DUCO-QABE: Waa Buug Lagu Ururiyey Taariikhdii, Waayo-aragnimadii Iyo Noloshii Madaxweynihii Hore ee JSL Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal
Hargeysa (Hubaal)- Hargaysa Shirkada Daabacada Casriga ah ee Sagal jet ayaa habeen hore magaallada Hargeysa Kusoo Bandhigtay diiwaan lagu ururiyey sooyaalkii taariikheed iyo midkii nololleed ee alla ha u naxariistee hoggaamiyihii nidaamka dawladnimo u horseeday qarankan JSL Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Buugaas oo qorey Aqoonyahan Xasan Cabdi Madar ayaa loogu Wan-qalay DUCO-QABE.
Xaflada gerdaadinta diiwaanka Duco-qabe ee laga qorey taariikhdii Marxuum Cigaal waxaa ugu horeyn ka hadlay isla markaana faahfaahiyey nuxurka ku duugan Maareeyaha guud ee Shirkadda SAGAL Jet Cabdi Yuusuf Aar, Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “waxaanu soo kordhinay inaanu buuga Tafatirno oo dhalinyarada ka caawino,waxaanan u taagan nahay markasta inaanu wixii aanu la qaban karno lana-qabano Qoraayadda Lagu Tanaaday Ee Warbixinaha Laga Dhaxlay Aqoon yahanadeena markasta soo bandhiga buugta ku qotomaha xaqiiqooyinka,shirkada sagal jet waa shirkad markasta bulshada u adeegta,buugan laga qorayna aabihii Somalialnd waxa ay ka gaysatay kaalin muuqata,waanad arkaysaan in ay iyadu soo qaban qaabisay oo xafladan maanta iskugu kiin keentay. Buugan Ayaa hawshiisa ugu adag waxa dhexda u xidhatay oo sida ugu quruxda badan u daabacday Aabihii Somalialnd Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo tariikhda soomaalida baal mudan kaga jira, isaga oo shirkaddana sheegay in ay Adeegyo badan soo kordhisay oo bulshada u baahnayd tallooyin badan oo lasiiyna ay meel marisay.
Khadar Cabdi cabdillaahi oo ku hadlayay Afka ururka Hiil-Qalin iyo Shirkada Daabac-day Buuggan Ee Sagal Jet ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Bulshadda Madashan ka Kasoo qayb Gashay waxaana uu cadeeyay waxa ay u taagan yihiin inuu yahay sidii ay afka somaliga u soo noolayn lahaayeen. “Waxaanu u taaganahay inaanu afka soomaaliga u hiillinno soona noolayno afka soomaaliga, waxaanan soo dhawaynaynaa Dadka buugta qora waanu tageeranaynaa macaa hadii ay xaga kharashka lagu daabacayo ka baqayaan anaga ayaa gacan qaban doona qofkasta waxaanu ku dhiiri galinaynaa inuu qoro buugta ka hadlaya tariikhda shekooyinka ,waxaanu uu soo jeediyay in buugta la iibsado si aan niyadda looga jabin dhalinta u ban-baxday qorista buugta ee u baahan in lagu dhiiri galiyo. Qoraa Xasan Cabdi Madar oo isaguna Madashan ka Hadlay ayaa Bogaadiyay Masuuliyiinta Madashan ka Soo Qayb gashay,waxaana uu cadeeyay in sagal Jet tahay Shinbir khayr qaba oo bulshada u soo baxday,waxaana uu ka hadlay buuga Faa’iiddada ku jirta Isaga oo cadeeyay in sagal jet ahaan iibsadeen 25 buug.“waxaan ka abaaray halgankii iyo siyaasadii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxaana uu ahaa Halgamaa Wakhti badan naftiisa u huray Somalialnd ,waana Madaxwaynahii dimuq-raadiyada,dadka gacan ka gaystayna way badan yihiin oo cid kasta oo aqoon u lahayd waan waraystay,Erayga Duca qabe waa dhab oo madaxwayne Xaaji Ibraahin Cigaal wuu isticmaali Jiray ilaa Xiligii Raysal Wasaaraha uu Ahaa. Qoraaga Buugan Soo Saaray ayaa sheegay in qadarka lacagta lagu iibsanayo ay dhan tahay 20 Dollar, waxaana uu bulshada u soo jeediyay in iibsadaan si ay tariikhdii faca waynayd ee madaxwaynaha ay uga haqab baxaan. Cabdikariim Axmed Mooge ayaa buugan ka sheekeeyay sida uu muhiimada badan ugu leeyahay bulshada Somalialnd , waxaa uu sheegay inuu ahaa hoggaamiye