Salaadiinta Beesha Muuse Ismaciil Ee Gobolka Sanaag Degta Oo Sheegay In Xukumada Kalsoonidii Kala Noqdeen.

0
37

Hargaysa(Hubaal) Salaadiinta, Cuqaasha, Dhalinyarada Iyo Waxgaradka Dagan Gobolka Sanaag gaar ahaana Magaalada Ceerigaabo ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargaysa ku sheegay In Ay Kalsoonidii Kala Noqdeen Xukuumada uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland.

Waxa ay shegeen in Go’aamo Dag-Dag ah ay ka soo saarayaan Xaalada Deegaanka iyaga oo ka Cabanaya Taladii Gobolka oo Gacanta loo galiyay Siday Shegeen Beelsha Madaxweynaha.

Salaadiinta ayaa Baaq u diray Madaxwaynaha Somaliland iyaga oo u soo jeediyay Inuu Si Dag-dag Ah Xaalada Ka taagan Gobolka Hoos u eego, Hadii Kalena Ay Muujin Doonaan Amar lid Ku Ah Xukuumada.

 beesha muuse ismaciil

Caaqil Cabdilaahi Faarax Xaamud Oo Shirkaas Jaraa’id ugu Horayn Ka hadlay ayaa Ka waramay Xaalada Ka taagan Gobolka Iyo Cabashada Ay qabaan. “Halkan maanta waxaanu Ka soo Gudbinaynaa Dawlada uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland oo Xaqii Aanu Lahayn Duud Siday oo cid kalena u cumaamaday,Anag oo ah Majooratiga Dagan Gobolka waxa ay Xukuumadu ku wareejisay Cid Gaar Ah oo ay Dano Gaar Ah ka leedahay,waxaanu shacabka ugu baaqaynaa Dagan Gobolka Sanaag inaanu Joojinay Wada shaqayntii Naga Dhaxaysay intaanu ka helayno Xaqii Aanu lahayn,Haday Tahay Taliye ,Maxkmada,Ciidanka Asluubta,Dhamaan Waa naloo Diiday Cid Kalena Gacanta Ayaa loo Galiyay.

Cabdilaahi Faarax Xaamud oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.”Cida Gobolka ugu Badan ee dadka Walaalaysay waa anag,waxaanu Dawlada Leenahay waanu ka Baxnay walaalayntii Aanu wadnay Maanta laga Bilaabo waxaad Noogu so Hagaagtaan Waxaydaan Nooga Baran.

Jiif Caaqil Cabdilaahi Cabdle ismaaciil Aadan oo isaguna Madasha ka Hadlay ayaa Iftiimiyay Caqabadaha Badan ee Gobolka Yaal isaga oo cadeeyay in Xukunkii Gobolka Reer Masuul looga Dhiga waxaana uu yidhi.“waxaanu Nahay dad Muwaadiniin Ah oo Reer Somaliland u dhashay,waxaanu nahay Beeshii Gobolka Ceerigaabo iskugu yeedhay,Maamulka Siilaanyo iyo Xaalada uu ku jiro Markaanu eegnay la shaqayn Mayno oo Aayahayaga Dib ayaanu uga Tashan Doonaa,Markaanu eeganay Maamulka Gobolka Beel Kaliya Ayaa haysata,Talada Gobolkana Beel kaliya ayaa loo dhiibay,Beelna Beel Ka xukunto,Xukuumadu Nama Xukumi Doonto Hadaanu Madaxwayne Siilaanyo Sida uu wax u Wado Wax ka Badalin.

 beesha muuse ismaaciil

Caaqil Cabdi Ismaaciil Saalax ayaa sheegay in aanay Nabad Danbe iyo wada shaqayn Danbe ka Dhaxayn Doonin Xukuumada iyo Beesha Dagta Gobolka Sool iyaga oo sheegay in Ay Xukuumada uga Fadhiyaan Saamigii Ay Ku lahayeen waxaana uu yidhi.

“Cida Nabada Gobolka Gacanta ku haysaa ilaahay ka Sakaw Waa Anaga,Cid Gaar Ah takoori Mayno Cidaanu la Hadlaynaa waa Madaxwaynaha Somaliland,Xilalkii Gobolka iyo Saamigii Beesha waa Laga Dhaariyay,Halkaas Marka Ay Hawlahu Marayaan Waanu ku Samirnay Magaaladana Sidaa ayaanu ku daganay,Hadaad Madaxwayne Arimahaas Ka Noqon Maydo Xili Aan Xili Ahayn Ayaad Garan Doontaa,Cadaalada Darada Ay Xukuumadu Madashaas Ka Wado ka Dayn Waydo Iyada Ayaa Farta Dhexda ka Qaniini Doonta.

Suldaan Maxamuud Cali Buraale ayaa sheegay Sidii Ay Xilka ula Wareegtay in Ay Caqabad Badan Saartay Bulshada Dagta Gobolka waxaana uu ku Baaqay in Arintaas Gudi loo saaro Madaxwaynahuna Ka hawl Galo.

“Sidii Madaxwayne Siilaanyo Talada U Qabtay Xukuumadiisu waxa ay ku Fooganayd Sidii Ay beelaha U kala Saari Lahayd Xuquuq-doodana u duudsiyi lahayd,beelaha iskaga Hor keeni lahayd,Nad Galiyada Darada Ay gobolka ka bilawday ee beelaha la iskaga Hor keenayso Malayn Maysid,in Badan ayaanu ka Xishoonay Xaalada Gobolka Maanta Waxa uu Marayaa Meel Aan laqarani Karin,Madaxwayne Meeshu Maaha Gobol Lahelay,Dad ayaa Xuquuq Doodii Doonaya,cid kalena inaad xuquuq u doontaan waa laydiinka Fiican yahay,Maanta Laga Bilaabo Arinta Gobolka Go’aanu dag-dag Ah ayaanu ka Soo saaraynaa Taladana Hadaa Nawada Siin wayday Anaguna Waxba Kaa Siin Mayno.

Suldaan Siciid Maxamuud Cali iyo Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Maxamuud Xasan Cali Muuse ayaa iyaguna Si iskumid Ah u sheegay in Ay Xukuumada Kal Soonidii Ay u hayeen Kala Laabteen waxaanja Ay Bayaamiyeen In Marka Horeba Ay Maamulka Iyagu Gaadhsiiyeen Gobolka Maanta Waji Kale ugu Soo Hagaagi Doonto Xukuumadu Waa Sida Ay Hadalka u dhigeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here