Safiirka Wareega Ee Somaliland oo Berri soo Cago-dhiganaya Caasimadda Hargeysa+ Muwaadiniin iyo Mas’uuliyiin Heer Qaran Ahi Oo Isu Qaban-qaabinaya Soo-dhawayntiisa
London (Hubaal)- Safiirka Wareega ee Dawladda Somaliland Ambassador Keysar Cabdillaahi Maxamed ayaa Caawa Kasoo kasoo kicitimaya wadanka Ingiriiska isaga oo Berri soo cago dhigan doona caasimada Hargeysa. Amb. Keysar oo diyaaradda siddaa ay Kasoo degi doonto Garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa, waxa Dhabbaha Madaarka ugu diyaar ah oo kusoo dhawayn doono, masuuliyiin kala duwan, madax dhaqameed, aqoonyahanno, xubno xilal ka haya xukuumadda iyo Dublamaasiyiin kuwaas oo soo dhawayn ku qaabili doona safiirka.
Ambassador Keysar oo ah Dublamaasi heer caalami ah isla markaana mudadii uu Xafiiska Safiirka Wareega xilkiisa hayay siyaasadda arrimaha dibada iyo ictiraaf raadinta Somaliland gaadhsiiyey wadamo badan iyo safiirro aan aqoon buuxda ka haysan dawladnimada Somaliland, ayaa ka hadlay socdaalkiisan isaga oo baaqna u diray shacbi weynaha Somaliland.
War qoraal ah oo uu Ambassador Keysar Cabdillaahi ku daabacay barta uu ku leeyahay degelka xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxa uu shacbiga somalilanad meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu baaqay in ay qaranimadooda iyo dawladnimadooda heegan u ahaadaan isla markaana qofkastaa meel kasta oo uu joogo uu yahay safiir. Sido kale safiirku waxa uu u mahadnaqay jaalliyadaha Somaliland ee dibada ku dhaqan oo uu sheegay inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan yihiin qaranimadooda mudadii uu xilka safiirka Wareega ahaana ay si weyn u la shaqeeyeen.
Qoraalka uu kaga hadlay safarkiisana waxa safiirku ku bilaabay sidan: “Asalaamu Calaykum, Waxaa Farxad aad iyo aad u weyn ii ah in aan Maanta u Socdaali doono Dalkeenii Hooyo ee Qaaliga ahaa, Dalkii Barakaysnaa ee uu ka dul babanayay Calanka Tawxiidka Eebbe uu qoran yahay, Dalkii Dadkiisu ay Gacmahooda ku dhisteen iyaga oo aan Gacmo kale hoorsan, Dal dadkiisu ay ka taliyaan oo aanay Quwado shisheeye ku amar ku taagleyn. Dal Dadweynihiisu ay Madaxdooda ku Doortaan Gacmahooda kuna bedelaan gacmahooda. Dal Madaxdiisu ay u dhaaratay Inay ku shaqeeyaan Rabitaanka Ummadooda iyo Dastuurka Dalkooda u degsan. Dal ay Dawladiisa iyo Dadweynihiisu si wadajir ah u ilaashadaan Nabadgelyadooda ugana wada shaqeeyaan Horumarinta Dalkooda.
Waxaa Farxad ii ah inaan Muddo ka dib mar kale Dalkaygii Hooyo dib u booqdo, Waxaan Mahadnaq aad u Balaadhan u dirayaa guud ahaan Jaaliyadaha Reer Somaliland ee ku Nool Dalka Dibadiisa oo ah Geesiyaal Laf-dhabar u ah Horumarka Dalkeena, Kaalin Muhiim ahna ka qaadan kara Sidii Qarankeenu uu u heli lahaa Aqoonsi buuxa, Waxaan usoo Jeedinayaa Jaaliyadaheena inay sii Laban-laabaan dedaalkoda oo ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii ay Xukuumadeena ugala shaqayn lahaayeen Gaadhitaanka Yoolkeena iyo Xaqiijinta Yuhuunta iyo Himilada Shacbigeena ee ah in Qarankeenu uu Aqoonsi Buuxa ka helo Dunida.
Muwaadin kastaa waa inuu ogaado inuu yahay Safiir Dalkiisa ka wakiil ah, Waxaana muhiim ah inuu kaalintiisa ka qaato sidii uu Dalkeenu Horumar dhinac kasta ah uu u gaadhi lahaa, Aqoonsi buuxaana uu u heli lahaa. Ducadiinu waa Muhiim Asxaabta iyo Ehelada in Allah uu Dalkeenii Hooyo uu Nabadqab nagu gaadhsiiyo. Waad Mahadsan tihiin.” Sidaa ayuu yidhi Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
Soo dhawayntan haddaba berri lagaga hor tegeyo Ambasaddor Keysar ayaa qabanqaabadeedu ka muuqataa mid ka duwan socdaalladii hore ee dalka uu ku iman jirin, waxaana dadka u dhuun daloola siyaasadda arrimaha dibada ee Amb. Kaysar ku sifeeyeen mid uu ku mutaystay xilkasnimo iyo hawl karnimo uu shacbigiisa iyo dadkiisa u muujiyey mudadii uu xilka hayay, sidaas darteedna ku ammaanan yahay kana mutaystay in soo dhawayn iyo laab furnaan lagu qaabilo.
Dhinaca Kale Ambassador Kaysar ayaa kamid ah Xubnaha faro ku tiriska ah ee xukuumaddu u han-weyn tahay xilka uu qaranka u hayo.