Safarka Socdaal Madaxweyne Maraykan Ah Kii Ugu Horeeyay Ku Tagayo Dalka Itoobiya Oo La Shaaciyey

0
26

Barack Obama ayaa noqon doona madaxwaynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo isaga oo xilhaya booqda dalka Itoobiya sida laga sheegay aqalka cad ee Maraykanka. Obama waxa uu u safri doonaa magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa dhammaadka bisha lixaad ee sanadkan. Dalka Itoobiya waxa uu kala hadli doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin, dardar galinta kobaca dhaqaalaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka, sidaasi waxaa sheegay xoghaya saxaafadda aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka. obamaSocdaalkaas kahor waxa uu booqan doonaa dalka Kenya safarkaas oo hore loo sii shaaciyay, Kenya waa dalkii uu aabihii ka soo jeeday. Safarkana waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey oo isaga oo madaxweyne ah uu ku booqdo dalkaasi. Hogaamiyaha Maraykanka waxa uu Kenya kaga qaybgalayaa shir ku saabsan hal abuurka ganacsiga. Obama waxa uu hore u booqday dalaka Ghana, Masar, Senegal, Tanzania iyo Koonfur Afrika.Xigasho bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here