Salaad Roob-doon Ah Oo Maalintii Shalay Laga Tukaday Magaalada Laascaanood

0
34

laascaanood

Hargeysa: (Hubaal)-Waxaa si wayn  maalintii shlay isugu soo baxay kumanaan dad ah garoonka salaadaha lagu tukado ee Masalaha  ee magaalada Laascaanood, si ay EEBE uga baryaan raxmaadkiisa ugana gargaaro abaarta ba’an ee haysa dadka, kadib markii waxgaradka deegaanku maalmo ka hor iclaamiyeen tukashada salaaddan.

Salaadan Roob-doonta ah, ayaa  ahayd mid aad u balaadhan taasoo muujinaysa abaarta Taabatay gebi ahaan bulshada miyi iyo magaalaba ee deegaanadan haysata, iyadoo ay mudooyinkii u danbeeyay aanay roobabku u maanshayn si haqabtir ah.

 Qaar ka mid ah culimada gobolka Sool oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay si aad ah ugu dheeraadeen masiibooyinka abaaraha keena in ay dadku badan-kooda keensadaan ciqaabna looga dhigo abaar iyo colaad.”Naxariista Rabbi si aan u helo waa in aan isu naxariisanaa oo aan eegnaa dhibaatadda haysata dadka, waa in gurmad loo fidiyaa meelaha ugu liita ee dhibtu ka jirto, waxaa hubaal ah in Naxariista Alle aan helayno isla markaana aynu muujinaa ALLE ka cabsi dhab ah,” ayuu yidhi Sheekh Maxamuud Xaliike oo mudo dheer wacdi u  jeediyey  bulshowaynta isutimi.

Goobta dadku isugu soo bexeen oo ahaan jirtey meel aad u kulul ayna adagtahay in dadku waqti maalinima ah isugu yimaadaan hase ahaatee ma aanay ka baajin taasi oo si wayn u sifaynaysa baahida haatan loo qabo raxmaadka RABI oo ka dibdhacay xiliyadii lagu aqoon jiray.

Hoglo dhawr ah oo aan sidaasi u sii badnayn ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku tiixay qaybo ka mid ah deeganadan  hase ahaatee may ahayn kuwo ku filaaday baahida abaareed ee dadka iyo dalkaba haysa taasi oo sababtay isusuubaxan bulsheed ee shalay si wayn laga dareemayo magaalada Laascaanood oo guud ahaanba la fasaxay goobihii waxbarasho.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here