Addis Ababa (Hubaal)-Xaflad balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimey ayaa kaqabsoontey xaruntaSafaaradda Somaliland ee Addis Ababa.Xafladda oo lagu unkayeyUrurmideeya Ardeyda reer Somaliland ee waxbarashada sare kubarata magaaladda Addis Ababa, ayaa waxa kazoo qayb-galayardeyda reer Somaliland ee wax kubarata magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Safiir-ku xigeenka Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, MudaneAyaanleSalaadDiiriye, Xooghayaha Madaxweynaha iyo maamule kuxigeenka Madaarka Hargeysa iyo dadweyne kale oo katirsan jaaliyadda Somaliland ee dagan magaaladda Addis Ababa.
Ugu horeyn waxa halkaas kahadlay Ardey ku hadlayey Afka Gudidii Aas-aaska ururka ardeyda Somaliland MudaneXamseAadanHaybe, isagoo kasheekeyey duruufaha ardeyda haysata, dhibaatooyinkii urur ardey eed u samaysmiwaayey muddo badan iyo waliba sidii hawshani uguhirgashay iyocaqabadihii ay kala kulmeenguddiahaan. wuxuu u mahadnaqey ardeyda oo isku duubni muujisay.Ardeyda reer ee sida kalsoonidu kujirto ulashaqeeyey iyowaliba cidkasta oo gacankageysatey hawshan. Sigaara wuxuu u xusey doorka firfircoon ee Safaaradda Somaliland arrintan kulahayd isagoo u mahadnaqey dhamaan shaqaalaha iyo madaxda safaaradda.
Mudane AyaanleSalaadDiiriye oo ah safiir-ku-xigeenkasafaaradda Somaliland ee Addis Ababa, isla markaana haatan ah kusimaha Safiirka ayaa isnahalkaa kahadlay isagoo ardeyda soodhaweeyey, waxaana uu kadhawaajiyey doorkasafaaraddu kulahayd qabsoomida hawshan iyowaliba sida ay u garabtaagantahay, isagoo ardeyda kula dardaarmay inay kudedaalaan waxbarashadooda, dhawraana sharciga dalkan ay kusuganyihiin.
Madax iyo martisharaf kale oo iyaguna kahadlay madasha ayaa kudheeraaday qiimaha midowgu leeyahay, iyadoo si weyn loogumahad naqay madaxda saafaradda ooSafiir-ku-xigeenkaMudaneAyaanle uguhoreeyo iyo Gudidii hawshan sooabaabushay.
Ugu dambayntii waxa la gudogalay doorashada hogaanka ururkakaas oo gudoomiyaha isku soo sharaxeen labaqof, waxaana tanaasulay Cabdiraxmaan Mohamed Cismaan oo sheegay in midnimada iyo wadajirka ardeyda uu u tanaasulayo, iyadoo halkaa lagudoortey in KhaalidMaxamed Ibrahim uu noqdo gudoomiyihii ugu horeeyey ee ururka ardeyda reer Somaliland ee Addis Ababa wax kubarta yeeshaan.