Safaaraddii Somaliland Ee Itoobiya Waxay U Baahan Tahay Gurmad Deg Deg Ah Mudane Madaxweyne

0
26

Tan iyo markii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo la wareegtay talada dalka,waxay dan-jiraha saxaafadda caasimadda itoobiya ee Addis ababa ugu soo magacawday Wariyihii Hore ee Idaacaadda BBC-da Adan Nuux Dhuule ,kaasi oo dawladda itoobiya ay soo dhaweysay xilka masuulkaasi loo soo magacaabay,nasiib daro mudo dhan 3 sanno ah, oo uu ahaa safiirka safaaradda Somaliland ay ku leedahay caasimadda itoobiya ee Addis ababa ,waxa uu Mr Adan Nuux Dhuule oo ahaa nin waayo-aragnimo badan,isla markaana garanayey sida diblomaasiyadda aduunku u shaqeyso,waxa uu ka shaqeyn kari waayey wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo Adeerka u yahay ee lagu magacaabo Ayaanle Salaad Diiriye ,kaasi oo ka maroorsaday shaqadii uu Adan Nuux Dhuule hayey,isagoo garab ka helaya Wasiirka Awooda badan ee Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi,iyadoo ay xusid mudan tahay markii uu Adan Nuux Dhuule ka shaqeyn kari waayey wiilkan yar ayey safaaradii shaqadeedii cakirantay,isla markaana wuxuu Mr Ayaanle habeen iyo maalinba dacwad dhinaca madaxtooyadda Somaliland kaga waday Adan Nuux Dhuule,iyadoo uu Mr Adan Nuux Dhuule uu isku dayey in uu madaxtooyada sharaxaad ka siiyo waxa keenay fadhiidhnimada safaaradda ayaa nasiib daro madaxtooyadii waxba ka dhageysan weyday oo hadalka Ayaanle ayuunbaa la dhageysanayey,taasina waxay sababtay in Mr Adan Nuux Dhuule uu iskaga tago shaqadii uu ka hayey safaaradda Somaliland ee Itoobiya,kula laabtay dalkii uu hore u deganaa ee ingiriiska horaantii 2014-kii.

Hadaba nasiib daro madaxweyne Siilaanyo umuu soo magacaabin safaaradda Somaliland ku leedahay caasimadda dawladda itoobiya ee Addis ababa safiir buuxin kara xilka weyn ee ay qaranka u hayso safaaradda Somaliland ee Addis ababa ,iyadoo ay xusid mudan tahay in caasimadda itoobiya ee Addis ababa ay tahay xarunta midowga ,Urur gobaleedka IGAD iyo xarumaha safaaradaha reer galbeedka,waana meel ay iskugu yimaadaan diblomaasiyiinta aduunku,waxay tahay xarun muhiim ah,oo hawlaha iyo xidhiidhka beesha caalamka ee ay Somaliland la leedahay isla markana ka doonayso inay ka hesho aqoonsi caalami ah,waa meel sahli karta in hadafka Somaliland ee ah in la leho aqoonsi caalami ah, iyadoo laga soo dhiraadhirin karo,madaxda afrika ee had iyo goor shirarka iyo kulamada caalamiga ah iyo kuwa qarsoonba ku leh,safaaradda Somaliland ee Addis ababa waa tan ugu muhiimsan safaaradaha kala duwan ee ay Somaliland aduunka ku leedahay,dawladda Somaliland may siin ahmiyadii safaaradda itoobiya ,waayo hadii la doonayo in ay sidii loogu talo galay u shaqeyso waxa kow ka ah,in loo soo magacaabo nin siyaasi ah,oo khabiir ku ah,la xidhiidhka caalamka,waayo shaqada safaaraddku kama soo hadhayso hadba sida uu u shaqeeyo safiirka loo soo magacaabaa.

Iyadoo ay mudan tahay in la sheego in intii ka horeysay xukuumadda hada talada dalka haysa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ay safaaradda Somaliland ee itoobiya ay dawladihii hore ay ahmiyad weyn siin jireen,sababta oo ah,halka ay ku taalo iyo ahmiyadda weyn ee ay qaranka ugu fadhido,hadaba safaaradda Somaliland ee caasimadda itoobiya hada waxay noqotay mid magac u yaal ah,oo aan u shaqeyn sidii loogu talo galay,sababo badan awgood:

1: weli loo ma soo magacaabin safiir buuxa oo ka hawl gala safaaradda.

2: wiilka yar ee hada ka ah safiir ku xigeenka oo rasmi ahaan itoobiya ugu diwaan gashay in uu yahay madaxa protocolka safaaradda oo aan lahayn khibrad siyaasadeed oo uu kula dhaqmo ama kula xidhiidho diblopmaasiyiinta shisheeye.

3: misaaniyadda oo aan ku filan safaaradda,taasi oo ka dhigtay mid daciif ah wax qabadkeeda.

4: shaqaale tababaran oo aan meesha joogin,iyadoo ay laba shaqaale ah iyo ninka hada meesha iska eryada ee Ayaanle oo kali ahi meesha joogaan.

5: xukuumadda oo aan weli si daacad ah uga shaqeysiin safaaradda itoobiya ee Addis ababa.

6: wasaaradda arimaha dibadda oo ku fashilantay inay sidii loogu talo galay u hawl geliso safaaradda Somaliland ee caasimadda itoobiya ee Addis ababa

Akhriste qodobadaasi iyo qodobo kale oo muhiim ah,ayaa sabab u ah daciifnimada safaaradda Somaliland ay ku leedahay caasimadda itoobiya ee Addis ababa.

La soco taxana danbe ee qormadan iyo fashiilaadaha ka jira safaaradda———

By: C/raxmaan Xaaji Cumar

Preparing Degree Civil Engineering

Email:Xaajic1@gmail.com

Addis Ababa/Ethiopia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here