Addis ababa (Hubaal) Dawladda Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddii ay ku lahayd caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waana markii koobaaad ee la hawlgaliyo tan iyo sannadkii 1998. Arrintan ayaa qayb ka ah calaaqaadka ay dib u hagaajinayaan ee labada dal. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo dalka ay dariska yihiin booqasho saddex maalmood ah ku tagay Sabtidii ayaa safaaradda ka taagay calanka Eritrea isaga oo uu xalfadda furitaanka ku weheliyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Labada Masuul waxay ku heshiiyeen in ay soo celiyaan calaaqaadkii labada dal, ka dib markii Abiy uu soo celiyay xidhiidhkii labada dal ee meesha ka maqnaa labaatankii sano ee la soo dhaafay, ka dib markii labada dal ay xadka isku maandhaafeen.
Labada masuul ayaa soo dhex maray dhismaha safaaradda iyaga oo indhahooda ku soo arkay alaabadii safaaradda dhex taalay iyo gawaaridii uu isticmaali jiray safiirkii u dambeeyay oo boor qariyay.