SAFARKII WADDANI EE NAIROBI IYO HAB DIBLOMAASIYEEDKA DAWLADNIMO.
Sidii uu ballankeenu ahaa hore waxa aynnu uga hadalney ABC Diplomacy iyo nuxurka cilaaqaadka dawliga ah ay ku leedahay. Maanta waxa si aad u kooban aynnu uga hadli doonaa safarkii Waddani ee Nairobi oo in badan dadka Reer Somaliland ay su’aallo is-diidan ka keeneen.
Mawaadiicda aan ka hadli doona ee diblomaasiyadda waxa ka mid ah Track One Diplomacy, Track II Diplomacy iyo waliba People’s Diplomacy.
Dal wal oo adduunyada ka tirsan siyaasadda arrimaha dibedda waxa uga masuul ah hay’ad qaran oo u qaabilsan xidhiidhka caalamiga ah (Wasaaradda Arrimaha Dibedda).
Sidaas oo ay tahay, haddana dalka nidaam dawladdeedkiisa ayaa dhigaya haykal kala madaxbannaan oo dawladnimo. Tusaale ahaan Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo Madaxtooyo (Presidential System of Governance).
Waxa uu dalku leeyahay saddex dhadhaar oo kala madaxbannaan sida Golayaal Sharci (Guurti iyo Wakiillo), Xukuumad (Golaha Fulinta) iyo Maxkamad Sare oo Dastuuri ah (Supreme/Constitutional Court).
Safarrada Guddoomiyayaasha hay’aadka dawladdu ay dalka dibeddiisa ugu baxaan, sharciyan ma noqdaan kuwa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay ka soo fasax qaataan.
Cirro isaga oo Guddoomiye Wakiillo ah ayuu u safraa meel walba, sidoo kale Saleebaan Gaal iyo Aadan Xaaji Cali waa ay safraan.
Nidaamka diblomaasiyadda ah ee ay adeegsanayaan waxa la yidhaa ‘’Track One Diplomacy’’ oo ah hab dawli ah oo sharci ah. Waxa na sabab u ah haykalka qarannimo iyo habka dawladnimo ee Somaliland ay qaadatay.
Haddaba haddii Guddoomiye Cirro safar ugu baxo dalka dibeddiisa walina uu yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, farsamada socdaalka diblomaasiyadeed ee uu adeegsaday ma waxa uu noqonnayaa ‘’Track One Diplomacy’’ oo waa Guddoomiye hay’ad dawladdeed hor-joogge ka ah, mise waa arrin taa ka baxsan oo ah Guddoomiye xisbi?
Haddii aynnu xilka dawladdeed ee uu hayo daliishanno Guddoomiye Cirro xaq ayuu u leeyahay in uu hor fadhiisto oo uu macaamil la sameeyo dalalka kale ee adduunka iyo hay’aadka caalamiga ahba. Waliba isaga oo magaca Somaliland isticmaallaya.
Cid arrintaa ka hor-joogsan kartaa ma jirto, waayo hay’ad dawladdeed oo sharci ah ayuu masuul ka yahay. Haddii se arrinta laga hadlayaa tahay mid xisbi iyana waji diblomaasiyaddeed oo noocee ah ayey yeelan kartaa?
Iyada qudheeda wax qalad ah oo dhanka diblomaasiyadda ahi kuma jiro. Waxa na ay isticmaallayaan hab dawladnimo ka baxsan oo ay xaq u leeyihiin oo ah ‘’Track II Diplomacy’’, gaar ahaan nooceeda People’s diplomacy.
Diblomaasiyaddani waxa ay ogalaannaysaa in qof wal oo muwaadin Reer Somaliland ahi, qarankiisa wanaag ugu shaqayn karo, iyada oo si toos ah loo war-galinnayo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland.
Ammuurtan tafsiirkeedu waxa uu yahay haddii ta hore la raaco in Cirro iyo xisbigiisa oo ku hoos dhuumanayaa isticmaalli karaan ‘’Track One Diplomacy’’ xaq sharcina ay u leeyihiin, ileen dawladdii ayuu qayb ka mid ah yahay cid uu diiddi kartaana ma jirto eh.
Haddii ay xisbi mucaarid ah yihiinna waxa ay adeegsan karaan hab-diblomaasiyaddeedka ‘’Track II Diplomacy’’ qaybta ‘’People’s Diplomacy’’ oo ogolaanneysa in ay macaamil dan raadis ah sameeyaan iyaga oo la socodsiinaya hay’adda shaqada ku leh.
Waxa ay su’aalli ka joogtaa ma la socodsiiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda? Waxa xad in aaney la socodsiin waana ta keentay in Wasiir-Dawluhu ka hadlo. Halkaa waxa ka cad in Cirro koofiyaddii Golaha Wakiillada xidhnaa oo uu dantiisa xisbi ku fushaday.
Sidaas oo ay tahay haddana meel eed laga saaro iyo dhaliil loo heli karaa toona ma jirto Waddani marka ay nidaamka dawladnimada ah timaado.
Marka laga reebo in lagu khaayinnu waddani imo iyo qaranka oo ay dacweeyeen, amma masabideen. arrintaasi haddii ay jirto way soo bixi oo diblomaasiyaddu isma qariso iyada ayaana is iftiimisaa.
Qaladkaa haddii uu jiro Reer Somaliland Wasaaradda Arimaha Dibedda ayey u daba fadhiyaan ee war ha ka keento.
Haddii aaney keeni karin, oo ay Wasaaradda gacmaheedu gaabteen dee wax lagu wadahadlaa ma yaalliin ee ha la kala qoomamo la’aado.
Wacnaan lahaydaa haddii ay xukuumaddu eed la jeceshahay Waddani in ay mar hore labada koofiyaddood ee Wakiillada iyo xisbi mid dhig odhan lahayd Cirro.
Hadda se cid la hadli kartaa ma jirto, safar wal iyo galaangal wal oo uu sameeyaana waa mid sifo sharci ah noqonnaya oo aan eed iyo ceeb toona loo yeeli karin.
Mohamed Hagi