sedexbaa codkooda laga naxaa sadexbaase ka naxa Waxa layidhi sadexbaa codkooda laganaxaa oo guumays codkeeda waa laga naxaa Waxa ay soomaaliddu leedahay luuqad u gaara oo hodan ka ah sarbeebta iyo Hadalka asturani hadab waxan maanta doonayaa inaan qiso kooban halkan kaga Hadlo Waxan la wadda socotaan beryahan dambe in uu dalku galay marxaladdo siyaasad beelaysan
Oo ay hormuud ka tahay xukumada qabaliga ah ee hada dalka ka talisaa
Hadaba waxan jeclahay inaan soo koobo maqaalkan Oo aan weliba qeexo macnaha iyo ujeeddada ciwaanka oo runtii uu ku koobanyahay macnaha maqaalkani
Somalidu waxay ku maahmaahdaa sedexbaa codkooda laga naxaa sadexbaase ka naxa Waxa layidhi sadexbaa codkooda laganaxaa oo guumays codkeeda waa laga naxaa waxaana ka naxda Islaan wiil maddi ah dhashay
Ciyaw ayaa codkiisa laga naxaayoo waxa ka naxa nin aan awr uu ku guuro lahayn ayaa ka naxa
Doqon ayaa codkeedda laga naxaaba layidho oo waxa ka naxa ninka cid ugu xugabaa layidhi
Hadaba waxaan uga socdaa maahmaahdaas iyo sarbeebtaaba waxaa arkayseen
Rag madax dhaqameed sheeganaya weliba gaar ahaan beesha subeer awal iyo qaar kasii horeeyay oo Iyaguna sheeganaayay siyaasiyiin mucaarada hadaba qolyaha xukumadu maansoor gaysay Waxaan Leeyahay codkiina waan ka naxay kuwaa idinkasii horeeyayna hadalkoodaba daa
Waxan kaloo halkan ka taageerayaa ninka qoray maqaalkii shalay ee ciwaankiisu ahaa MAAN FILAYN
Waxaan leeyahay Aqoonyahan saleebaan waa runta se aniguba maan filayn siilaanyo oo shalay Beesha Sacad Muuse 110000kun oo cod ka helay inuu maanta odhanaayo RRU iigu codeeya dee amba taas maan Filayn
by Sacad Cali Kaahin [Sacad plucky]
Qalin Ku Difaac Group