Sagaal Qof Oo Harraad Ugu Dhintay Gobolka Selel Iyo Qaylo-dhaanta Duqa Saylac

0
27

Hargeysa (Hubaal) – Maayarka degmadda Saylac ee xarunta gobolka Salal Md Xuseen Iidle Barkhadle ayaa  tafaasiil ka bixiyey abaar iyo haraad baahsan oo ka taagan deegeenada xeebta galbeed ee Somaliland, kaas oo tilmaamay inay dhawrkii bilood ee u danbeeyey ay deegaanadaasi ay haraad ugu dhinteen 9 ruux oo ay ka mid ahayd hooyo gabadhyar sidatay oo iyadiina dhimatay ilmihii yaraana la badbaadiyey oo uu noolyahay imika, taas oo aan ilaa hadda la aqoonsanin.   saylacDuqa degmadda Saylac oo u warramay Haatuf.net  waxa uu sheegay inay wada fadhiisteen mishiinadii ceelasha biyaha ee ay bulshadda deegaankaasi ka cabi jireen, kaas oo xukuumadda, hay’adaha gargaarka iyo bulshadda Somaliland ka codsaday in loo soo gurmado shacbiga gobolka Salal.  Xuseen Iidle Barkhadle waxa kale oo xog-warankan kaga hadlay baadhistii ay dhawaan Hantidhawrka Qarankuka bilaabeen qaar ka mid ah hay’adaha dakhli ururinta ee degmadaasi oo ay ka mid ahayd dawladda hoose ee Saylac.  Ugu horayna isagoo xaalada deegaankaas ka hadlaya, waxa hadalkiisa ku bilaabay “Xaalada deegaankani Alxamdulilaah waa nabad guud ahaan, wax aan abaarta ba’an ee ay dadka iyo xooluhuba aadka ugu laf-jabeen aan ka ahayn oo jiraana ma jirto, taas oo ay u dheertay biyaha ceelasha oo aad u dheer ayey hadana dhawrkii ceel ee ay bulshadu ka cabayeena ay cadilan yihiin intoodii badnayd. Markaa abaartaas nagu habsatay waxaan ahayn ma qabno oo ilaa sanadkii hore jirtay oo anagu xays ayuun baanu helnaa ee guga shaqo-ba kuma lihin, isla markaana xayskii horena wuu naga baaqday”. Mar aanu wax ka waydiinay inay jiraan wax gurmad ah oo ama xukuumadda ama cidkale toona uga yimid bulshadda gobolkaas, waxa uu yidhi “Dawlada dhexe wali waxba namay soo gaadhsiinin laakiin qaylo-dhaantu way socotay ilaa bishii hore iyadoo uu shalayba nala joogay wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha oo xaga Djibouti nagaga yimid, markaa ilaa imika ma jiraan wax gurmad ah oo xukuumadda ama shacbiga midna ka soo gaadhay dadkan abaarta iyo biyo la’aanta la ildaran. Markaa ka maamul ahaan waxaanu codsanaynaa in intii aanu marwalba ka hadli lahayn biyo la’aan in hal ceel uun naloogu tuntuunsado oo Mishiin naloogu soo iibiyo ayaa ka quruxbadnaan lahayn, waayo biyaha hadii imika la dhaamiyo hadana bil ka dib dhibaatadu halkii ayuun bay taagnaanaysaa, markaa waxaan ku baaqayaa in ceelashada cadilan ee mishiin la’aanta la cadilan in mishiino naloogu keeno insha Allaah. Markaa arrintaasi waxaan kaga baxayaa ha loo soo gurmado bulshaddan oo hay’adaha gargaarkuna ha soo gaadhaan, isla markaana cidkasta oo gacan ka gaysan kartaana ha soo gaadho, waxaanan halkan uga mahadnaqaynaa dawladda aanu jaarka nahay ee Djibouti oo iyadu dhawrjeer noo soo gurmatay, taas oo qalabkii iyo wiishkii noo keenay, iyadoo ay wasaaraddii biyaha Somaliland-na Hargeysa kasoo gurmatay oo imika hawshii ceelka Laanta-muradu way socotaa oo daynabadii waa la sameeyey balse mishiinadii baa cadilan ilaa imika”.

Xuseen Iidle mar uu ka hadlayey dad ugu dhintay haraad deegaankaas, waxa uu yidhi “Dadka ku dhuntan sanadkan oo kaliya inta waliba xagaaga ah waa ilaa 9 qof oo meelo kala duwan oo deegaanka ka mid ah uu haraad ku dilay, kuwaas oo ah dad socdaalaya ama baadi doon-doonaya, arrintan ugu naxdinta badnayd ee dhacday waxay ahayd haweenay sidatay ilmo-yar oo gabadh ah oo ilaa afar jir lagu qiyaasay oo iyadii haraad u dhimatay ilmihii yaraana uu noolyahay ilaa imika, taas oo ku dhimatay meel Lawyo-cado koonfur ka soo xigta, taas oo aan ilaa imika la aqoonsanin isla markaana loo malaynayo uun inay xagaa Djibouti u socotay, gabadhaasi waxay u dhimatay ee dilayna haraad buu ahaa, taas oo u muuqatay inay wadada ka halawday, markaa ma jirto ilaa imika cid gabadhaas yar aqoonsatay”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here