lagu dayan Karo madaxwaynahii hore ee Somalialnd Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. “ Cigaal waxa uu kala doortay Magac, maal iyo Madaxtinimo, waxaana uu ka doortay Madaxtinimo, waxaana uu iska diiday maalka isaga oo aabihii Ahaa taajir, Xaaji ibraahin cigaal waxa uu ka dhabeeyay inuu iska diiday maalkii iyo inuu dhaxlo hantidii aabihii uga tagay inta uu xilka hayayna waxa laga dhaxlay maah-maahdii ahayd siyaasadda guri ayaa loo iibiyaa ee guri lagama dhisto,markaas buugan waxaad ka dhaxli kartaa intaad yartay inaad hiigsi iyo himilo yeelato. sida ku cad buuggan waxa uu madaxwayne xaaji ibraahin cigaal noqday Xog-hayihii Guud 1950 isaga oo 27 jira,waxaana uu 31 jir ku noqday Raysal wasaare waxaana uu saxeexay heshiisyo caalami ah,waxaana uu dhalinyarada ku guubaabiyay in ay noqon karaan Marxuum Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal Oo kalaa,waxaana uu 1993 soo dhisay dawlad yar oo kooban xiligaas oo ay bulshada beela beelo u kala fadhiday ku dhiiraday inuu dhiso dawlad,waxaana uu dhisay haay’addo dawli ah,isaga oo sameeyay ciidan qaran iyo hub ka dhigistii,waxa uu qoray dastuurka Somalialnd isaga oo sameeyay afti dhisayna korna u qaaday ilaha dhaqaalaha”. sidaas ayuu yidhi Cabdi kariim Axmed Mooge.
Maxamed Baashe Oo Isna qoraa ah ayaa u mahad naqay qoraaga buugan iyo inta madashan bilan ee dhacdada bilan lagu hayo ka soo qayb gashay, waxaana uu cadeeyay madaxwayne Xaaji Ibraajin Cigaal inuu ahaa aqoon yahan iyo Nin Himilo fog lahaa, waxaana uu buugan ku sheegay mid saxar tiray Halgankii iyo Siyaasadii Xaaji Ibraahin Cigaal. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somalialnd Ee Solja Maxamed Cabdi Jaamac xuuto ayaa sheegay in ay warbaahinta Somalialnd u ahaa baal dahab ah, waxaana uu ka shekeeyay hal-hays-yadii kala dhex maray warbaahinta iyo Madaxwayne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahi Cigaal. “waxaanan u hambalyaynaa Xasan Cabdi Madar ka saxaafad ahaan fursad ayaynoo tahay buug kasta oo soo baxa,waxaanan qayb ka qaatay buugan markii la uruurinayay caqabado ayaanu kala kulanay markaanu xogta dhabta ah uruurinayay,waxaana uu faysal cali waraabe u soo jeediyay inuu 50 buug ka bixiyo saxaafada Somalialnd si ay ugu taba-barato.
Cabdi Qaadir Jirde ayaa si qoto dheer uga hadlay hab-dhaqankii madaxwayne Marxuum Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal,waxaana uu sheegay in qaranka Somalialnd marka uu difaacayo inuu is madax mari jiray halka uu qadiyadda ka taagan yahay,isaga oo darsayay cimrigii siyaasadeed iyo inta uu la shaqaynayay inuu ahaa qof xilkiisa iyo mansabkiisa ku ixtiraamo.
“markii ugu horaysay ee aan arko waxa ay ahayd dhawr iyo kontankii isaga oo ka hadlaya Khayriyada, waxaana iigu xigtay 1969kii waxaana iigu xigtay 1993kii, waxaanan iiga shekeeyay qayb oo ay soo wada shaqeyeen, waxaan ahaa xog-hayihii markii dastuurka laysku soo duba-riday, waxaan ka maro kacayaa intaanu ku gudo jirnay dastuurka inaanu farriin noosoo dirin isaga oo noo daayay sidaan hawlaha u wadnay, waxaana guddoomiye noo ahaa markii xukuumadda lasoo dhisayay Daahir Riyaale halka xog-hayena uunoo ahaa madaxwaynaha hadda Somalialnd maamula Axmed Siilaanyo.
Amb. Cawil oo khudbad qiimo badan oo ku suntan taariikhda uu u soo joogay Ee Marxuum Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal ka jeediyey madasha ayaa cadeeyay inuu ahaa nin adkaysi badan oo xabsiga uu ku jiray 12ka Sano uu u adkaystay,isla markaasna aan habeena ka noqonin hadafkiisii uu doonayay inuu ka dhabeeyo.