Saldhig Milatari Saamaynta Uu Koonfurta Kuuriya Ku Leeyahay Innana In Uu Innagu Yeesho Wax Diidayaa Ma Jiraan

0
51

Innaga” iyo adduunka kale isku mid baynu nahay. Saldhig Milatari Saamaynta Uu Koonfurta Kuuriya Ku Leeyahay Innana In Uu Innagu Yeesho Wax Diidayaa Ma Jiraan.

Iyada oo aan meel kale loo kicin oo aan cilmi baadhisaha laga sameeyay la akhriyin, bal waxaad iswayddiisaa askari xero ku jira oo aanad ka agwareegi karin oo wuxuu ku dhex qabto aanad war u hayn, oo aan madaxweynahaagu u dhowaan karin, oo aan neef xoolo ah iyo hooyo xaabaysanaysaa ag mari karin, waxa faa’iido ah ee inoogu jiri karta? Saw ma aha uun waxoogayga lacagta ah ee ay kolba xukuumadda siiyaan ee dhowr qof jeeb kooda ku dhacda? Taasina waynu ognnahay waxa innagaga soo noqda shicib ahaan.

Laga soo bilaabo 2003 dunida oo dhan waxaa ka bilowday shebekado iyo dhadhaqaaqyo lagaga soo hor jeedo saldhigyada milatari ee shisheeyaha. Kuwa lagu guulaystay ee albbaabada loo laabay waxaa ka mid ah: Manta base iyo Ecuador. Shebekedahaa isku xidhan oo aad ugu ololeeya in la joojiyo saldhigyadaasi oo ka kooban 100 waddan iyo tobannaan kun oo xubnood, waxay guulo badan ka gaadheen in ay saldhigyada qaar xidhaan, kuwa kalena kor-meeraan oo sida ay u hawl galaan isha ku hayaan.

Innaguna maantaynu sacabka u tumaynnaa saldhig milatari!

Waxaan ku diiday oo aan kaga soo hor jeedaa saldhigga la hadal hayo in Berbera laga siiyo Emirate-ka qodobadan kooban oo ah khasaaaha uu inoo yeelan karo:

– Danbiyo (xadgudub, kufsi, tacaddiyo, xadhig iyo jidh dil iwm)

– Didsanaan iyo dhegta oo taagnnaata dadka ka ag dhow (Social tension)

– Khayraadka oo ay gurtaan (Drain on resources) 70 Km ee la siinayaa waa inta aynu khayraadka waddanku leeyahay ku tuhunno, bad iyo berri.

– Biyaha oo ay wisikheeyaan iyo bullaacado ay deegaanka ku faruuraan (Water and sewer)

– Isusocodkii dadkeena oo cidhiidhi gala (Transportation problem) 70 Km oo isku wareeg ahi waa Hargeysa iyo Gabiley oo isku wareeg ahe yaan la fudaydsan.

– Deegaankii oo ay baabi’iyaan, dhirta oo ay jaraan, saliidda gubatay ee gaadiid kooda oo deegaanka innaga bi’isa, ugaadha oo dhulka ka haajirta

– ( dhulka oo faraheenna ka baxa, haliso caafimaad darro oo ka dhallan karaya tijaabada ay ku sameeyaan hubka la oggolyahay iyo ka aan la oggolayn ba.

– Hawada oo ay wisikheeyaan (pollution)

– Danbiyada ay askarta saldhigyada deggani galaan maxkamadi ma xukunto, sida heshiisyada caalamiga ah lagu qoro. Sababtuna waxay tahay in ay halis ugu jiraan weeraro kaga iman kara dadka ka soo hor jeeda saldhigyada milatari ee muwaaddiniinta ah. Feedhaha inta ay xabbad kaala dhacaan amma ina ciqaabaan ayay odhanayaan waanu is difaacaynnay. Kolkaa wixii ay sameeyaan danbi looma raaco

– Colaado jaarkeenna aynu gashanno, sida Yemen iyo Ethiopia oo amni darro innagu keena. Sida la sheegay Yamani waxay Berbera u jirtaa 260 Km dhinaca badda ah, gantaalaha ay Xuutiyiintu ku ganaan Sucuudigana waxay gaadhaan 800 Km, kolkaa way u fududdahay in ay duqeeyaan Berbera haddii lagaga soo duulo.

Adigana maxay kula tahay?

Qalinkii: Mustafe A. Nuur

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here