaxtooyada iyo golaha wakiilladuba ay qabsoomaan bisha December 2016-ka
- Waxa ay saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANNI iyo KULMIYE ku talinayaan in doorashooyinku ku qabsoomaan badhtamaha bisha 12aad ee 2016-ka, iyada oo komishanka doorashooyinku ay soo jeedin doonaan maalinta ay qabsoomayso doorashooyinku.
- Maadaama saddexda xisbi qaran ka heshiiyeen waqtiga doorashooyinka waa in komishanka doorashooyinka qaranku soo jeediyaan maalinta qabsoomida doorashada isla markaana waxaanu u soo jeedinaynaa in madaxweynuhu digreeto ku ansaxiyo maalinta doorashada.
Dhinaca kale golaha guurtida Somaliland oo iyagu hore muddada ugu kordhiyey xukuumadda isla markaana heshiiskani buriyey go’aankoodii hore ayaa la filayaa inay dhinacooda ka hadlaan sida ay u arkaan go;aankoodii laga soo guuray, iyada oo hore uu shalay guddoomiye saleebaan ku adkaystay in go’aankoodu sharci yahay.