Halkan Ka Akhri Magacyada Iyo Kaalmaha Ay Ka Galeen Lix Arday Oo SALAAMA Secondary School Ugu Jiray Labaatankii Arday ee U Sareeeyey
Hargeysa (Hubaal)- Dugsiga gaarka loo leeyahay ee SALAAMA Secondary School ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hooyay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Somaliland oo shalay lagu dhawaaqay, kuwaas oo ay Saddex dolool meel ku guulaysteen Labaatankii arday ee ugu sareeyay.
Dusgigan oo la aasaasay sanad dugsiyeedkii 2011 ilaa 2012 isla markaana ay doorkani tahay sanadkii labaad ee ay ka qayb galaan ardaydoodu imtixaankan heer qaran ee shahaadiga ah ayaa lix arday oo ka tirsan Salaama Secondary School ku guulaysteen Labaatanka arday ee ugu sareeyay, kuwaas oo kala ah; Hana Jamaal cabdiraxmaan xasan oo kaalinta Lixaad u gashay Tobanka arday ee dalkoo dhan ugu sareeyay imtixaanka, iyada oo ku baastay 740 dhibcood. Maxamuud Khadar Xasan Ducaale oo isaguna kaalinta Tobnaad ka galay Tobanka arday ee ugu sareeyay dalkoo dhan, waxaanu ku baasay 737 dhibcood. Afarta arday ee kale ee iyaguna guusha u soo hooyay Salaama Secondary School ayaa hoggaanka u qabtay ardayda hablaha ah ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan, kuwaas oo kala ah; Hana Jamaal Cabdiraxmaan Xasan oo ah ardayadda dalka oo dhan kaalinta Lixaad u gashay ayaa mar kale waxa ay kaalinta Labaad u gashay hablaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan iyadoo ku gudubtay 740 dhibcood. Waxa kale oo iyaduna kaalinta Shanaad ee hablaha dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay u gashay Isra Axmed Haaruun Ismaaciil oo ku gudubtay 732 dhibcood. Kaalinta Lixaad ayaa iyaduna Bahja Aadan Ibraahin Maxamed ka gashay Tobanka hablood ee ugu sareeyay dugsiyada Sare ee gaarka loo leeyahay, waxaanay ku baastay 730 dhibcood. Ugu dambayn Amran Axmed Maxamuud Cali ayaa 728 dhibcood ku gashay kaalinta Toddobaad ee Tobanka hablood ee ugu sareeyay dugsiyada Sare ee gaarka loo leeyahay. Guud ahaan Imtixaankan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 waxa dugsiga sare ee Salaama u fadhiistay arday tiradoodu dhan tahay 319 arday, waxaana derejada u saraysa ee A ku baasay 234 arday, sida ay Wargeysaka Hubaal u sheegeen Maamulka dugsigaasi, sidoo kale 80 arday baa imtixaanka ku baasay derejada B, halka 4 arday ay imtixaanka ku baaseen derejada C. iyada oo aanay haba yaraatee jirin wax keena D ama ka dhaca dugsiga Salaama, Waana Sanadkii labaad ee ay ka qayb galaan imtixaannada dugsiyadda sare ee Somaliland tan iyo markii dugsiga Sare ee Salaama la aasaasay sanad dugsiyeedkii 2011 -2012, kaas ay uga qayb galeen 149, waxaana natiijadiii imtixaanka ay kaalinta 8aad ka galeen.