Nairobi: (Hubaal):Safaaradda Mareykanka ee magaalada Naiorbi ayaa maanta uu jimco ah la xidhay, maalin kaddib markii banaanka Safaaradda lagu toogtay nin middi ku dhaawacay askari boolis ah.
War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in maalintii shalay oo bisha October ahayd 28, Safaaradda la xidhay, iyadoo la joojiyay adeegyadii Qunsuliyada, balse adeegyada deg deg ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta Mareykanka in la heli karo.
Safaaradda ayaa sheegtay in Safaaradda xidhnaan doonto ilaa 31 bishan, waxaana tilmaamtay in aanay jirin waxyeelo shaqaalaheeda iyo muwaadiniin Mareykan ka soo gaadhay dhacdadii dorraad.
Ninka midida ku hubeysnaa ayaa isku dayay inuu xoog ku galo safaaradda, sida ay sheegayaan warbaahinta Kenya, balse waxaa toogtay mid ka mid ah ilaalada Safaaradda.
Booliska Kenya ayaa wali wax faah faahin rasmi ah ka bixin dhacdadii dorraad, inkastoo ninka la sheegay inuu midida ku hubeysnaa uu ahaa Soomaali ka soo jeeda magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi bari Kenya.
Ninka ay toogteen Ilaalada Safaaradda ayaa da’diisa lagu qiyaasay 20-jir, waxaana socda baadhitaano dhacdadii ka dhacday banaanka Safaaradda.