Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirro Ka Socda Dawladda Jarmalka

0
33

Hargeysa (Hubaal)- Madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa shalay kulan la qaatay safiirro iyo dublamaasiyiin ka socda dalwadda Jarmalka.

Kulanka oo ahaa mid casho ah ka dhacday huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, waxa guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran ee Kulmiye, Ucid, Waddani, Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay kala wehelinayeen xubno ka mid ah saraakiisha axsaabtu ay la kulmeen wefti ay hoggaaminayso Safiirka cusub ee Jarmalku u soo magacaabay Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Jutta Frasch, oo fadhigeedu yahay Nairobi.13521922_259205551109838_4923546519991605726_n

Madaxda axsaabta Somaliland iyo safiirka oo dhankeeda ay la socdeen dublamaasiyiin kale waxay ka wadahadleen arrimo badan oo la xidhiidha iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, mucaawada iyo taageerada dawladda Jarmalku siiso Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland.  Waxaannu kulankaasi ku dhammaaday isafgarad iyo dardaaranno labada dhinac ku kala tageen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here