Saleebaan Gaal: Guddoomiyaha Guurtida Een Somaliland Waligii Kalmad Uga Dhex Odhanin Yurub-ta Uu Degan Yahay

0
37

Sanadkii saddex bilood ma wada joogo  dalka oo wakhtigiisa waxa uu inta badan ku qaataa Yurub gaar ahaan dalka UK oo uu si rasmi ah u degan yahay iyo Talyaaniga oo uu gaadh-gaadho, haddana waa Guddoomiyaha Guurtida dalka Somaliland ee waxa ugu wayn ee ay bulshadu tabanayso yahay aqoonsiga wadankoodu u qalmo ee beesha caalamku kala masuugtay.

saleebaan gaal

Dalka caynkaas ah ee uu kaga fadhiyo kursiga 2-aad ee ugu darajada sareeya ayaanu maalin kaliya kalmad uga dhex-odhanin dibadahaas uu ku noolyahay. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) waxa uu madax ka yahay aqalka Guurtidda oo ah hay’ad cusub oo ay Somaliland kusoo kordhisay dhismaha nidaamyada dawladnimo ee caalamka hore uga jiray.

Haddii uu bulshadda Ingiriiska ee uu mudooyinka badan ku maqan yahay u sharaxi lahaa uun siday Guurtidu ku timid, waxay qabato iyo waliba kaalintay kasoo gashay yagleelidii nabada Somaliland, sheekadaas oo kaliya ayaa waxbadan ka tari lahayd aqoonsiga dalkiisa ka maqan.

Habba la diidee saw may ahayn inuu cid uun wax idhaahdo. Nasiib-darose maalinta uu London gaadho ayaa Somaliland iyo amuuraheedaba ugu danbaysa, waxaana ugu xigta marka uu madaarka Hargeysa kasoo dego isagoo ujeedada uu dalka u yimidna yahay gurmad xaga madaxtooyadda ah.

Haatuf Staff Writer

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here