Saddexda Xisbi Qaran Oo Sheegay In Ay Ku Niyad San Yihiin In Doorashadu Ku Dhacdo Wakhtigeeda

0
28

“Komishanka Doorashooyinka oo Xisbiyada u soo bandhigay jawdalka Doorashada iyo Diwaangalinta ugu tallo galeen”

Hargeysa(Hubaal) Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa Maanta Wadda Yeeshay kulan ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Somaliland, isla Markaana Komishanku Xisbiyad augu soo bandhigeen Jadwalka Shaqadood,  Kulankan oo aha Mid Albaabadu u xidhnaayen ayaa markii uu dhammaaday Wax warbaahinta la Hadlay Masuuliyiintii Saddexda Xisbi uga qaybgashay Shirkaasi.

Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in komishanku u soo bandhigeen halka ay Hawluhu u maryaan waxanu tilmaamay in ay u sheegen in ay Dhisayaan Komishanki Gobolada dalka, isla markaan ay Qaadanyaan Shaqaalihii hawlgali lahaa, waxa kale oo uu tilmaamay in ay Shaacinayn Shirkaadi la siiyey Qandaraaska Diwaangalinta.

 asxaabta

Musharax kuxigeenka  jagada Madaxtinimada ee Xisbiga UCID cabdirashiid Xassan Mataan oo isaguna ka hadlay Kulankaasi ayaa Tilmaamay in ay ku rajo weyn yihiin Doorashadu wakhtigeeda ay dhacdo isaga oo hoost aka xariiqay in wixii farsamo ah ee yimaada laga tashandoono, basle waxa uu cadeyey in markii ay eegen waxyaabihii ay u soo bandhigeen Komishanku ay ku niyad san yihiin in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

Cabdirashiid Riyoraac oo isaguna ku hadlayey Afka Xisbiga Waddani ayaa waxa uu tilmaamay in Komsihanku u soo bandhigeen Jadwalka ay ugu tallo galeen Diwaangalinta iyo hawlaha kale ee Doorashooyinka isla markaana ay ku qanceen, filayaan in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here